ma garan karo in eey soomaalida kali ah tahay iyo in eey bini aadamka oo dhan tahay! imise jeer ayaad aragtaa nin garabaati iyo suut xiran, xil isu soo sharaxay, kadibna balanqaadyo sameeyey, boqolaal kun oo doolar ku dhiibay si uu madax ku noqdo, kadibna aad loogu sacab tumay, dowr maalmood ama bilood kadib majiraan wax ka duwan kii ka horeeyey ee uu qabtay? kadib waxaa bilaabaneysa dacaayad iyo mucaarad iyo dhaliilo. waa gar in wax la dhaliilo lakin maxaa la dhaliilaa ma dowladda, ma madaxda mase nidaamka. ogow qodobada soo socda waa aragtideyda shaqsiyadeed qasabna ma ahan in aad igu raacdo haddii aad aragti ka suurtagalsan heysana waanu kaa dhegeysaneynaa. 15 kan arimood ha ku dhaliilin dowlada soomaaliya 1.hoteelada lagu waardiyeeyo
ninkii aqligiisa qaba waa in uu degaa meeshii uu is leeyahay waad ku badbaadi kartaa. aqlina ma ahan in asaga oo arkaya meel amaankiisu ku sugmayo uu dego wasaarado ama guryo aan cid ku waardiyeyneysa jirin. 2.ka guuleysi la’aanta Alshabaab dawlado ka quwad weyn dowlada soomaaliya ayaa labaatameeyo sano cirib tiri waayey waxa eey ugu yeereen argagixisada. ilaa iyo maantana in eey argagixisadu sii badato mooyee ma eeysan yaraan. 3.qabaa’ilada eey kasoo jeedaan madaxdu ma garan in aan qof aan hooyadi iyo aabihi la aqoon ka keensaneyno meelo kale, lakin qofkasta oo madax noo noqda waxaa qasab ah in uu qabiil kasoo jeedo. haddii qabiilka aad la jeceshahay uu madaxtinimada qabto, qabiilkale ayaa kasoo hor jeeda, amaba ma ahan ee qabiilka madaxweyna laf ka mid ah ayaa isla dooneysa madaxtinimada. sida la yirina qabiilku waa sida basal kala sareeysa oo meel uu ku dhamaado lama yaqaan ilaa laga soo gaaro curad iyo yaraan. 4.wax ka qabad la’aanta amniga
waxaan aaminsanahay in soomaaliya eeysan eheyn waddanka ugu amniga xun adduunka. waxaa jira wadamo badan oo naga liita ma nala mid ah. 5.musuq maasuqa musuq maasuq adduunka dhan ayuu ka jiraa. afrika oo dhana wuu ka jiraa. waxaa jira wadamo badan oo soomaaliya ka musuqmaasuq badan. 6.awood la’aanta awooda dowladu inta badan waxa eey ka timaadaa dadweynaha, haddii aan la helin shacab garab siiya dowladdu awoodda xagey ka keeneysaa? 7.maamul gobolesiga goboleysigu waxaa laga yaabaa in uu xal u yahay dhibaatooyinka ku saleysan sed bursiga iyo nin iska riixa. waxaase shardi ah in la helo dowlad dhexe oo xoog leh. maamul goboleedyadu haddii eeysan u qaadan in eey dowlad madax banaan yihiin waxa eey keeneysa in qabiil walba ku qanco gobolkiisa iyo wax soosaarkiisa. taasina ma ahan arin xun. 8.dib u heshiisiin la’aanta dowladdu dib u heshiisiin ma sameyn karto haddii eeysan ayada dhexdeedu heshiis eheyn . sida la ogyahayna dowladda soomaaliya waxa eey ka sameysantahay dad qabiil u shaqeeya. waxa eey ku dhisantahay qaab qabiil, haddii eeysan dowlada dhexdeedu heshiis eheyn sidey qabaa’il ku heshiisiiyaan? 9.safarada badan ee dibadda ma ogtahay in madaxweynihii hore ee faransiiska hollande uu galay ku dhowaad 50 safar oo dibada ah sanadkii 2015 oo kali ah? madaxda soomaalidu sanadkii meeqa safar ayey dibada u aadaan? dawlada arimo badan ayaa dibada uga xiran . haddii eysan safrin ayadu ma waxay sugeysaa in fadhigeeda loogu yimaado? 