April 19, 2026

Jilaaga caanka ah ee salman khan ayaa maxkamadi ku xakuntay 5 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay in uu dad baabuur jiirsiiyey sanadkii 2002 dii.

Salman ayaa lagu helay in uu gaari jiirsiiyey nin lagu magacaabo  Nuurullah maxbuub sheikh oo jiifey meel  laami qarkiisa ah kadib markii uu gaariga xakamayn waayey maadaama uu aad u cabsanaa habeeenkaas oo uu markaas ka yimid baar uu qamro kaga soo dhergey.

Salmaan ayaa la sheegay I uu gaariga ka degey kadibn cararay markii uu ninka gaariga jiirsiiyey  wixii markaas ka dambeyena wuxuu eedda korka kasaarayey darawalkiisa oo uu sheegay in uu gaariga waday.

Lakin maxkamad ku taala wadankaas india ayaa ku heshay salman in uu asaga gaariga wedey kadibna ku xakuntahay 5 sano oo xarig lakin waxaa u furan in uu racfaan  u qaato maxkamada sare lakin hadii markale la xakumo waxay noqoneysaa in uu xabsiga u dhaadhoco kadibna filimadii eey eheed in uu soo saaro waaxayahan  oo haafka marayay waxay noqoneysaa in eey qasaaraan dadkii loo samaynaayey fimidadaas.

Salman khan ma aha markii ugu horeysey ee uu dhibaato faraha la galo ayaadoo eey jirtey in sanadiihii sagaashameeyadii gabdhii uu  xariirka la lahaa ee  Ash eey diiday kadibna ku eedeysay in uu u gacan qaaday.

Waxaa kale oo jirtey in gaashameeyadii mar uu filin jilayey lagu eedeey in uu diley ugaar aan la ogoley in la dilo wadankaas.

Mida ugu daran ayaa waxa aay tahay salman khan oo kasoo jeeda cid muslimiin ah asaguna isku tiriya in uu muslim yahay in uu sanam loo yaqaano Ganesh caabudey taas  oo ku qasabtay in culumada wadanka hindiya qaarkeed eey fatwa kazoo saaraan oo eey yiraadaan in salman khan uusan muslim ahayn hadii uusan hada kadib shahaada ku dhawaaqin maadam uu sanam caabudey, lakin salman khan ayaa ku jawaabay “fatwooyinkaan waayahaan waxay noqdeen kaftan”.

Sanjay dutt oo asagana ah atoore  caan ah ayaa sanad hore lagu xakumay 5 sano oo xarig ah kadib markii laga helay gurigiisa qoryaha darandooriga u dhaca sanadkii 1993-gii lakin waxaa la sheegayaa meeshii uu xabsiga ku jiri lahaa in uu xaafada iska joogo maadaama musuq maasuqa wadanka hindiya uu saaid yahay oo ninkii lacag heysta aan sharcigu qaban.

Leave a Reply