-waa bare sare oo wax ka dhigi jirey jaamacadda oxford. waa qoraa, waa wadaad, waana nin caan ka ah warbaahinta
-waxa uu ahaa nin reer galbeedku aad u buunbuuniyaan maadaama uu faafin jirey islaamka nuuca eey ayagu ku qanacsanyihiin
-waxaa laga mamnuucay siddeed wadan oo muslim ah oo uu ku jiro waddanka uu kasoo jeedo ee masar
-waa nin aaminsan aragtiyo qallafsan sida in xuduudda islaamka la hakiyo ama aan la dabaqin
-waa nin ku hadla luuqado badan oo eey ka mid yihiin ingiriis, faransiis iyo carabi
-waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah muslimiinta mufakiriinta ah ee yurub
-wadanka faransiiska ayaa lagu xirey kadib markii eey dumar fara badan ku eedeeyeen in uu kufsaday ama uu fara xumeeyey
-waxa uu sababsaday ololaha #metoo
waa maxay ololaha #metoo (anigana si la mid ah)?
-ololaha metoo waa olole xaga baraha bulshada ah kaas oo kumanaan dumar ah oo intooda badan ku nool galbeedka uga sheekeynayeen waxyaalihii faraxumeyn iyo tacadiyo loo geystey
-ololahaas waxaa ka qeyb qaatay kumanaan dumar ah oo eey ku jiraan kuwo bulshooyinka dhexdooda caan ka ah
-ololahaas waxaa lagu eedeeyey kumanaan rag ah oo eey u badanyihiin dadka filimada sameeya lakin waxaa la dhihi karaa cid la cafiyey ma jirto xataa wadaadada iyo xajka
-dad badan ayaa ololahaas dartiis loo maxkamadeeyey qaarna weli waa lagu daba jiraa halka qaarna eey inkireen qaarna eey raali gelin ka bixiyeen qaarna weyba is daldaleen
-taariq ramadaan ugu horeyn waxaa eedeysay gabar sheegata in eey ahaan jirtey wadaad xijaaban haddana xurowdey, taas oo ku eedeysay taariq ramadaan in uu fara xumeeyey waddanka faransiiska sanado ka hor
-kadibna waxaa iska soo daba dhacay eedeymo eey dumar kale u soo jeediyeen kuwaas oo markii iigu dambeeysey marayey ilaa iyo sideed eedeymo
-taariq ramadaan waxa uu sheegay in waxyaalahaas loo soo abaabuley si sumcadda looga dilo
-waxa uu fasax kasoo qaatay jaamacadii u dhigi jirey asaga oo sheegay in uu meel soo saari doono eedeymaha loo heysto maxkamadna uu la kori doono dadkii soo eedeeyey
-laakiin markii uu faransiiska yimid dowladda faransiisku wey xirtey waxa eeyna sheegeen in haddii ninkaas dadka lagu sii daayo uu halis u yahay oo laga yaabo in uu fara xumeyn kale geysto
-xabsigii ayuu ku xanuunsaday waana loo diidey in damiin xabsiga looga saaro ama maxkamadeyntiisa la dedejiyo oo la xakumo ama xataa maxkamadeyntiisa waqti mucayin ah loo qabto
-waxa eey sheegeen in uu qirtay in uu qaladaadka qaar galay lakin lama oga in xoog looga keenay warkaas iyo in uu dan moodey in uu dembi qirto iyo xataa in eey run ka tahay
-mar waxaa la sheegay in garsoorihii uu lumiyey waraaqihii lagu difaaci lahaa taariq ramadaan
maxaa ka soo baxay xiritaanka taariq ramadaan
taariq ramadaan weli wuu xiranyahay, dembiyada lagu eedeeyeyna ha galo ama yuusan gelin laakin xiritaankiisa waxaa kasoo baxday in caddaaladda, sinaanta iyo xuquuqul insaanka eey reer galbeedku sheegtaan aan waxba ka jirin maadaama:
-taariq ramadaan xiridiisa aan wax sharci ah loo marin
-aan maxkamad lagu keenin waqtigii eey eheed in la keeno sharciyan
-muddo dheer loo diidanaa in eey eheladiisa iyo xataa qareenkiisu la kulmaan
-asaga oo xanuunsan loo diidey in la daaweeyo
-asaga oo aan dembi lagu cadeeyn eey saxaafadu aad u sumcad dishey qaas ahaan saxaafadda afka faransiiska ku hadasha
-laga soo qaaday in uu dembiile yahay halkii laga soo qaadi lahaa in uu eedeysane yahay
-la sheegay in la lumiyey warqadihii lagu difaaci lahaa
-loo diidey in la damiinto ama laga saaro xabsiga inta laga xakumayo
-bilo ayuu xirnaa inta aan loo ogolaan in uu hadlo
-in aan fursad loo siin in uu is difaaco ama uu soo aruursado cadeymihii uu isku difaaci lahaa iyo in uu baaritaano sameeyo waxa la gudboon
-dadka edeeyey waxaa loo ogolaaday In eey saxaafada kasoo muuqdaan lana wareysto lakin asaga looma ogolaan
-loolama dhaqmin sidii qof kufsi ku eedeeysan ee waxaa loola dhaqmay sidii qof siyaasad ku eedeysan ( wa ficlan arintaani siyaasad kama marna oo waxaa cashir loogu dhigayaa muslimiinta kale ee wadamadaas ku nool)
si kastaba ha ahaatee su’aashu waxa eey tahay haddii taariq ramadaan oo ah nin adduunka oo idil laga yaqaano uu waxaas oo dhib ah maray sidey tahay xaaladda muslimiinta caadiga ah eey aan caanka ehey lacagna heysan iyo wax difaaca toona?