April 19, 2026

Ciidamada wadanka faransiiska ee jooga wadanka afrikada dhexe si eey nabada u ilaaliyaan ayaa la sheegayaa in eey naftoodu geysteen tacadiyo hor leh oo eey ugu horeyso in eey kufsi u geysteen ilmo aad u yaryar oo wiilal u badan.

Arintaan ayaa ka dhacday inteeda badan garoonka diyaadadaha ee caasimada Bangui ee wadanka afrikada dhexe. Garoonkaan ayaa loo bedeley xerooyin qaxooti oo eey gacanta ku haayeen ciidamada wadanka faransiiska halkaas oo eey ku faraxumeeyeen ilmo aad u yaryar oo wiilal u badan caruurtaas oo baahi la il daraa ayaa markii eey cunto ama biyo weydiistaanba laga faaideysnaayey ayadoo la faraxumeynaayey.

Waxaa intaas sii dheermadaxda qaramada midoobey ee halkaas joogtey aad ayey uga dheregsanaayeen oo waa loo sheegay arintaas ayag oo eey bilo badan ku qaadatay in eey arintaas wax ka qabtaan, kadibna nin ka mid ahaa shaqaalaha qaramada midobey ayaa is celiwaayey oo arintii afka la furtay kadibna ninkaas shaqadii waa laga eryey asaga oo lagu eedeeyey in uu arin sir ha fashiliyey.

Dowlada faransiisku waxay sheegtay in eey baareyso arintaas ragii sameeyeyan eey cadaalada hor keeneyso lakin wey adkaaneysaa in askar intaas la eg la maxkamadeeyo dembina lagu cadeeyo maba kusii jirto hadii dadka la dhibaateeyey eey yihiin dad da’yar.

Wadanka afrikada dhexe ayaa dagaal faraha looga gubtey ka socdey dhowrkii sano oo lasoo dhaafay dagaalkaas oo ka bilawday dagaal dhex maray kooxda loo yaqaano seleka oo muslimiin ah iyo antibalaka oo kiristaan ah halkaas oo maadaama musliintu eey aad ugu yaraayeen la barakacshey guryihiina laga gubey  ayadoo ugu yaraan 2 malyan oo kamid ah eey wadamada deriska u qaxeen oo eey ka mid yahay wadanka jaat.

Ma ahan markii ugu horeysey ee cidamada qaramada midoobey eey tacadiyo xaga galmada ah geesyteen  ayaga oo ka faa’ideystey dad baahan cuntana uga bedeshey in eey u galmoodaan  ayada oo la xasuusto wixii  ciidamada Amisom eey soomaliya ka sameeyeen ayaga oo gabdhihii iyo hooyoyinkii kufsaday ayaga oo markaas dad baahan uga bedeshey cunto ama daawo eey uga in loo galmoodo ama inta la kufsaday la siiyey lacag yar 5 doolar iyo wax la mid ah.

Layaab maleh in amisom eey gabdhaha soomlida kufsato maxaa yeelay askariga ugu jagada yareeya amisom wuu ka jaga sareeyaa  madaxweynaha soomaaliya,  layaabna malaha in  in eey inkirto amisom in eey dembi gashay maxaa yeelay dadkii soo dirsaday ayaanba dembigooda qiran, lakin waxaa wax lala yaaba ah oo wax aan la malaysan Karin ah  in markii gabdhaha soomaaliyeed oo inta badan aan arintaas ka hadlin oo iska qarsada dhibkooda markii hal gabar oo ka mid ah usoo dacwooto booliska dowlada somaliya in la xiro. markii eey tiraado nin ayaa I faraxumeeyey  labo doolarna wuu i siiyey, lagu yiraahdo  dastuurkii  ….  wuxuu dhigayaa qofkii loo galmoodo lacagna qaataa in  la xiro maadaama eey ka dhigantahay in uu jirkiisa ka ganacsaday.

Waxaa kale oo la xasuustaa  wixii ciidamada qaramada midoobey ee lagu sheego nabad ilaalinta eey ka geysteen wadanka bosniya halkaas oo xataa la sheegay in eey dumar addoonsadeen si eey ugu galmoodaan si joogto ah qaarkoodna xataa eey ka ganacsadeen jirka dumar eey soo qafaasheen.

Leave a Reply