Waxaa jira dood aad u balaaran oo ka dhextaagan saxaafada dhexdooda iyo siyaasiyiinta qaar oo ku saabsan bal wixii loogu yeeri lahaa ama lagu magacaabi lahaa dadka aad ka u badan ee kusii yaacaya yurub, hadii eey ahaan lahaayeen kuwa mara dhanka bada miditrenianka ama kuwa mara dhankaas iyo giriiga. Ma dad megengalyo doon ah baa mase waa dad dhaqaalo doon ah.Saxaafada reer galbeedka inteeda badan waxa eey dadkaas uga hadleysey sidii dad dhaqaale doon ah oo qatar ku ah yurub dhaqaaleheeda lagana yaabo in eey la yimaadaan qatar xagga ammaanka mustaqbalka dambe oo eey yihiin argagixiso soo badaneysa.
Lakin dadka dhaliila siyaasadaha yurub ee ku aadan caalamka ayaa aaminsan in dadkaani haddii eey yihiin megengelyo doon iyo hadii eey yihiin dhaqaalo doonba eey yihiin wax eey ka danbeeyaan wadamada reer galbeedku oo eey ayagu wadamadoodi inta ku duuleen kasoo bara kiciyeen sidaas darteedna eeysan suurtagal eheyn in hadana yurub laga celiyo. Tusaale ahaan ayaa la leeyhay dadka megengelyo doonka ee adduunka kasoo qaxa intooda badan waxa ay natiijo toos ah ka yihiin qalalaase iyo dagaalo eey kacsheen wadamada reer galbeedku ama eey lug ku leeyihiin. mida labaad ayaa la leeyahay hadii eey dhaqaalo doonyihiin waxaa sababay dhaqaalo daradaas waa wadamada reer galbeedka oo inbadan ka shaqeeyey laga soo bilaabo waagii eey adduunka gumeysteen ilaa iyo hadana ka shaqeeya sidii hantida taala adduunka oo dhan eey ayaga ugu soo wareegi leheed iyagoo ilaa iyo maanta ku howlan sidii eey wadamada adduunka eey isugu diri lahaayeen qaarna dagaalo sokeeye uga abuuri lahaayeen si eey si farsamrysan hantidiisa u dhuuqaan. Si kastaba ha ahaatee waxaa marqaati laga yahay in dadka qaxootiga ah eey u badanhihiin wadamada suuriya, afganistan iyo ciraaq wadamadaas oo qalalaasaha ka jira eey yihiin mid eey abuureen wadamada reergalbeedka sidaas darteed dadkaani waxey xaq u leeyihiin in loo gargaaro.