1.Ma ogtahay in qofkii ugu horeeyey ee jideeyay in muslimiitu isticmaalaan taariikhda hijriga uu ahaa amiirul mu’miniin cumar ibnul khadhaab?
2.Ma ogtahay in wadanka adduunka ugu yar uu yahay vatican- ka oo ah meesha pope-ka kaniisadda katoliga uu madaxda ka yahay?
3. ma ogtahay in Indonesia ey tahay wadanka dhoofiya lugaha raha ugu badan adduunka?
4. ma ogtahay: fagaaraha iyo masaajidka raabica alcadwiyah ee magaalada qaahira in loo gu magac daray gabar lagu magacaabi jirey raabicah alcadawiyah ama raabicah albasri oo ku noolaan jirtay magaalada basra ee ciraaq. gabadhaas waxay caan ku eheed cibaado iyo zuhdi. faagaaraha waxaa lagu xasuustaa in milateriga masar uu ku diley ku dhowaad kun qof sanadkii 2013 eeyna gubeen masaajidka raabicah alcadawiyah.
5. ma ogtahay in dhulka korkiisa boqolkiiba 75 eey tahay biyo.
6. ma ogtahay in boqorka wadanka koofur afrika uu qabo ugu yaraan 4 xaas.
7. ma ogtahay in ugu yaraan 5 mar la isku dayeyey in nabiga calayhi salaatu wasalaam qabriga laga saaro oo lala baxo lakin intaba waa lagu guul dareystay.
8. ma ogtahay in wadanka nigeria looga hadlo in ka badan 250 luuqadood.
9. ma ogatahy in tv ga mbc laga leeyahay wadanka sucuudi carabiya.
10. ma ogtahay in sigaar cabista eey u dhintaan dad ka badan 6 malyan guud ahaan adduunka.