April 19, 2026

Waayadaan dambe internet-ku wuxuu noqday wax dadka aad u mashquuliyey, yar iyo weyn, rag iyo dumar, haba usii darnaato markii eey soo can bexeen talefanada gacanta ee loo yaqaan “smartphones-ka” iyo hadda oo aad loogu badanyahay waxa looyaqaano “tablets-ka”. Internetku waxa uu leeyahay faa’iidooyin aad u badan hadana wuxuu leeyahay qasaarooyin aad u badan.Internetku wuxuu noqday mid aan sinaba looga joogsaneyn. Hadaba waxaa waxaa qasab ah in qofkasta uu dhan uun biiriyo ( dahanka xun ama kan wanaagsan), aniga hadii aan iska hadlo waxaa laga yaabaa inaan booqdo 10 website maalin kasta celcelis ahaan. Website- yadaas waxaa ka mid ah una bada kuwa eey qoraan dad soomaali ah isugana jira mowducyo kala duwan  haba ugu badnaadeen kuwa wax ka qora waxa dadku ugu yeeraan siyaasada. maadaama la dhihi karo boqolkiba 90 wax kabadan website-yada soomaalidu waxay wax ka qoraan arimaha dadku ku sheegaan siyaasada.Ayadoo aan qirsanahay in eey ku jiraan website- yadaas kuwa aad nacfi uu ugu jiro ummada, hadana waxaan aamin sanahay intooda badan in eysan ka shaqeyn danta umamada, ku talogal ama ku talogal la aanba.

Dhaliishaas aan qabo waxay  isugu jirtaa labo qeybood

 B). Dhaliil xaga ujeedada ah

Website-yada soomaalidu inta ugu badan waxay ka hadlaan waxa aan ugu yeerno “SIYAASADA”, taas oo eey uga hadlaan si eex ku jirto.

 Wax yaalaha eey u badanyihiin iney qoraan waxaa ka mid ah:

1.War been ah oo aan jirin la abuuro.

2.War iska yar oo la buunbuuniyo.

3.Qabiilada oo la isku diro.

4.Qof qaldan oo loo qiil baxsho.

5.Gobol gooni ah oo loo xagliyo.

6.Qabiil gooni ah oo la xayeysiiyo. Iyo waxyaabo la mid ah.

T).dhaliil xaga tayada ah

In badan oo oo website-yada soomaalida ka mid ah waxa eey leeyihiin qeybo lagu qoro waxa eey ugu yeeraan “ARIMAHA BULSHADA” taas oo aad ku arkeysid arima badan islaamka iyo dhaqanka soomaalida aan shaqo ku leheyn, xaqiiqdii waxyaabo abadan oo aan werbsite-yada qaar  ka akhriyey lagama sheekey karo.  tusaale fudud hadii aan soo qaato waxaan ka akhriyey website soomaali ku qoran  in gabdha soomaalida cecelis eey il jabiyan maalintiiba seddex mar, (waa tusaale iska fudud). Qofkasta oo soomaali ah oo akhriya arintaas wuu dareemi karaa arintaas ineysan ku dhicin  gabdheheena oo eey tahay arin laga smaaeyey. waxaan dareemi karnaa in dumarka eey ka hadlaayaan eeysan aheyn soomaali laakin eey u ekeeysiinaayaan

Tusaalooyin kale oo iska fudud oo maalin kasta aad ku arkeysid website-yada soomaalida waxaa ka waxaa ka mid ah:

1. Sir la ogaadey… riix halkaan.

2. Inaa lilalhi wa inaa ileyhi raajicuun … riix halkaan

3. Gabar soomaaliyeed oo laga duubay muuqaal ayadoo… riix halkaan.

4.Gabar soomaaliyeed oo fal anshax xumo ah …riix

5. Daawo muuqaal argagax leh…riix

6. arin la yaab leh oo …. Riix  iyo kuwo la mid ah

Marnaba kuma dhaliilin website yada hadii eey jirto aqoon yaro ama farta soomaaliga iyo wixii lamid ah, maxaa yeelay muhiimadu waa fariinta ee ma ahan waraaqda.

Anagoo ka duuleyna arimahaas oo oo dhan waxaan rabnaa in aan tijaabino laba arimood:

1.In la qori karo waxyaabo ummada faaiido uleh.

2. iyo i adduunkaan wax wax laga qoro eey aad u farabadanyihiin iyo inkale.

Taas ayaana ah ujeedada ka danbeysa blog-gaan WAAYEEL.COM

Wa jazaakumul lahu kheyr.

Leave a Reply