10. canshuurta eey soo rogtey dowladdu haddii eeysan canshuur ka qaadin shacabkeeda yaa siinaya qarash eey ku shaqeeyso?weligeed ma dowlado shisheeye ayey gacmaha u hoorsaneysaa? 11.madax la bedeley madax kasta dan ayaa loo magacaabay dad ayaana magacawday, dantii loo magacaabay haddii laga waayo waa qasab in la eryo. dantaas ha ahaato dan khaas ah ama dan caam ah. ileen qasab ma ahan in wasiirka loo magacaabay markii hore dan caam ah. 12.mooshinada baarlamaanka mooshinku waxa uu daliil u yahay in ugu yaraan shaqo meesha ka socoto. sidoo kale baarlamaanka shaqadiisa ayaaba ah mooshinka. qofkii loo arko in dantii loo magaabay uusan fulineyn waa in mooshin laga keeno. ogow in aan is weydiino mooshinku ma sax baa mase waa qalad waxaa ka horeysa in aan isweydiino qofka mooshinka laga keenay siduu ku yimid markii hore sax mase qalad. 13.balanqaadyada beenta ah balan qaadyada beenta ah waxa eey la socdaan dimuqraadiyada mana kala haraan. sidoo kale dowladaha caalamka waxkasta oo eey balan qaadan kama wada dhabeeyaan. 14.waddooyinka eey xirato caalamka dhan ayey ka dhacdaa in wadooyin la xiro, bandow iyo baaritaan. taasna mararka qaar waxaa ku dhisan amniga. 15. dhowr kale oo eey ka mid yihiin: xasilinta xamar, is qabqabsiga, qaraxyada dhaca, iyo….iyo….
15 kan arimood waad ku dhaliili kartaa dowlada soomaaliya 1.dastuurka waxa loogu yeerey inkasta oo aanan shaksi ahaan akhrin dastuurka dowlada federaalka, dadkii akhriyey aad ayey uga deyriyeen in eey ku jiraan waxyaabo badan oo khilaafsan diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee soomaaliyeed. 2.ciidamada shisheeye hadii eey ahaan lahaayeen ciidamada AMISOM iyo haddii eey ahaan lahaayeen kuwa kus ugan xalane iyo haddii eey ahaan lahaayeen kuwa aan aniga iyo adigaba aanaan war ka heyn. ciidamada shisheeye waxa eey xaliyaan waxaa ka badan waxa eey kharibayaan. 3.beesha caalamka waxa loogu yeerey beesha caalamka waa waxa ka dambeeya soo dhisida, qarash gareynta iyo weliba jiheynta dowladda soomaaliya. suurtagalna ma ahan in waxaas oo qarash iyo dadaal ah eey ku bixiyaan anaga danteena, ee waxaa cad in eey dano ayaga u gaar ah wataan. waxa eey nasiiyaana eey ka badan naga qaadi doonaan. ogow beesha caalamka waa magac kale oo eey leeyihiin reer yurub iyo mareykan waana dadkii shalay aan la dagaalameyney si aan uga xureyno wadamadeena. 4.siyaasiyiin aan akhyaar eheyn markii aad eegto shacabka soomaaliyeed waxaad ku arkeysaa dad akhyaar ah, kuwo turid badan, kuwo wax bixin badan, culimo, wax garad, kuwo cafis badan, kuwo dantooda hilmaamay oo dan qofkale ku masquulsan, kuwo naftooda u huray qof kale, lakin markii aad eegto dadka dowlada ku jira maxaa looga heli la’ yahay dadka aan kor kusoo sheegnay? ma dadkaas ayaan dowladda rabin mase dowlada ayaan dadkaas rabin eeg qodobka (11). 