February 17, 2026

ugu yeer uyghur ama uighur. dheh turkistaan bari ama xinjiang(shinjiyang). dheh muslimiinta shiinaha ama muslimiinta iigoor ama wiigoor. middii aad tiraahdaba qadiyadda dadkaas muslimiinta ah ee dega bariga turkistaan ama galbeedka shiinaha ma eeysan helin ama lagama oran in ku filan in laga yiraahdo. Hadaba maxaa ka socda dhulkaas?

B. macluumaad guud oo ku saabsan shiinaha

shiinuhu waa wadanka ugu dadka badan dunida, ayada oo eey u dhigmaan shan meelood meel dadka adduunka ku nool oo dhan

2. inkasta oo eey waddanka shiinaha degaan in ka badan 200 oo qoomiyadood, hadana dowladda shiinuhu waxa eey aqoonsantahay 56 qoomiyadood oo kali ah

3 .qoomiyadda ugu badan qoomiyadaha dowladdu aqoonsantahay waxaa loo yaqaan Han waxa eeyna waddanka ka yihiin boqolkiiba sagaashan (90%)

4. qoomiyadda han waxa eey aaminsanyihiin in eey waddanka ayagu leeyihiin sidaas darteed ayey u heystaan qoomiyadaha kale in eey yihiin kooyto waloow eey jiraan qoomiyado kale oo eey han-ku aaminsanyihiin in eey asal ahaan ayaga ka mid ahaan jireen

5. marka laga reebo han, qoomiyadaha kale waxaa loo aqoonsanyahay in eey yihiin aqaliyaad ama dad laga tiro badan yahay

6. waddanka shiinaha waxaa luuqadda kowaad ka ah luuqadda loo yaqaan mandarin inkasta oo inta badan qoomiyadaha eey mid waliba leedahay luuqad u gaar ah

7. shiinaha waxaa ka taliya dowlad shuuci ah taas oo aan ogoleyn wax diin ah, siyaasadeedana eey ka mid tahay in dadka laga dhigo dad diinlaawe yaal ah

8. 55-ka qoomiyadood oo loo aqoonsanyahay in laga tiro badan yahay, 10 qoomiyadood oo ka mid ah waa muslimiin

9. 10-kaas qoomiyadood oo muslimiinta ah midda ugu dadka badan waxaa loo yaqaanaa hui kuwaas oo la sheegay inkasta oo eey muddo dheer muslimiin soo ahaayeen eey la wadaagaan qoomiyadda han-ka, muuqaal iyo weliba dhaqamo badan lana sheegay in badankoodu eeysan eheyn kuwa eey dowladda shiinuhu uga shakisantahay in eey doonayaan in eey gooni isu taagaan ama eey yihiin dad diinta aad ugu ad adag inkasta oo mararka qaar loo geysto dhibaatooyin.

10. mislimiinta ku nool shiinaha waxa eey guud ahaan waddanka ka yihiin boqolkiiba afar (4%) laakiin isu geyn waa dad aan ka yareyn shacabka waddanka tanzania

11. sidoo kale qoomiyadda labaad ee ugu muslimiinta badan shiinaha waxaa loo yaqaan iigoor ama wiigoor inkasta oo magacaas eey dood weyn ka taagantahay, badan koodna eeysan jecleyn in loogu yeero magacaas

fadlan ka akhriso macluumaad dheeri ah oo ku saabsan muslimiinta iigoor qeybta (J)

T. macluumaad ku saabsan turkistaanta bari

dadka dega dhulkaas waxa eey ugu yeeraan turkistaanta bari ama uyghuristan ama uyghurland

2. shiinuhu waxa uu ugu yeeraa gabolka xinjiang (shinjiyang) ama xadka cusub

3. gobolkaas dadka qaarna waxa eey ugu yeeraan gobolka waqooyi galbeed ama galbeedka

4. mar ayuu noqday waddan xor ah muddo gaaban kadibna waxaa xoog ku qabsaday wadanka shiinaha wuxuuna ka dhigtay gobol ka mid ah gobolada shiinaha xilli laga joogo todobaatameeyo sano

5. waa gobol qani ku ah kheyraad dabiici ah sida shidaalka, gaaska iyo macaadin kale

