Sheekooyinka ku saabsan turkiga naguma badney waaya dhexe marka laga reebo marka laga hadlayo sida yurub loogu tahriibo oo markaas la sheego in turkiga la maro markii giriigga loo socodo. lakin waayahan dambe warka turkigu aad ayuu noogu badtay ayada oo turkigu fuliyey mashruucyo farabadan oo uu ka fuliyey wadanka soomaaliya oo eey ka mid tahay Erdogan oo soo booqday muqdisho iyo in turkigu noo dhisay wadooyin inkasta oo eey biyo deg noqdeen laamiyadii eey noo dhiseen weyna ku mahadsanyihiin.
Hadaba inkasta oo cilmigeygu iska gaabanyahay waxan jecleystay in aan idinla wadaago 10 ariimood oo aan turkiga ka maqlay.
- Turkigu wuxuu ahaa meeshii ugu dambeysey ee laga dumiyey khilaafadii islaamka ee ugu dambeysey sanadkii 1924 oo loo yaqaaney dowladii cusmaaniyiinta. Dowlada cusmaaniyiinta ayaa soo dhisneed mudo ka badan 600 oo sano waxayna ka tali jirtey Africa qeyba kamida ah , ilaa iyo aasiya qeyba ka mid ah, ilaa iyo yurub weyba ka mid ah, waxaa la sheegaa in meelihii ay ka tali jirtey dowlada cusmaniniyiinta eey hada ka taliyaan in ka badan 50 dowladood oo calmaaniyiin ah.
- Dowladii cusmaaniyiinta waxa aay xulufo ahaayeen inta uusan dhiman seyid maxamed cabdulle xasan. Waxaana la sheegay in eey xataa siiyeen hub uu ingiriiska kula dagaalamo.
- Madaxweynihii ugu horeeyey jamhuuriyada turkiga ee cusub waxaa la dhihi jirey Mustafa kamal,waana ninka ingiriisku u adeegsadey in uu khilaafada islaamka dumiyo uuna cilmaamniyada kusoo dersiyo wadanka turkiga, waana ninka tirtiray wax kasta oo islaam ku saabsan ee wadankaas oo eey ugu weyntahay masaajidii oo uu xirey uguna yartahay in uu xaaraantinimeeyey in la qaato koofiyad dadka turkiga eey caan ku ahaayeen oo loo yaqaano tarbush.
- Turkigu Yurub iyo asia labadaba wuu ka tirsanyahay. Inkasta oo dadkii jugraafiga noo dejiyey eysan noo sheengin waxa eey yurub uga duwan tahay asia waxay noo sheegeen in turkiga qeyb ka mid ah ey tahay asia qeyb kalena eey tahay yurub. Ayada oo magaalada Istanbul eey u qeybsanto qeybta yurub iyo qeybta asia, waxaana labada qeybood isku xira buundada ka muuqata sawirka kore.
- Caasimada turkigu waa Ankara waxaana ku nool dad kabadan 5 malyan halka Istanbul oo ah magaalda ugu weyn ey ku noolyihiin dad ka badan 14 milyan.
- Xijaabka dumarku muslimiintu xirtaan lagama ogoleyn wixii ka horeeyey sanadkii 2013 dhamaadkiisii markaas oo xanibaadi laga qaaday ardayda iyo shaqaalaha caadiga ah halka aan weli xijaab loo ogoleyn dumarka booliska ah iyo militeriga iyo qareenada.Wixii ka horeeyey sanadkii 2013 mudo 90 sano ah looma ogoleyn in dumarka eey jijaab xirtaan ayadoo eey eheed in gabadhu kala doorato xijaab iyo iskuul ama xijaab iyo shaqo ayada oo xataa hadii aad adiga oo xijaab xiran aad isbitaal tagto aan lagu daaweyney. Dumarka turkiga boqollkiiba 75 waxay jecelyihiin in eey xijaabtaan.
- Dadka ku nool turkiga Boqoliiba 99 waa muslimiin ayaga oo ka muslimiin badan nisbo ahaan boqolkiiba wadamo badan oo muslimiin ah sida lubnaan oo ah boqolkiiba 55 muslimiin.
- Waxaa jirta shimbir loo yaqaano turkey oo laga helo wadama eey maksiko ka mid tahay oo hilibkeeda la cuno.
- Turkigu wuxuu xibin ka yahay ururka loo yaqaano NATO oo ah 28 wadan oo ku heshiisey in hadii mid ka mid ah la weeraro eey ka dhigantahay in kuligood la weerary lakin waayadii dambe aan difaac aheyn ee bilaabay in eey gardareystaan wadamda eey u arkaan in eey awood yeelan rabaan. Wadamadaas waxaa ugu muruq weyn mareykanka waxayna u badanyihiin wadamo yurub ku yaal.
- Turkiga lacagta uu isticmaalo waxaa loo yaqaan lira.