Sida eey aniga ila taahay, soomaalidu marki eey maqlaan Indonesia waxaa kusoo dhacaysa macawisyaha qaasatan kuwa loo yaqaan soofeysta oo soomaalidu waayihii hore aad u xiran jirtey, laakin maanta waxa aan u hayaa akhristeyaasha 10 waxyaabood oo wadanka indonesia uu uga tilmaamanyahay wadama badan oo adduunka ku yaal. waxyaabahaas oo laga yaabo in dadka qaarkiisna eey ka warqabaan dadka qaarna weli eeysan maqlin.
- Magaca Indonesia waa magic giriig ah oo laga wado jasiiradaha hindiya.
- Wadanka Indonesia waxa uu ka koobanyahay in ka badan 17000 oo jasiiradood taas oo macneheedu yahay dhulal yar yar oo ku dhex yaala bada dhexdeeda inta bada jaziiradahaas lama deggana.
- Indonesia waa wadanka ugu muslimiinta badan adduunka waxaana ku nool ilaa iyo 140 milyan oo muslimin ah waxayna muslimiintu ka yihiin boqolkiiba 90, tobanka soo hartayna waxa ay u badanyihiin dad heysta diinta hinduga.
- Waa wadanka afaraad ee ugu dadka badan addunka marka laga soo tago Shiinahan, Hindiya iyo Mareykanka.
- Waxaa gumeysey wadanka Dutch ka oo heystay wadankaas mudo ku dhowaad 400 oo sano.
- Caasimada wadankaas Jakarta waxaa ku nool dad kabadan toban milyan taas oo macneheedu yahay dadka ku nool jakarta waxay ka badanyihiin soomali oo dhan oo la is geeyey.
- Waxaa layaabka adduuka ah ayada oo Indonesia eey tahay wadanka adduunka ugu muslimiinta badan hadana lama yaqaano wax diinta gaarsiiyey ayada iyo Malaysia iyo wadamo badan oo ku yaal Asia lakin waxaa ugu badan oo diinta islaamku ku gaartey ayaa la yiraahdaa dhanka
- Indonseia waxaa dega kabadan 300 oo qoomiyadood inkasta oo luuuqada wadanku eey tahay luuqada Bahasa waxaa looga hadlaa in kabadan 600 oo luuqadood iyo lahjadood.
- Wuxuu kamid yahay wadamada ugu dhaqaalaha fiican asia waxayna addunka uga jirtaa lamnarka 16 aad xaga dhaqaalaha.
- Ma rumaysaneysid lakin waxyaabaha ugu badan ee Indonesia dhoofiso waxaa ka mid ah lugaha raha ama rakaha mid sida aad u taqaanid.