Waxa loogu yeerey heshiiska qarniga oo eey daah fureen madaxweynaha mareykanka iyo ra’iisul wasaaraha israa’iil iyo dhowr safiir oo dowlaha carabta qaarkood ka socdey, waxa uu ahaa qorshe la sugaayey muddo sedex sano ku dhow, waxaana qorshuhu ahaa in uu keeno xal eey yahuuda iyo falastiiniyiintu ku qancaan, caddaaladna ah, lana dhexdhexaadiyo labadaas dhinac oo is qilaafsanaa muddo ka badan 70 sano. fadlan akhri maqaalkaan:
laakiin halkii cir laga sugayey ayaa ceeryaamo ka timid e, heshiiskii qarniga waxa uu noqday waxa soo socda:
ugu horeeyn ogow in:
-falastiiniyiintu eeysan qeyb ka eheeyn diyaarinta heshiiskaan iyo soo bandhigistiisa midna, aana lagala tashan
– ragga soo diyaariyey qudhoodu eey yihiin rag u ololeeya sahyuuniyadda
-raggii soo diyaariyey qorshahaan waxaa eey si adag oo dullinimo leh ula hadleen falastiiniyiinta oo eey sheegeen haddii eey nabad iyo dowladnimo doonayaan in eey aqbalaan qorshehaan
– qorshuhu wax shuruudo ah kuma xirin dhanka israa’iil
hadaba qorshahaani waa maxay? falastiiniyiintu maxey heli doonaan ?
Falastiiniyiintu waxa eey heli doonaan haddii eey heshiiskan aqbalaan arimahaan:
1- dowladnimo afar sano gudohood haddii eey kasoo baxaan shuruudaha aan hoos ku sheegi doono
2- waxaa la sii doonaa lacag dhan 50 bilyan oo doolar oo mashaariic kala duwan lagu maalgeli doono sida: waddooyin, gaadiid iwn. lacagtaas inteeda badan waxaa dhiibi doona dowladaha carabta ah ee ganiga ah
3- maxaabiista falastiiniyiinta ka xiran waa lasoo deyn doonaa qofkii aan ku eedeysneyn dembiyada eey ka mid yihiin dil iyo argagixisonimo
4- shaqo abuuris ayaa loo sameyn doonaa falastiiniyiinta
5- waa la maal gashan doonaa haddii laga helo shuruudaha lagu xirey
falastiiniyiinta maxaa laga doonayaa si eey u helaan arrimaha aan kor kusoo xusnay?
1- in eey horta heshiiskaan saxiixaan falastiiniyiintu
2- in qudus eey gebi ahaanba caasimad u noqon doonto yahuudda, falastiiniyiintana caasimad laga sii doono meel qudus banaankeeda ah oo ka baxsan
3-dowladda falastiin u dhala doonta wax ciidan ah ma yeelan doonto iyo cudud midna, xadduudeheedana waxaa difaaci doona israa’iil
4- dooxada urdun oo ah dhul istaraatiji ah beerashadana ku fiican waxaa la wareegi doona yahuudda halka falastiiniyiinta halkaas hadda ku noolna dhul yar oo aan u dhigmin laga sii doono saxaraha Najaf
5- falastiiniyiintu si eey dowlad u noqdaan waa in eey ku qanciyaan israa’iil iyo mareykanka in eey la yimaadaan nidaam lagu qanci karo ee dowladnimo: doorashooyin xor ah, xoriyado leh sida tan xoriyada diimaha iyo saxaafadda, xaquuqul insaanka ilaalisa, musuqmaasuq aan leheyn
6- waa in falastiiniyiintu la yimaadaan argagixiso la dirir sida kuwa caalamiga ah oo eey israa’iil ku qanci karto
7-israa’iil waxa eey la wareegi doontaa qeybo ka mid ah daanta galbeed oo eey yahuudu xoog ku degeen weliba sida ugu dhaqsaha badan
8-waa in falastiiniyiintu joojiyaan dadka eey shuhadada ugu yeerayaan kana joojiyaan lacagaha eey siiyaan dadka ku dhinta jihaadka ahalladooda uguna yeeraan argagixiso
