April 19, 2026

Cudurka Ebola oo la sheegay inuu kowdii hore ka dilaacay wanadaka guinea sanadkii 2013, kadibna kusii fiday wadamo badan oo galbeedka africa ah, sida Liberia, sierra Leone, Nigeria . hadana lagu soo waramayo in uu ku soo fafay ilaa iyo dalka Rwanda, waa cudur dilaa ah (allaha naga najeeyee). Oo ilaa iyo hada la sheegay in eey u dhinteen ilaa iyo dad kun ka badan. Hadaba cudurkaan waa cudur nuucee ah?cudurka magaciisa wuxuu kayimid webiga “Ebola” ee mara wadanka kongo.

  1. markii ugu horeysey ee la aqoonsanaayey cudurkaan wixuu ka kacay wadanka kongo iyo suudaan isku mar.
  2. waxaa la aqoonsaday cudurkan (sida reer galbeedku noo sheegeen) sanadkii 1976.
  3. waxaa aqoonsaday ayaa la leeyahay dhaqaatiir u dhalatay dalka Belgium –ka.
  4. waxaa la sheegay in cudurkani uu asalkiisii bini aadamka uga soo gudbey fiidmeerta (kibili ama koboli midba taad u taqaano), kadibna doofaarka, eeyaha iyo danyeerada,- waxaa xusid mudan in aan dadka muslimiintaahu cunin hilibka bahaladaas.
  5. cudurkaan waxaa lagu kala qaadaa amaba la isgu gudbiyaa dhacaamada ka yimaada jirka qof qaba cudurka oo u gudba qof aan qabin (waa sida ey leeyihiin dhaqaatiirtu).
  6. cudurkaan ilaa iyo hada malaha talal ama daawo rasmi ah.
  7. waxaa la sheegay in cudurkaan marka ugu horeysa oo uu qofka ku dhoco uu leeyahay calaamadaha hargabka, kadibna uu leeyahy qandhada malariyada ama tiifowga, kadibna uu qofku dhiig ka keenayo meel kasta oo jirkiisa ka furan, sida indhah sanka iyo meelaha kale, kadibna uu sababaayo in eeysan shaqeyn keliyaha iyo wadnaha.
  8. cudurkaan waxaa la sheegay iney u dhintaan dadka ka uu ku dhoco konton ilaa iyo sagaashan boqolkiiba.
  9. cudurkaan wadamada Africa ee hada uu ka dilaacay waxaa laga aaminsanyahay waxyaaba badan oo cudurka sabab u ah, lamase oga run iyo been waxa eey yihiin. waxa kamid ah arimahaas dadku aaminsanyahay in cudurkaani sixir yahya. in qofkii sheegsheega uu ku dhoco. laakin shakiga ugu weyn ee dadku qabaan waa in eey fidiyaan cudurkaan dhaqaatiir ujeeda weyn kaleh uguna talo galay.

Allah ayaa xaqiiqda og.

Leave a Reply