April 19, 2026

Qofkii la socday wararka maalmahan waxa aan akhbaarta ku haynaa in dad doomo saaran oo ilaa iyo 5000 oo qof gaaraya in ey badda ku cadiban yihiin, dowladiihii eey usoo qaxeena eey diiddeen in dadkaas ey wadamadooda soo galaan. wadamada diidey in eey dadkaas qaabilaan waxaa ka mid ahaa Thailand, Indonesia, iyo Malaysia, waxaana la sheegay in dadkaas doomaha saaran eey dhinteen ilaa iyo 400 oo qof oo ka mid ahaa mudo shan bilood ah gudahood.

Hadaba dadkaan aan cidina rabin maxay yihiin? Xageyna ka yimaadeen? arimahaan ayaan rabnaa in aan bal dadka akhristayaasha ah u faahfaahino si eey u ogaadaan.

  • Dadkaas dadkale ma ahan ee waa dad muslimiin ah kana mid ah qoomiyadda loo yaqaano Rohingya, Dakaas waxaay kasoo jeedaan wadanka Myanmar oo waagii hore loo aqoon jirey wadanka Burma.

  • Myanmar waa wadan ku yaal asia xuduudna la leh wadamada: Bangladesh, china, Thailand, India iyo wadamo kale, waana wadan dadka degan eey heystaan diinta budhista ha boqolkiiba 90.
  • Rohingya waa dad lagu qiyaasay ilaa iyo malyan iyo bar waana dad muslimniin ah, wadankana waxay ka yihiin wax ka yar boqolkiiba 5 taas micnaheedu waa dad laga tira badanyahay waxaana ka badan budistaha oo ka ah wadanka Myanmar boqolkiiba 90.
  • dadkan waa dad dal la’aan ah sabata oo ah dowlada wadanka ka jirta iyo dadkeedaba ma aaminsana in dadkaanu ay yihiin dad wadanka u dhashay waxayna u aaminsanyihiin in eey ka yimideen Bangladesh.
  • Dadkaanu markii ayaga la weydiiyo in eey wadanka u dhasheen iyo inkale waxa ay leeyihiin wadanka waxaan deganeyn kumanaan sano lakin inta la hubo dadkaanu waxay deganaayeen wadanka in ka badan 200 oo sano.
  • Dakan dowlada militeriga Myanmar uma ogola in ey wax dhalasho ah siiso, ama ey shaqeystaan, ama wax bartaan. Waxa kaliya oo loo ogolyahay ayaa ah in ey sidii qaxooti xeryo ku noolaadaan. Waxayn dowladu ku xareysay xeryo qaxooti.
  • Dadkaan ma guursan karaan, isma daaweynkaraan, xataa qof ma duugi karaan, ayaga oon dowlada fasax ka heysan. dowladuna wax kasta lacag ayey ku rabtaa xataa hadii aad xabsiga ku jirto cunto laguma siinaya ilaa laaluush lagaa dhiibo.
  • Haweneyda loo yaqaano Suu Kyi oo ah naag dimuqraadiyada cabsan, kol dhowna xabsiga kasoo baxday waxaa laga filaayey in eey arintaas wax ka qabato lakin waxay ka baqday in dadka kale ee wadanku eey nacaan sidaas darteed xataa wey diidey in ey ku dhawaaqdo magaca rohingya.
  • Dadkaan dhul ama hanti ma yeelan karaan, qasab ayaana loogu shaqeystaa, waa la kufsadaa, waana la dilaa, dowlada wadanka ka jirta iyo dadka wadanuba uma kala roona oo cadaawad ayey u qabaan waxayna u heystaan in eey yihiin dad ajnabi ah.
  • Dadkaan waxaa sharci loo ogolyahay oo kali ah hadii ey qirtaan in ey ajnabi yihiin oo eysan wadanka u dhalan taas oo hadii eey dhacdo in eey aqbalaan keeni karta in waqtigii loo baahdo la iska ceyri karo.
  • Qaxa hada socda wuxuu bilawday sanadkii 2012 kadib markii eey isku dheceen muslumiinta iyo budiistaha kadibna muslimiintii la baaba’ shey, guryahana lagu gubey, waxayna ku qasabtay in maadaama eeysan wadankii ku dhex carari Karin lagana badanyahay in eey badda galaan oo u tahriibaan wadamada kale ee deriska.
  • Dadkan ma ahan markii ugu horeysey ee la xasuuqo, ayada oo hada kahor sidaas oo kale loo xasuuqay eeyna xasuuqeen dadka budistaha ah ugu yaraan 2 mar oo hore. ayadoo mar sedexaadna uu xasuuqay wadanka jabaanku dagaalkii koowaad ee adduunka, iyo hada oo xasuuqa uu usii dheryahay baahi iyo in eey bada ku le’deen.
  • Dadkan kadib markii eey soo qexeen wadama badan ayey u qeybsameen haba ugu badnaato Bangladesh oo eey qaxooti ku yihii ilaa iyo 300 oo kun oo ka mid ah, iyo bakistaan iyo Indonesia oo ayagana boqolaal megengelyo siiyey.
  • Dowlada Thailand oo ayadana sidaas oo kale u xasuuqda muslimiinta wadankooda ku nool waxay sheegtay in eeysan dadkaas rabin halka Indonesia iyo Malaysia oo dalal muslimiina ah eey sidoo kale sheegeen in eeysan dad intaas la eg qarash u heyn. Idonesia waxaa hada ku nool 145 kun oo dadkaas ka mid ah.
  • Dadkaan si eey uga fakadaan dhibaatada wadankooda ka jirta waxa aay maraan dhibaatooyin kale eey ugu badantahay qawleysato badaa ah oo dhacda dadka iyo kuwo muqalasiin ah oo wax kasta lacag ka raba hadii kale dadka badda ku tuura.
  • waxaa la sheegay dadka doomaha saran in eey yihiin dadkii lacagta eey ku cararaan heystey, safarkaana wuxuu ku kacaa ugu yaraan 3000 oo doolar lakin dadkii aan lacagtaas heysan waxaa looga soo tegey wadankii waxayna wajahayaan gubitaan.

Gabangabadii

Sida la yiri, muslimiinta adduunka maanta waa sida jir madax la’aan ah maadama eysan leheeyn cid matasha am madax iyo tow fiiq midna.

Sida la ogyahay gumeystihii markii uu ogaadey in uusan xoog ku heysan Karin wadamo islaameed wuxuu bedeley qaabkii gumeysiga, wuxuuna wadamadii gacanta u geliyey  kuwa calooshood  u shaqeyta yaal ah oo ayaga u shaqeeya, gumeystihiina  wuu midoobey oo wuxuu sameysta ururo sida qaramada midoobey, sidaas darteed maanta muslimiintu waxa ka badan yihiin 2 bilyan, waxayna leeyihiin  in ka badan 50 wadan lakin 1 milyan oo rohingya ah uma heyno meel aan dejino iyo wax aan siino. xataa dowlada Indonesia oo ah wadan muslim ah dhaqaala fiicana leh eeyna ku nooshahay in ka badan 240 milyan oo muslimiin ah wey qaabili waayeen in ka bada 145 kun oo rohingya ah taas oo ceeb u ah dhamaan muslimiinta.

Leave a Reply