February 17, 2026

sheekh Cimraan xuseen waa wadaad u dhashay dalka trinidad and Tobago. inkasta oo sheekh cimraan lagu dhaliilo aragtiyo badan oo uu aaminsanyahay hadana xikmaddu waa baadida mu’minka oo waxaan kasoo qornay tobankaan xigasho.
1.”Allaah garka ugama soo saarin wejiga ragga si shil ah. waxa uu uga soo saaray xikmad”
2. “arimo qaar diini ah ayaan isku qilaafsanahay laakin walaalo ayaan nahay”
3. “dowladuhu dulmi wey u dul qaadan karaan laakin Allaah dulmi u dulqaadan maayo”

4. “lacagta warqadda ah iyo midda elektoroniga ah waxa eey tikit u yihiin addoonsi”
5. “sacuudigu shidaal ayey ku dabbaalanayaan dadkana wey dulminayaan”
6. “waxaa wanaagsan in aad dhimato adiga oo nin ah intii aad noolaan leheed adiga oo dooli ah (jiir ah)”
7. “dowladda israaiil waa dowladda ugu dulmiga badan caalamka maanta”
8. “haddii aad canugaada geyso meelaha ilmaha lagu xanaaneeyo maalintii, ha ooyin markii eey ku geyso meelaha dadka waaweyn lagu xanaaneeyo”
9.”dayaxa ayaad ku nooshahay haddii aad aaminsantahay in mahdigu noqon doono shiico”
10. “dad ayaa jira ka door bidaya in eey ku dheganaadaan fiisooyinkooda mareykan intii eey daacad u noqon lahaayeen islaamka”

Leave a Reply