April 19, 2026

ROBIN WILLIAMS oo ahaa nin jilaa ahaa, ahaana nin aad iyo aad caan u ahaa qaasaatan xaga majaajilada, ahna nin soo wadey shaqadaas ilaa iyo todobaatameeyadii,  ayaa gurigiisa laga helay asaga oo meyd ah.

Ninkaan oo jirey 63 sano ayaa la sheegay inuu is daldaley kadib markii uu suun kusoo xirtay daaqada. Hadaba  maxaa sababi kara in uu is dilo ninkaas atooraha ahaa?

1. Ninkani wuxuu ahaa nin ku raaxeysanaayey caannimo ku dhowaad 50 sano.

2. Ninkani wuxuu lahaa guri lagu qiyaasay 30 malyan oo dolar.

2. Ninkani wuxuu lahaa xaas iyo 3 caruur ah.

4. Ninkani waxaa u soo socotey 4 filin oon weli lasoo saarin.

5. Ninkan hantidiisa waxaa lagu qiyaasay 130 malyan oo doolar taas oo macnaheedu yahay hadii soomaali oo dhan loo qeybiyo hantidiisa qado wey naga bixisaa.

Hadab asaga oo waxaas oo dhan heysta muxuu ku doortay inuu nafta is dhaafiyo?

1. Ninkani waxa uu ku canbaxay daroogada iyo qamrada oo aad loo cabo.

2. ninkani Wuxuu ku caan baxay qeybaha kala duwan ee welwelka iyo murugada taas oo ah waxa ku qasbay inuu daroogiiste noqdo.

3. Ninkaas 2 xaas ayuu horay u furay (inta la sheegay), kuwaas oo la sheegay in qarash badan ugu kacday.

4. ninkaan waxaa walwal weyn ku hayey in uusan heysan hanti ku filan asaga iyo caruurtiisa da’diisana eey sii weynaaneysey.

5. Ugu dambeyntiina wararkii ugu dambeeyey waxay sheegaayaan in ninkaan laga helay astaamaha cudurka “LALEEMADA” oo ku bilawday, taasina waa eey sababtay in uu ku fekerey inuusan mudneyn in uu noolaado asaga oo laleema qaba.

Arimahaas iyo kuwo lamid ah waxa eey noo cadeynaayaan in dadka caanka ah ee aan u moodno in eey ku noolyihiin farxad iyo reyn reyn sida; atoore yaasha, ciyaartoyda, heesaayaasha iyo kuwa la midka, inkasta oo eey kaamirada horteeda ka muujiyaan in eey yihiin dad aad u faraxsan, hadana markii aad u dhaba gasho noloshooda dhabta ah waxaad ogaaneysaa in eey yihiin dadka addunka ugu walwalka iyo murugada badan nolosha ku dhiban, oo ku nool daroogo, khamro, cirbado iyo wixii lamid ah. Waana sababta aad u arkeysid in eey ku badantahay dadka nuucaan ah isdilka, daroogada, furriinka, qaliimada isqurxinta ah, caruur in la dhalo oon larabin kadibna la korsado caruur islaameed, da’ naceyb iyo fadeexooyin nuucyo badan isugu jira.

Leave a Reply