6. waxa uu xudduud la leeyahay siddeed (8) wadan oo eey ka mid yihiin ruushka, pakistan, india iyo Afganistan

7. waa gobol aad u baaxadweyn lana sheegay haddii uu xor ahaan lahaa in uu ka weynaan lahaa wadanka iiraan oo ah wadanka 17-aad ee adduunka ugu weyn

8. waa dhul aad muhimad weyn u leh maadaama uu xudduud la leeyahay 8 (sideed) wadan oo qaarkood eey yihiin wadamada ugu saameeynta nadan dunida

9. gobolkaas waxaa degi jirey qoomiyadda loo yaqaan iigoor kuwaas oo muslimiin ah laakiin 60 kii sano ee lasoo dhaafay dowladda shiinuhu waxa eey ku soo daad gureysay qoomiyadda han-ka kuwaas oo hadda aan ka yareyn iigoorka.

10. markii laga sheekeeyo taariikhda gobolkaan waa in aad xisaabta ku dartaa siddii dunidu u qaabeysneed 70 sano ka hor waqtigaas oo eeysan jirin wadamo badan oo maanta jira

11. dhulkaas waa dhul aad u bilicsan waxa uuna caan ku yahay waxyaalo badan oo eey ka mid yihiin buuro, beero, webiyo iyo geela labada kuris leh

J. macluumaad ku saabsan muslimiinta iigoor

muslimiinta wiigoor ama iigoor middaad tiraahdaba waa dad muslimiin ah kana duwan shiineyska intiisa badan muuqaal, luuqad. dhaqan iyo diin intaba

2. waa qoomidda labaad ee ugu muslimiinta badan shiinaha midda kale waa qoomiyadda hui

3. waxaa eey isir ahaan iyo luuqad ahaanba wadaag yihiin turkida oo dega wadamo badan oo dhaca bartamaha aasiya

4. iigoorka badankood ma jecla in eey kasii mid ahaadaan maamulka shiinaha waxa eeya jecelyihiin in eey ka xoroobaan gumeysiga

5. waa dad lagu qiyaasay in eeysan ka yareyn 12 milyan inkasta oo aan tiro rasmi ah laga heynin

6. waa dad u badan beeraley iyo xoola dhaqato iyo reer miyi intooda badan taas oo keentay in magaalooyinkooda eey la wareegaan qoomiyadda han

7. diin ahaan waxaa la sheegay in islaamku soo gaarey dadkaas qarnigii sedexaad ee hijriga

8. mar ayey u suurtagashay in eey dowlad dhistaan laakiin muddo yar gudeheed waxaa ku soo duuley shiinaha iyo ruushka sidaas ayeyna gumeysi gacanta ugu galeen

9. waa dad muuqaal ahaan aad dareemeyso in eeysan u ekeeyn indhayarta shiinaha oo eey ka duwanyihiin shiinaha intiisa kale

10. dood badan ayaa ka taagan magaca iigoor sidii loo qori lahaa, loo akhri lahaa iyo weliba macnihiisa iyo weliba in eey raali ka yihiin in magacaas loogu yeero iyo inkale

11. marka laga reebo inta ku nool bariga turkistaan, waxaa jira qaar badan oo ku nool wadamo ka baxsan gobolkaas una badan dad waalidiintoodu eey kasoo hijroodeen waa hore waddankaas

X. xadgudubyada lagula kaco muslimiinta iigoor

muslimiinta ku nool dhulkaas waxaa lagu wadaa barakicin laga barakicinayo magaalooyinka waaweeyn ayaga oo loo riixayo xaga dhanka miyiga waxaana magaalooyinkooda muddo dheer lagu abuurayey dad kasoo jeeda qoomiyadda han-ka kuwaas oo dhul iyo lacag lagu siiyo in eey usoo guuraan dhanka turkestaanta bari arintaas oo soo socotay 70 kii sano ee lasoo dhaafay

2. waxaa lagala dagaalamaa xagga wax soosaarka iyo xagga beeraha iyo weliba xagga tacliinta ayaga oo lagu faquuqo shaqooyinka iyo maharadaha

