February 17, 2026

Professor Dalxa oo ah nin mutacalim soomaaliyeed ah, lagana filayey in uu ummadda soomaaliyeed u iftiimiyo wixii ilaaahey baray ayaad u moddaa in uu wado kala qeybin hor leh oo ummadda soomaaliyeed uu ku kala qeybinayo.

Soomaalida oo horay ula daalaa dheceysey kala qeybsanaanta ku saleysan qabyaaladda ayuu u kala qeybiyey qeybo hor leh oo uu ku sheegay in eey kala yihiin “geelley”. “beeraley” iyo “xeebaley”. Haddaba waxa uu sheegay in kooxda uu ku sheegay “geelleyda” (oo ah markii hadalkiisa la fiiriyo soomaalida oo dhan) in eey yihiin dad dagaal u joog ah, maahmaahooyinkooduna eey ku saleysanyihiin dagaal iyo ad-adeeyg waxa uuna mar kasta soo qaataa dhowr mahmaaho oo ah:

1. indho adeyg waa ra’sumaal

2. nimaan hadlin hooyadiis qadisay

3. nin aan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo

4. rag iska celi iyo rabbi ka cabso meel ma wada galaan

5. qeylshaa ma qado

hadaba waxaan dooneynaa in aan sahminno oo aan ogaano bal in sida uu professor-ku u dhigay hadalka eey soomalidu tahay dad xun ama in eey leedahay maahmaahooyin ku saleysan naxariis, iscafis, run sheeg, caddaalad, wax isi siin. nabad, walaalnimo iyo ilaah ka cabsi waxaana aan soo helnay 100 maahmaahyo oo tilmaameysa dhaqan wanaagga soomaalida uu ku tilmaamay “geelleyda”. Waxaa qasab ah in eey jiraan kuwa intaas ka badan oo aanaan soo qorin laakiin intaan ayaan ku kaaftoonay.

1. Tagto daa ee timaado qabo

2. cimri tegey ceeb laguma sagootiyo

3. gacalo waa gacmo is dhaafa

4. run iyo ilko waa la caddeeyaa

5. iskaashato ma kufto

6. run iyo roob lagama reysto

7. afxubo nabad kaa fogeysey dagaalna wax kama tarto

8. garna markhaati masaajidna dhagax

9. meel hoo u baahan hadal wax kama taro

10. ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis

11. kaadi badane waa loo gogol badiyaa

12. kaftan iyo kaadibaa leysku cadaabaa

13. kibir ma jabo ee ninkiisa ayaa jaba

14. labadii xaq darro ku heshiisa xaqa ayey isku dagaalaan

15. hubsiimo hal baa la siistaa

16. beentaada hore runtaada dambe ayey u baas baxdaa

17. cagtii joogsanweysa marbey ceeb la kulantaa

18. beeni raad maleh

19. hadal badan haan ma buuxsho

20. talo adaa ku nool ee ayadu kuguma noola

21. nimaan dhididin ma dheefsado

22. nimaan shaqeeysan shaah ma cabo

23. nin gardaran ma guuleysto

24. xumaan xurmo ku beddel

25. god sireed ha qodin hadii aad qoddana ha dheereeyn ku dhici doontidaa ma ogid

