Maalmahaan waxaa aad u wareegaayey warbaahinta muuqaal naxdin lahaa oo ahaa nin weriye ahaa oo lagu magacaabi jirey james foley. Ninkaan ayaa ahaa nin la weysanaa mudo laba sano ah, lana sheegay in lagu afduubtay wadanka suuriya.
Ninka ayaa wuxuu ka soo muuday muuqaal internetka lasoo dhigay looguna magacdaray “dhanbaal ku socda mareykanka” lana sheegay in eey soo dhigeen twitter-ka dad taageersan dowlada islaamiga.
Ninkan ayaa waxa uu xirnaa dhar midabkiisu uu yahay oranji oo ah dharkii uu mareykanku u xirijirey dadkii uu ku xirey xabsiga guantanamo bay, waxaana ag taagnaa nin wejigu uu u duubanyahay oo xirnaa dhar madow.
Kadibna james foley oo jilba jabsan, gacmahana ka xiran ayaa waxa uu akhriyey dardaarakiisii ugu dambeeyey. waxyaabaha uu ka hadlay weiye james ayaa waxaa ka mid ahaa:
- in uu jeclaan lahaa in uu dib u arko qoyskiisii lakiin eysan suurtagal eheyn maadaama markabkiisii shiraaday (oo la dilayo).
- in dilaaga runta ah oo diley uusan eheyn raga hada gowraci raba lakin uu yahay wadankiisa mareykanka, loona dilayo manta dembiyo uu galay wadankiisu.
- wuxuu sheegay inuusan manta dhiman ee uu dhintay maalintii mareykanku uu bamkii ugu horeeyey ku tuuray dalka ciraaq.
- wuxuu is weydiiyey sababta mareykanku u weeraray ciraaq ayada oon dadka ciraaq jooga weligood xataa ku fekerin iney mareykanka weeraraan.
- kadibna wuxuu kusoo gabagabeeyey in uu jeclaan lahaa inusan mareykan noqon.