3. waxaa laga mamnuucay in raggu garka deeystaan, dumarkuna xijaabtaan ayada oo dowladu sheegtay in arimahaas eey astaan u yihiin xagjirnimada

4. looma ogola in eey soomaan bisha ramadaan waxaana lagu qasbaa in eey afuraan gaar ahaan ardayda iyo shaqaalaha dowladda

5. looma ogola qof ka yar 16 sano in uu galo masaajid ama madaraso ama la baro wax diin ku saabsan

6. waxaa la iska xirxiraa dadka looga shakiyey in eey diinta aad ugu dhaqmaan ayaga oo loo diro meelo lagu dhaqan celiyo oo lagu baro heesaha iyo ciyaarka laguna qasbo in eey daacad u noqdaan nidaamka shuuciyadda

7. waxaa la mamnuucay in masaajidyada makaroofan lagu aadaamo, sidoo kale waxaa lagu qasbay in masaajidda laga taago calanka xisbiga shuuciga waddankaas ka taliya

8. waxaa la mamnuucay kutubta carabiga ku qoran iyo magacyada carabiga ah in lala baxo. kitaabkasta waa in dowladu ogolaansho siiso qofkii keensada

9. waxaa la sheegay dhacdooyin dad lagu qasbay in eey qamro cabbaan ama qaansiir cunaan ama eey sigaar cabbaan iyo kuwo lagu qasbay in eey xirtaan dhar aan munaasab eheeyn, sidoo kale waxaa la sheegay dad lagu xirey oo kali ah in eey talefankooda quraan ku wateen ama eey cibaadesanayeen

10. wararkii ugu dambeeyey waxa eey sheegayaan in dadka ku xir xiran xerooyinka dhaqan celinta eey gaarayaan dhowr malyan. Dadka xeryahaas ku xirxiran ayaa lagu qasbaa in eey ka tanaasulaan wax kasta oo eey aaminsanaayeen taas bedelkeedana eey qaadaan heeso amaan ah iyo in la xifdisiiyo taariikhda xisbiga shuuciga waddankaas ka taliya

11. waxaa jirey dhacdooyin dib loogu celiyey muslimiin diintooda lasoo cararay oo dibadaha yimid kadib markii dowlada shiinuhu codsatay in lasoo celiyo dadkaas.

12. Waxaa la sheegay in xataa arday dibadaha wax ku baratay sida wadanka masar dib loo celiyey ayada oo markale lagu qasbay in eey hilmaamaan wixii eey soo barteen.

13. Waxaa la sheegay ilmo waalidiintoodi laga xaday kadibna la geeyey xerooyinka agoonta ama la geeyey madaaris lagu baranayo diin la’aanta. Sidoo kale waxaa jira dad la waayey meel eey cirib dhigeen iyo kuwo lagu khaarajiyey wax loo ekeeysiiyey shil mooto.

14. Waxaa la sheegay madaaris iyo masaajid la dumiyey, kuwa la xirey gibi ahaan iyo kuwo wax kale loo bedeley

15. xataa waxaa la sheegay dadka dhinta meeshii la aasi lahaa in la gubo si loo tirtiro dhaqanka islaamka ee duugista

16. dadka ku adkeystay in eey diintooda heystaan ayaa la sheegay in si xun loo jir dilo, baahi iyo oon iyo hurdo la’aan lagu rido. Sidoo kale waxaa la marsiiyaa ciqaabo eey adagtahay in la sharraxo iyo kuwo aan weligaa niyadaada kusoo dhicin

17. Waxaa la sheegay in qoys kasta la raaciyey hal sarkaal oo la noolaada xaaladoodana ogaada, wax la cuna caruurtana wax ka ogaada soona tebiya sida looga dhaqmo reerkaas

18. waxaa la sheegay in dadka loo qeybiyo aqoonsiyo laga rabo in eey wataan meelkasta oo eey joogaan xataa suuqa iyo markii eey adeeg doontaan aana loo ogoleyn in eey xaafada ka safraan oo eey xaafad kale aadaan. Sidoo kale waxaa lagu xirey guryaha, masaajidda iyo jidadkaba qalab lagula soconayo dhaqdhaqaaqa dadka. Sidoo kale askarta ayaa loo qeybiyey muraayado lagu garanayo wejiyada iyo indhaha qofka iigoorka ah si loola socdo xataa markuu jidka marayo