26. samraa sedkiis hela

27. damiin far waaweyn ayaa wax loogu dhigaa

28. hawo adduun iyo hoos galbeed midna ma raagaan

29. dad waa wada gob ee waayaha ayaa gabey

30. alle wate wehel uma baahna

31. qunyar socod qodaxi ma muddo

32. dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho

33. aqoon la’aan waa iftiin la’aan

34. arrin xumo abaar ka daran

35. balaayo laba qad malaha

36. ballan habeen waa jermaado subax

37. banaankiis mare maradiisa geed ma qabsato

38. baruur quruntey baruuro qurmisey

39. been doode been buu dhaartaa

40. balaayo kaasii jeeda la iskuma soo jeediyo

41. aan wada hadanlno waa aan heshiino

42. af aamusan marti ma sedo

43. alif kaa xumaaday albaqro kaama haro

44. allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin

45. allow aqoon darro hanagu cadaabin eexana hanooga tegin

46. god ku asturay xumaantiisa lama sheego

47. habaar waalid ma haro

48 .hadal waa ammaan inta uu uurka ku jiro

49. haddii aan la kala roonaan roob ma de’een

50. haddii aad dhimaneyso dhareerka waa leyska duwaa

51. halmaan hadal kuma jiro

52. gar waa loo wada islaam

53. gari ilaah beey taqaan

54. gacmo wada jir beey wax ku gooyaan

55. gardarraalow ma guuleysto

56. doqoni xin mooyee xisaab ma oga

57. dardaaran waa inta la noolyahay

58. dhiig islaam ma qarsoomo

59. dab munaafaq shiday mu’min baa ku gubta

60. dacartuba mar beey malab dhashaa

61. wax yar tare ayaa jira ee wax ma tare majiro

62. nin is faanshey waa ri’ is nuugtey

63 .nin ku jecel xogtaa og, nin ku necebna xantaa og

64. nin magaalo ka xanaaqey siiga yare

65. nin ooman biyaha hoo umbaa deeqda

66. ninkii soo joog laga waayo soo jiifo ayaa laga helaa

67. nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday

68. nin war kuu keenay war kaa qaad

69. nin xil qaaday eed qaad

70. wax ogaal wax looma sheego

71. wax aan calaf eheyn lama cuno, waxaan wed eheyna looma dhinto

72. xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan

73 .xoolo lama cunee dadkooda ayaa la cunaa

74. sir ma qabe saab ayaa biyo u celiya

75. sixun wax u sheeg saaxir ka daran

76. tabcadaa ma tuugoobo

77. tuug la qabtay talo maleh

78. waa baahanahay bakhtiga looma cuno

79. walaalkaa marqaatiga ku fur magtana la bixi

80. waalaalo is neceb wey xoolo yareeyaan weyna xabaalo badiyaan

81. ishaadu waa kula fil dhegtaaduse wey kaa weyntahay

82 .runi rag kama nixiso

83. dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa

84. qosol badani qoonsimaad noqoy

85. ballan la’aan waa diin la’aan

86. qunyar socod qodaxi ma muddo

87. rag wuxuu walaalow ku dhaamo la waa

88. nafeey nin ku doona ku waa

89. nabsi ma haro

90. naxariis eebbe lagama quusto

91. nin aan dulqaad leheey waa geel aan horweyn leheyn

92. nin anigu yiri rag iska saar

93. nin durbaan tumay ilaaq dalbay

94. marti iyo meyba waa la maquuniyaa

95. madax muuqda iyo middi saawira midna lagama sabro

96. intii orod jirey kuftini wey jirtey

97. nabad la’aan waa nolol laa’aan

98.inta aadan falin ka fiirso

99. meel aaddan seexan doonin haku lulmoon

100. nin habari dhashay hal ma seegi waayo

haddaba aan barbar dhigno dhowrkaan maahmaaho

1. beled beec baro ama been baro

2. misbaax minankaada u mugdiya minan dadaw ma lagu ifiyo

3. biyo bowdkaada u baahan bowd dadow ma lagu daadiyo

4. kaligaa waalo hala wada waashaa ka fiican

5. ninkii casirkii ku gaada cishihiiyaa la gaadaa

6. ninkii is waalo waa leyska waabiyaa

7. nin dab haayo dabeylaa loogu daraa ha darsadee

8. marka ninkii mooda munaafaq waaye

9. saxan saxan ku gud, saan saan ku gud

10. sabuul ganley ninkii kusiiyaa la siiyaa

gabangabadii, sideedaba farqi ayaa u dhexeeya miisaanka hadalka kasoo yeera qof jaahil ah iyo qof mutacalin ah arintaasna waxaan uga hadli doonaa maqaal soo socda oo ciwaankiisu yahay (22 arrimood oo aan professor Dalxa ku baraarugsaneyn)

Leave a Reply