April 29, 2015 dawlada wadanka Indonesia ayaa toogatay 8 qof oo lagu helay in eey daroogo usoo dhoofiyeen ama ka dhoofinaayeen wadanka Indonesia.
Raga la toogtey ayaa waxay kala yihihiin 4 Nigerian ah 1 Indonesian ah 1 Brazilian ah iyo 2 Australian ah.
Ragas oo la qabtay waqtiyo aad u kala fogfog laga soo bilaabo 1999 waxay markii la qabanaayey qaar kood eey dhoofinaayeeen daroogo than 50 kiilo taas oo ah mug aad u weyn, halka qaarkoodna eey calooshooda gudeheeda ku wadeen daroogo ayaa hadana waxaa la yaab ah in ragaan inta ugu badan eey yihiin rag da’ weyn oo 50 jir yaal u badan in kastoo markii la qabtay intaas ka da yaraayeed da’doodu intaas.
Hadaba wadamada eey tooska u quseeyso arintaan ayaa jawaabo kala duwan ka baxshey arintaan oo eey ugu horeyso dowlada Indonesia oo falka fulisay.
INDONEASIA
Dowlada Indonesia oo ah mida toogatey 8 da qof, mid ka mid ah ragaasna uu u dhashay wadankooda ayaa dhankooda ka hadlay arinaas qaas ahaan xeer ilaaliyaha guud ee wadanka Indonesia wuxuuna sheegay in dil oo dhan uusan eheyn wax lagu farxo lakin ey ku qasbanyihiin in eey wax ka qabtaan daroogada oo la degtey wadankooda. sidoo kale waxay sheegtay dowlada Indonesia in eeysan jecleyn in eey cadaw ka sameysato wadamada eey dadkaan kasoo jeedaan lakin dowlada Indonesia eey u madax banaantahay in eey ku dhaqanto sharciyada u degan kaas oo ah in la dilo qokii eey ku cadaato in uu daroogo ka ganacsado.
AMNESTY INTERNATIONAL
Amnesty international oo ah hey’ ad gumeytihii caalamiga ahaa ee hore ingiriisku uu leeyahy kuna caan baxday in eey u doodo dadka dembiile yaasha ah, mandatekeedana eey ka mid tahay in eey adduunka ka tirtirto dilka toogashada xataa hadii qofku uu dilo kumanaan qof ayaa sheegtay in eey arintaas eey eheed fal wuxuushnimo ah oo laga xumaado, eeyna eheed masraxiyad xaasidnimo oo lasoo bandhigay. amnesty waxay kale oo sheegtay in dowlada Indonesia eey sida ugu degdega badan u tirtirto sharciga sheegaya in la toogto qofka dembi kasta oo uu galo maxaa yeelay xuquuqul insaanka ayey kasoo horjeedaa aritaas.
AUSTRALIA
Dowlada Australia oo eey u dhasheen laba ka mid ah raga la toogtey ayaa u yeeratey safiirkii u fadhiyay Indonesia waxayna sheegtay in eeysan mudneyn muwaadiniinteedu in in loo toogto in kaliya eey daroogo dhoofiyaan. WaXay sheektay arintaas in eey arxan daro eheed oo eeyna aad uga xuntahay.
Waxaa xusdi mudan in dowlada Australia eysan ku andocooneyn in ragas eeysan wax dembi ah gelin lakin waxay ku andocooneysaa in daroogada eeysan ehey wax qof loo dililkaro.
Wadamada reer galbeedka oo eey ka midtahay Australia dad ahaan iyo fekrad ahaanba lakin aan ku oolin galbeedka la sheego ayaa ku dhaqma sharciyo layaab leh oo ee ka mid tahay tusaale ahaan in qofka lagu xakumo xabsi daa’in 2 mar iyo wixii ka badan taas oo macneheedu yahay xataa hadii aad boqol sano xabsiga ku jirto ee aad dhimato xataa hadii aad soo noolaato waxaa ku sugaya xabsi daa’in kale, taas oo ah shaciyo shactaro leh oo ilmaha xataa aqligooda aan geleyn lakin wadamada ku dhaqma waxay la tahay in eey dadka ka hormarsanyihiin oo arintaas aan laga hadli Karin.
Australiya waxaa lagu xasuustaa in in sanadkii 1996 eey nin lagu magacaabo martin Bryant ku xakuntay xabsi daa’in 35 mar ah kadib markii uu qirtay laguna cadeeyey in uu dilay 35 ruux dhaawacayna 23 qof taasna waa cadaalada Australia.
Waxaa kale oo lagu xasuustaa kadib markii in nin loo aqoon jirey Dennis Ferguson oo ahaa nin ilmaha kufsada, tiro ka toban jeer inta kufsi lagu helay waqti yar la xakumay kadibna lasoo daayey ee uu hadana dembigii oo kale geystey. Ayadoo ay jiraan kiisas eey booliska wadankaas lacag siiyeen ninkaas si eey uga raali geliyaan aflagaado eey deriskiisu u geysteen kadib markii lagu yiri erayo caay ah. taasna waxay kamid tahay cadaalada dadka xuriyada aad u ilaaliya eey sameeyaan lakin la isma weydiinayo aaway xuquuqdii dadka la laayey ama xuquuqdii ilmaha la kufsaday.
Dadka qaar waxay qabaan in qofku intii uu noloshiisa xabsi ku dhamysan lahaa eey u fiicantahay in lagu xakumo dil ,si hal mar eey naftu u dhaafto.