9-in la bedelo manaahijta wax barasho ee falastiiniyiinta ee nacaybka dad kala dhex dhigaya sida kuwa qoraya taariikhda ah in dhulkaan uu falastiin ahaa jirey ee yahuud xoog ku qabsatay
10- waa in hubka laga dhigaa dhammaan jabhadaha iyo shacabka hubeysan oo eey noqdaan shibil
11- webiga urdun israa’iil ayaa maamuleysa biyihiisana meel kale ayey u leexineysaa haddii eey dooneyso
12- falastiiniyiintu waa in eey la laabtaan dacwadaha ka dhanka ah dowladaha israa’iil iyo mareykanka iyo weliba shaqsiyaadka u dhashay waddamadaas
13- waa in falastiiniyiintu eey ka amar qaataan yahuudda lana wada shaqeeyaan
14- shuruudahaas in sidey tahay loo fuliyey iyo in kale waa in eey ku qancaan yahuudda iyo mareykanku
15- haddii shuruudahaas eey sidey tahay uga fulaan dhanka maamulka falastiiniyiinta oo ka taliya daanta gabeed waxaa loo aqoonsan doonaa dowlad dhaqaalena waa la sii doonaa
gaza oo hadda eey ka taliso xamaas haddii eey diyaar u tahay in eey qeyb ka noqoto mashruucaan ayadana waa in laga helaa shuurado kale oo ka dheeri ah kuwii hore
16- xamaas waa in eey hubka dhigtaa oo shacab noqotaa
17- dhammaan ururada kale waa in eey hubka dhigaan sida xaarakada jihaad al islaami
18 -waa in eey israa’iil aqoonsadaan ururadaasi sida xamaas
shurrudahaas markii eey hir galaan kadib ayaa falastiiniyiintu heli doonaan arimihii aan kor kusoo sheegnay
falastiiniyiintu maxeey ku diideen heshiiskaan?
1- horta waxa heshiis ma ahan ee waa qorshe eey yahuuddu soo degeen falastiiniyiintana aan la weydiin laguna qasbayo in eey qaataan hadii eey diidaana laba jeeraba qorshu wuu fulayaa
2- falastiin aan qudus leheeyn falastiiniyiinta waxba uma gasho
3- waxaa ka horeeyey cadaadis badan oo ka imaanayey dhanka mareykanka sida:
-qudus oo horay loogu aqoonsaday caasimadda israa’iil
-buuraha golan oo israa’iil loo aqoonsaday
-falastiiniyiinta oo dhaqaalihii laga goostay. Xafiiskoodiina la xirey
-dowladda mareykanka oo horay u sheegtay in meelaha xooga lagu degey ee daanta galbeed eeysan sharci darro eheeyn
4- iyo tan ugu daran oo ah in loosoo bandhigay heshiiska si duleeysi ku jiro oo ah rab ama ha rabin waa lagu rabsiin
5- qorshuhu wax shuruudo ah kuma xirin dhanka israa’iil
6-waa iska caddahay in sharuudaha lagu xirey falastiiniyiinta aan laga soo wada bixi karin haddii laga soo wada baxana eey israa’iil dhihi karto kuma qanacsanin
7- qorshuhu kama hadlin arrinta qaxootiga falastiiniyiinta dibadaha ku nool sida laga yeelayo ayada oo la ogyahay in arrinta qaxootigu eey tahay arimaha laysku mari waayey waayadii hore
8- dhulka loo qorsheeyey falastiiniyiinta intiisa badan waa dhul kala go’an oo buundooyin iyo waddoonyin isku xiraan qaarkoodna aanba xudduud la leheyn dhulka intiisa kale
9- wax yaalaha laga doonayo dowladda cusub 4 sano gudohood waa wax yaalo eey dowladaha carabta oo dhan eeysan samey karin xataa masar oo boqol sano ku dhowaad jirta uma suurta gelin
10- qofkasta wuu fahmi karaa in qorshahaani uusan eheeyn qorshe wax lagu dhiibayo ee uu yahay qorshe wax lagu qaadanayo
fa