Ayada oo maalmo uun naga xigaan waqtigii xilka lagu wareejinlahaa madax weynaha la doortay ee mareykanka Donald trump, ayaa waxaa jira waxyaabo badan uu balanqaaday intii uu ololaha ku jirey taas oo balantu tahay in uu arimahaas fuliyo.
Waxaan ka mid ah arimahaas:
1.In uu derbi ku wareejiyo xudduuda u dhexeysa maksiko iyo mareykanka
Wuxuu sheegay in dadka ka yimaada wadanka maksiko eey yihiin dilaayaal dadka kufsada sidaas darteedna uu derbi isaga xiri doono wadankaas makisko oo dhan.
Derbigaas oo dadka wax qiimeeya ku qiyaaseen in uu ku kici karo balaayiin doolar wuxuu sheegay inuu qasab uga dhigi doono in lacagtiisa eey bixiso madaxda wadankaas maksiko.
2.In muslmiinta oo dhan uu u diido in eey soo galaan wadanka mareykanka
Wuxuu sheegay in uu arkay muslimiin kumanaan ah oo u dabaal degeysa markii la qarxiyey daarihii mataanaha ee mareykanka, muslimiintuna eey dhibaatooyin ku hayaan wadankaas sidaas darteed waa in aan loo ogolaan in muslimiintu soo galaan wadankaas inta laga ogaanaa sida wax u socdaan.
3.In masaajidyada wadankaas isha lagu hayo qaarkoodna la xiro
Waxuu soo jeediyey ninkaas in masaajidyada wadanka oo dhan lala socdo xaaladooda iyo dadka soo gelaya. Taasna waxay noqonkartaa in kaamirooyin lagu xiro ama dad dowlada u shaqeeya la dhexkeeno masaajida.
4.In muslimmiinta wadankaas oo dhan lagu qoro diiwaan
Wuxuu soo jeediyey in muslimmiinta wadakaas oo dhan la isugu geeyo diiwaan eey ku qorayihiin faahfaahintooda oo dhan si dowladu ula socoto dhaqdaqaaqooda.
5.In uu aad duqeeyo dowlada islaamiiga ah
Wuxuu sheegay in uu aad u duqeyn doono doowlada islaamiga ah isis
Uuna la kaashan doono dowladaha sida ruushka oo kale,
Ceelasha shidaalka uu duqeyn doono shidaalkana la wareegi doono si u siiyo militeriga duqoobey ee wadanka mareykanka.
- in uu tarxiili doono dadka sharicdarada ku jooga wadankaas
Wuxuu sheegay in uu tarxiili doono dad lagu qiyaasay 11 milyan oo sharci daro ku joga wadan kas mareykanka.
- qaxootiga siiriyaanka in eysan wadanka soo gelin kuwa horay usoo galayna la celiyo
Wuxuu soo jeediyey in wadamada carabta qaniga ah sida imaaraadka eey u sameeyaan meelo qaxootigaas la dejiyo .
8.in uu isticmaali doono qaabka su’aalo weydiinta ciqaabta ee maxaabiista
Wuxuu sheegay in Guantanamo uu furnaan doono uuna soo buuxi doono.
Sidoo kalena uu isticmaali doono qaababka ciqaabta dadka su’aalaha lagu weydiiyo sida biyo ku harqinta, silac usoo laalaadinta, qeylo dhegajebinta, qaboow ama kuuleyl ku furida daka ku eedeysan argagaxisonimada.
- in uu iiraan kusoo rogo cuno qabateyno cusub israaelna uu difaaco
Wuxuu sheegay in uu iiraaan kusoo rogo cuno qabateyno cusub uuna kasoo daayo maxaabiista eey mareykanka ka heysato israelna uu difaaci doono.
- in uu dagaal dhaqaale la galo shiinaha japan iyo maksiko