February 17, 2026

Aniga oo dareensan halista uu xambaarsanyahay cudurka loo bixiyey covid-19 kaas oo la sheegay in uu sababo viruska coronavirus, hadana waxaa waayahan socda walaac aad u balaaran oo eey dadka qaar ka dhigayaan in aan wax rejo ah jirin, eeysana jirin cid badbaadeysa lana wada dhimanayo. Hadaba in eeysan arintu sidaas eheeyn waxaan doonayaa in aan soo gudbiyo 10 sababood oo aadan uga cabsan cudurkaas:<!–more–>

  1. Dhimashadu wey kaaga dhowdahay cudurkaasmacnaheyga intuu cudurkani wareegayey waxaa jira kumanaan qof oo u dhintay sababo ka duwan cudurkaan qaarkoodna sababo ka fudud qaarna sababo ka culus.
  2. Ma aha cudurka ugu dilaasanwaxaa la sheegay in cudurkani uu dilo boqolkiiba wax ka yar seddex dadka uu ku dhaco, laakiin waxaa jira cuduro badan oo dila qofkasta oo eey ku dhacaan boqolkiiba boqol mana jiro qof aamin ka ah
  3. kolley sabab ayaad u dhiman leheedsabab kasta oo aad u dhimato kolley dhimashadu waa lama huraan mana jiro qof iska noolaanaya weligii
  4. Iskama badbaadi kartidwaa laga yaabaa in aad dadaali karto laakiin ma jiro hab boqolkiiba boqol amaan ah oo aad isaga badbaadi karto cudurkaan. Waxaana jira dad badan oo ku dadaaley in eey cudurka iska badbaadiyaan laakiin uu diley ugu dambeeyn

5. qaddarta kama faka kartid

haddii uu ilaaheey kuu qoray in aad ku dhimato cudurkaan cid kaa badbaadi karta ma jirto

6. ma ogid waxa dhacaya mustaqbalka

ma ogid in cudurkani uu kugu dhici doona, goorta iyo goobta iyo in uusan kugu dhici dooninba, iyo xataa in uu kugu dhici doono ee uu kuu fududaa doono midna

7. dadka uu dilo waxaa ka badan dadka aanba dareemin

haa. Waxaa la sheegay in boqolkiiba sideetan dadka uu cudurkani qabto eeysan xataa dareemin in uu cudurkaasi ku dhacay iyo inkale

8. waa imtixaan ama waa ciqaab

kolley ama waa imtixaan oo waa in lagu sabraa ama waa ciqaab dembiyo horay loo galay labaduna waa xaq

9. cudur kasta waa loo dhiman karaa

ma ogtahay inta qof ee hargabka caadiga ahi uu dilo sanad walba?

10. aad ayaa loo buunbuuniyey cudurkaan

waxaa jira cuduro ka halisan cudurkaan kana dilaasan laakiin eeysan saxaafaddu uga hadlin sida eey cudurkaan uga hadlaan.

inkasta oo aan sidaas niri hadana marnaba ulama jeedno ha is ilaalin ee sidaad doonto u dhaqan, mana dooneyno in dadku iska indha tiraan digniinaha caafimaad ee waa in la maraa jid kasta oo aad is leedahay cudurka waa lagu yarey karaa faafistiisa.

la wadaag asxaabtaada

Leave a Reply