Ma ahan in aan wax kaaga sheego ciidamada Kenya ee soomaliya jooga waxa eey geystaan una geystaan shacabka ku nool goboladaas maxaa yeelay qofkasta oo daneynaaya arintaas wuu ka dheregsanyahay ma ogi ninkii is indha tiraya.
Mana ahan in aan kaaga sheekeeyo waxyaabaha eey booliska Kenya kula dhaqmaan dadka soomaalida ah degan Kenya sababta oo ah dadka soomaalidu waa looma ooyaan.
Mana ahan waxa aan kuu sheegayo dadka soolaalida ah ee degan gobolada Kenya sheegato, dadkaas oo halkaas deganaa ab ka ab, dhibatooyin na lagu soo haayey weligood, maxaa yeelay arintaas laguma soo koobi karo hal maqaal.
Sidoo kale ma rabo in aan kaala hadlo howlgalkii Kenya eey ku gashay soomaliya si eey Kenya uga difaacdo al shabaab, maxaa yeelay howlgalkii ilaalinta wadanka wuxuu la mid noqday siidii geelii qodaxdu muddey ee si uu isaga siibo dhulka ku garaacay lugta kadibna eey qodaxdii kusii fogaatey.
Lakin waxa aan rabo in aan kaaga sheekeeyo waa hal dhacdo oo kali ah; dhacdadii yumbis.
Dhamaadkii bishii may ayey eheed markii warbaahinta eey soo tebisey in ciidamo ka tirsan alshabaab eey saacado ku sugnaayeen tuulada yumbis iyo xaafadaha u dhow dhow halkaas oo ee calankooda ka taageen, masaajidkana ka qudbeeyeen. Lakin maalmo kaadib alshabaab waxay sheegatay in ee ciidamada Kenya ka dileen 25 askari kana gubeen 5 gaari.
Inkasta oo ilo madax banaan eey xaqiijiyeen gubida gawaarida iyo askar badan oo dhimatay, Kenya waxay sheegatay hal askari oo ka dhintay iyo shan ka dhaawacantay, lakin sida eey soo xigteen warbaahinta caalamiga ah qaarkood waxaa la sheegay in eey miino la kacday 2 gaari oo ciidamada Kenya leeyihiin kadibna eey usoo gurmadeen gawaari kale kadibna halkaas uu dagaal ku shexmaray alshabaab iyo askarta Kenya. waxaana la sheegay in firxadka ciidama Kenya eey maalmo kadib lagu arkaayey yaga oo soogelaya xeryaha qaxotiga.
Arintaas la yaab malahan maxaa yeelay ugub ma ahan, lakin waxaa la yaab ah in ragii shalay kala firxaday oo cararay eey maanta soo rogaalceliyaan weliba eeysan raadin ragii falka geystey ee eey dhalin yaro xaafadeed inta soo qabqabtaan eey inta jirdilaan, garaacaan ku is istaagaan hadana xirxiraan.
Si ka bedelan sida dadka badankiis aaminsanyihiin arintaas ma muujineyso jileeca ciidamada Kenya maxaa yeelay jileeca ciidamad Kenya waxay muuqatay dhacdooyin hore lakin sida eey ila tahay arintaan waxay muujineysaa 2 arimood:
1.tacadiyada maatida maalinkasta: way dhacdaa in la dhibaateeyo dad aan waxba geysan lakin ma dhacdo in la soo tebiyo maxaa yeelay meesha eey ka dhacaan ama saxaafad ma joogto ama kuwa jooga waxay ka cabsanaayan hadii eey sawiro ama cod ka qaadi lahaayeen in naftooda la dhibaateeyo ama la xiro, sidaas darteed tacadiyada dhacaa waxay noqdaan kuwo aan la ogaan ama la ogaado goor aan lasoo tebi Karin maxaa yeelay maalinkast dadku waxay rabaan wax cusub ee taarikh ma rabaan.
- dhaliyarada qofka xagjirka ka dhiga: Maalin walba waxaa fadhiya idaacadaha iyo tv- yada, ha ahaadeen kuwa ajnabiga ama kuwa soomaalida, dad lagu sheegay khubaro, borofesoorro, ama xeeldheerayaal, kuwaas oo heysta qaarkood phd, markaas ayaa waxaa la weydiiya maxaa keena xagjir nimada? markaas baa kuwa ugu akhyaarsan waxa eey yiraahdaan waxaa keena faqriga, shaqo la’aanta ama waali, lakin xaqiiqdu waxa eey tahay xagjirnimada waxaa keena waa dulmiga ama gardarada. maxaa yeelay dhalinyarada sidaas loo dulleystay oo lagu is istaagay iyo ahalkooda iyo asxaabtoodaba wax dooq ah ma heystaan aan eheyn in eey ficil celin sameeyaan, taas oo aan kaliya ku koobney bini aadamka maxaa yeelay ruux kasta oo nafley ah markii aad cadaadiso wuxuu gaarayaa heer uu dooqu ka dhamaado oo uusan kala jeclayn wixii uu geysto iyo wixii loo geysto.