5.shisheeyaha eey u shaqeeyso waxaa lagu eedeeyaa dowlada madaxdeeda in qof kasta oo madax ah eey soo dirsatay dowlad dana gaar ah ka leh soomaaliya. haddii eey ahaan lahayeen dowladaha gobolka iyo hadii eey ahaan lahaayeen dowlada kale. 6.caddaalad darada iyo nidaamka 4.5 waxaa la yiri hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho. dowlada soomaaliyana waxa eey ku dhisantahay dulmi kaas oo eey ugu horeyso nidaamka dulmiga eey ku dhisantahay ee 4.5. inta sidaas wax lagu qeybinayona lagama yaabo in cadaalad la helo. 7.mooryaanta sharciyeysan ciidamo beeleedyada loogu magac daray ciidama dowladda waa mooryaantii oo shaati kale loo geliyey. waxa eeyna ku dhaqmaan wax alla wixii mooryaantii ku dhaqmi jirtey haddii eey ahaan leheen isticmaalka daroogada qaadka, isbaarooyinka, dilka iyo dhaca macno darada ah. ayaga oo weliba adeegsanaya awood eeysan shalay leheyn markii eey mooryaanta ahaayeen oo ah awood dowladnimo. 8.dhiibista muwaadiniinta dadka badankiis waxa eey hurdada ka kaceen markii la dhiibey qalbi dhagax, laakin sanadkasta meeqa qof ayaa la dhiibaa? ilaa iyo goorma ayey soo socotey dhiibista muwaadiniinta loo dhiibo dowladaha shisheeye? qalbi dhagax waa nin caan ah ee kawaran ninkii aan la aqoonin? 9.dhalashooyinka ajaanibta eey madaxdu heysato dadkii dimuqraadiyada alifey wadamadooda wey ka mamnuuceen in uu madax ka noqdo qof dhalasha kale heysta, lakin anaga maadaxdeena badankood waa qurbajoog dhalshooyin ka heysta dolwado kala duwan. 10.xasuuqa shacabka haddii eey ahaan leheed kuwa eey dowladu disho ama kuwa duqeynta lagu laayo oo dowladu raali ka tahay, dowlada waxaa la gudbooneed in eey qofkii dembiile ah ayadu qabato, maxkamad saarto ee ma habooneyn in eey dad kale u adeegasato muwaadiniinteeda. 11.shacab iyo dowlad aan is leheyn shacabka soomaaliyeed waayadii ugu dambeeyey waxa eey ku mashquulsanyihiin iskuulo, jaamacado, ganacsiyo, diin lakin dowlada soomaalya waxa aad u moodaa in eey ku mashquulsantahay soo nooleynta dhaqamo laga tegey ama aan muhiin eheyn, isu muujinta eey isu muujinyeso dowladaha shisheeye taas oo keentay is fahan darro iyo wada shaqeyn la’aan iyo kalsooni la’aan xagga shacabka iyo dowlada ah. 12.fisqiga ku soo batay wadanka waxaa la sheegaa mudooyinkii ugu dambeeyey dhaqan xumo iyo fisqi kusoo batay wadanka soomaaaliya taas oo la sheegay in si toos ah ama aan toos eheyn eey dhiiri gelisey ama eeysan wax ka qaban dowlada soomaaliya. 13.is garab yaaca xibin kasta oo dowlada ka mid ah waa in eey yeelataa howl looga dambeeyo lakin waxa aad u mooddaa in dowladda federaalku iyo madaxdeedu eey yihiin ha yaacdo. 14.xir xirida iyo gadashada dadka inkasta oo aan la ogeyn in dowlada oo dhan isku raacsantahay iyo in eey dad qaas ka dambeeyaan. qeyba ka mid ah laamaha dowlada waxaa lagu eedeeyey in eey dadka iska xirxiraan si macno daro ah qaarkoodna madax furash laga qaato hadii kale lagu eedeeyo dembiyo kala dowan. 15.tobaneeye kale oo eey ka midyihiin: qofkii shacabku jeclaado oo la ruqseeyo, far far kutaag, qabyaalad ka muqata meelaha qaar, xulufeeysiga danta shaqsiga ku dhisan, iska indha tirka faragelinta dowladaha deriska, xaqa dadka u shaqeeya oo la duudsiiyo, tiro badida iyo tayo xumida iyo….iyo……….. FADLAN LA WADAAG ASXAABTAADA.