February 17, 2026

Waayahaa waxaa warbahinta oo badankeda reer gallbeedku leeyihiinn eey aad uga hadlaayeen dad loo yaqaano “YAZIIDIYIIN”, oo la sheegay intooda badan iney ku noolyihiin waqooyiga dalka ciraaq, mareykakuna wuxuu sheegay inuu duqeyn doono dowlada islaamiga sababtana wuxuu ku sheegay in uu ka difaaco dad qadiimi ah oo ah dad laga tira badanyahay. Hadaba dadkaan yaziidiyiinta si aan fekrad uga qaadano waa dad nuucee ah?

  1. dadkaan sida la sheegay waxaa aasaasay nin loo yaqaano shiikh cadiyi ibnu musaafir oo ah nin ku abtirsada dowladii umawiyiinta, ahaana nin suufi ahaa. Reer galbeedku waxay ka dhigaayaan in dadkan eey islaamka ka horeeyey lakin waxaa cad in eey dadkanu yihiin dadmuslimmiin ahaa asalkoodi lakin markii dambe eey la fogaatey sida aan arki doono.
  2. dadkaan waxa eey caabudaan shaydaanka inkastoo eeysan ugu yeerin  shaydaan waxa eey ugu yeeraan malak daauus. malak daa’uus oo ah isla midka aan anagu ibliiska u naqaano. waxa eey u aaminsanyihiin in uu ahaa malak fiican oo ilaahey adeeci jirey, sujuuda uu aadan u sujuudi diideyna eey eheed imtixaan asaga lagu imtixaanayey uuna kasoo baxay kadib markii uu diidey sujuuda, kadibna dhulka masuul looga dhigay.
  3. dadkani waxaa eey ka tirsanyihiin  kurdiyiinta oo ah dad  dega turkiga iyo ciraaq, oo ah dadkii uu ka dhashay salaaxudiin al ayubi, waxa eeyna ku hadlaan luuqada kurdiyiinta (inkastoo qaar aad u yar eey ku hadlaan af carabiga). Dadka kurdiiyinta ahu waxay aaminsanyihiin in eey dadkan ka tirsanyihiin kurdiyiinta, hase ahaatee yaziidiyiintu ma aaminsana in eey kurdiyiin yihiin oo waxa eey aaminsanyihiin in eey nabi aadam kasoo farcameen lakin eeysan dhalin hooyo xaawo.
  4. dadkani waxaa la sheegay in eey tukadaan salaado shan ah, soomaan soon seddex maalin ah, xajiyaana xaj todobo maalin ah, inkastoo la sheegay in dadka caadiga ah eey uun tukadaan subadii iyo maqribkii, waxa eeyna la qaabilaan salaadada dhanka qoraxda.
  5. dadkaan cadadkooda waxaa lagu qiyaayasaa todoba boqol oo kun  qof taas oo ka dhigeysa in eey la egyihiin dadka boosaaso degan.
  6. dadkan wey kala sareeyaan. waxa eey leeyihiin amiir, shiikh, muriid iyo wixii la mid ah.
  7. dadkaan waxa eey u xajiyaan qabriga shiiqooda, waxa eeyna leeyihiin wax yaabo u eg xajkeena sida carafo iyo zamzam.
  8. dadka waxa eey leeyihiin kitaab la yiraahdo “kitaabka madow” oo eey ku qoranyihiin hadaladii sheydaanku ( sida eey sheegteen).
  9. dadkaan ma ogola in diintooda lasoo galo ama laga guursadado, ayagana dadkale kama guursadaan mana jecla in wax laga ogaado diintooda ama cibaadooyinkooda.
  10. dadkaan waxa eey aaminsanyihiin in shiiqooda uu yahay sheydaankii oo bini aadam iska soo dhigay sidaas darteed ayey shiiqana u caabudaan uguna xajiyaan.

Waxaa xusid mudan in mareykanku sheegay inuu difaaci doono dadkaas. war faafinta reer galbeedkuna aad ayey uga hadashaa.  lakin, laba malyan oo degan gaza, israelna eey maalin kasta duqeyneyso kana dishey laba kun in ka badan, malahan wax difaacaya ama  ka hadla.

Sidoo kale muslimiintii lagu xasuuqay dalka burma majiraan wax u gurmaday ama ka celiyey budiistihii gumaadaayey.

FacebookTwitterPinterest

Leave a Reply