19. waxaa ku yaal gobolkaas goob lagu tijaabi jirey hubka nukleerka kaas oo la sheegay in shucaaca kasoo baxa uu dhibaato weyn ku hayo dad iyo duunyaba

20. intaas waxaa sii dheer takoor eey kala kulmaan qoomiyadda han kuwaas oo ku takoora shaqooyinka wax barshada iyo ganacsiga intaba

21. waxaa jira marar shaqaaqooyin ka dhex dhacaan ayaga iyo qoomiyadda han-ka markaas oo dowladu soo fara geliso lana safato qoomiyadda kale

22. arimahaas oo dhan dowladda shiinuhu wey inkirtaa waxa eeyna ku adkeysataa in eey la dagaalameeyso kooxo argagixiso ah

KH. maxaa looga hadli la’ yahay dhibaatooyinka loo geysto muslimiinta iigoor

saxaafadda shiinaha aad ayaa loo faafreebaa mana soo gudbi karto wax aan dowladu ogoleyn

2. guud ahaan dadka shiineeyska oo dadyawga kale ka duwan haddii eey ahaan leheed luuqadooda oo aan dad ayaga ka baxsan aad u aqoon iyo dadkooda oo aan dadka soo dhex galin

3. dhulka wax ka socdaan oo aan eheyn dhul eey u fududaha in dad meela kale ka yimid eey booqdaan

4. dhibaatooyinkaan oo muddo dheer soo socdey – 70 sano – aana cid wax ka qabataa jirin

5. dadka iigoorka oo dhaqdhaqaaqoodu yar yahay maadaama xataa socodkooda lala socdo

6. wadamada badankood oo dowladda shiinaha ka baqaya maadaama eey dano dhaqaale iyo horumarineed ka leeyihiin

7. dunida badankeed wey taageersantahay sida wax u socdaan maadaama shiinuhu uu sheeganayo in uu argagixiso la dagaalamayo

8. dadka qaar oo u heeysta in uu dhulku yahay dhul shiineeys uuna xaq u leeyahay inuu maamulo ayaga oo hilmaansan in uu dhulka shiinuhu xoog ku heysto

9. qadiyado kale oo shiineys ah oo ka af dheer sida qadiyadda taiwan, tibet iyo aksai chin

10. dad badan oo ku wareersan sida wax u socdaan iyo erayada la isticmaalayo sida turkestan, xinjian, uyghuristan, uyghur, uighur, dhaqdhaqaaqa turkestan iyo erayo kale oo dadka ku shaki geli kara tolow wuxu ma isku midbaa mase waa dhowr meelood

11. dowladda shiinaha qudheeda oo howsheeda inta badan si sir ah u wadata iskuna deyeysa in aan cid fahantaa jirin howshaasna shiineeysku aad ayey ugu dheereeyaan

D. gabangabadii

dowladda shiinuhu waxa eey sheegtay in eey arimahaas oo dhan u sameeyneyso in eey ka hortagto xagjirnimada iyo gooni goosadka hase yeeshee dadka arimahaas falanqeeya waxa eey sheegeen in shiinuhu damacsanyahay in uu hoos u dhigo ama uuba gibi ahaan tirtiro saameeynta islaamku uu ku leeyahay waddankaas, islaamka ayaa si xawli ah waddankaas kusii fidaya.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in caalamka islaamka iyo madaxdiisuba eey indhaha ka daawanayaan waxyaalaha socda sababo la xariira dano laga leeyahay dowladda shiinaha oo galaangalkeedu aad ugu badnaa caalamka islaamka iyo afrikaba sanadihii ugu dambeeyey

waxaa muuqata in dowladda shiinuhu eeysan dooneyn in eey wadanka ka saarto ama eey ka ceyriso dadka muslimiinta ah sidii eey dowladda myanmar ku sameeysay muslimiinta rohingya laakin waxa eey dooneysaa in eey ayaga oo waddanka jooga eey dhaqankooda bedesho oo eey ka dhigto dad aan diin leheyn ama shiineeysnimadoodu uga muhiimsantahay islaamnimadooda

Leave a Reply