BRAZIL
Brazil waxaa u dhashay hal nin oo kamid ah dadka la toogtay,waxayna u yeeratay safiirkeeda waxayna sheegtay in ninka la toogtay maskax da looga jirey in la dilaana eey kasoo horjeedo sharciyada caalamiga ah. lama cadeynka karo in eey run tahay in ninkaas maskaxda ka xanuunsanayey iyo in kale lakin waayahaan waxay noqotay wax iska caadi ah in dambiilihii la toogtaba la yiraahdo maskada ayaa looga jirey, ayada oo eey eheen bishi abril ee sanadkan gudihiisa markii dowlada sacuudiga eey bireysay gabar lagu helay in eey bireysay naag eey u shaqey jirtey. Gabadhaan oo Indonesian aheed kana shaqeyn jirtey sucuudiga magaceedana lagu sheegay siti zainab ayaa la gawacay kadib 15 sano oo laga warsugaay in canugii eey dhashay gabdhii eey gabdhaanu dishay uu ka qaan gaaro. Lakin amnesty international oo aad u jecel dadka wax diley ayaa sheetay gabadhaas in maskaxda looga jirey
Sidoo kale waxaa jirtey bishii hore magaalada Kabul in gabar dhagax lagu diley, meydkeedana lagubey , kadibna buundo laga tuuray ee webi lagu tuuray. Gabadhaas ma ogin sababta rasmiga ah ee ka dambeysey dilkeeda iyo waxa gabadhaas geeysatey mana u qiil bibixineyno in sidaas qof loo dilo lakin waxan ka hadleynaa saxaafada reergalbeed wixii ugu horeeyey oo eey ka qortay ayaa ahaay” gabar madaxa looga jiro oo Kabul lagu diley kadib markii eey quraanka gutey “lakin baarintaan kadib waxay hadana noo sheegeen gabdhu in eey hadana eheen macalin dugsi quraan oo lagu diley fekrado eeysan dadku jecleysan oo eey aaminsaneed. lakin hadana maalmo kadib waxay noosheen in gabdhu eeysan gubin quraanka lakin wadaad uu ku eedeeyey in eey quraanka gubteykadibna dad aan hunsan eey iska dileen gabdhaas.
Gabadhaas oo lagu magacaabi jirey farkhunda waxaa markii ugu dambeysey la sheegay in eeysan wax quraan ah gubin lakin wadaad quraafaad ku qaraaban jirey oo eey dadka uga digi jirtey quraafaadkiisa uu ka qaraaban waayey kadibna qorshahaan u degay oo yiri quraan ayey gubtey. kadibna dowlada afganistan labaatameeye qof ayey qaarna dil ku xakuntay qaarna xabsi kadib markii eey u eedeysay in eey gabadha dileen lakin ahalkii gabadha waxay sheegeen in wadaadkii aan la xakumin oo la qariyey
Arintaan waxaan kala jeednaa hadii gabadhaasi eey sax ahaan leheen in eey quraanka gubtey waxaa cudur daar looga dhigi lahaa maskaxda ayaa looga jirey.
Mihiimada ayaa ah saxaafada reer galbeedku markii hore waxay aaminsanaayeen in gabadhaas eey sax tahay in eey quraanka gubtey, sidaas darted ayey ugu qiil bixiyeen in eey waalneed lakin waxaa la ogaadey kadib in eeysan gabadhu waalneyn quraana eeysan gubin.
NIGERIA
Wadanka nigeia waxaa u dhashay 4 nin oo ka mid ah dadka la toogtay taas oo macneheedu yahay dadka la toogtay kalabar waxay ahaayeen nigerian.
Dowlada nigeria wasiir u hadlay ayaa sheegay in inkasta oo dowlada nigeria eey ka xuntahay dadkaas dhimashadooda eey ka codsadeen dowlada Indonesia in eey kusoo wareejiso meydadkooda si loogu aaso wadankooda.
Wasiirka ayaa sheegay arintaanu in eey tusaale u tahay muwadiniinta nigerianka ah ee ka ganacsada daroogada caadeystayna in eey jabiyaan shuruucda u taala wadamadaas.
Dowlada nigeria yaa sheegtay in dowlada Indonesia eey u madax banaantahay in eey ku dhaqanto shuruucdeeda arintanina eeytsan waxba u dhibeyn xariirka labada wadan.
Dawlada Nigeria ayaa la talisay muwaadiniinteeda ayada oo sheetay dowladaha eey ka mid tahay wadanka Indonesia in marka eey qofka siinayaan visa ama dalkugal eey far gaduudan ku qorantahay in ka ganacsiga daroogada uu yahay dil.
Dowlada nigeria ayaa lagu xasuustaa in eey sanadkii 2014 dhamaadkiisii ku xakuntay dil 55 taliye oo militeria ah kadib markii eey diideen in eey la dagaalamaan boko haram.
GABANGABADII
Jawaabaha wadamadu ey kala bixiyeen waxay kuu muujineysaa, dad ahaan waxa eey kalayihiin dadka adduunka ku nool ayada oo wadamada qaar eey u dhaqmayaan in eey iskala weyn yighiin dad yawga adduunka eeyna rabaan in lagu dhaqmo sharciyadooda oo kali ah, aysana wax ixtiraam ah u heyn in eey xaq dhowraan dadyawga kala duwan ee addunka ee kala dhaqanka ah.
Waxaa xusid mudan in website masiixi ah uu qoray in 8 daas qof loo toogtay maadaama eey masiixiyiin ahaayen lakin baaris aan samaynay waxaa ku ogaaney in ugu yaraan 2 qof oo ka mid aha dadka la diley eey musklimiin ahaayeen hadii eysanba ka badneyn.