qofkii aan aqoon u leheyn imaaraatku ama UAE waa todobo wadan oo aad u yaryar kuwaas oo ku midoobey in eey yeeshaan hal gole eeyna madax ka dhigtaan mid ka mid ah boqorada ama amiirada todobadaas imaaradood, waxaana hadda madax u ah boqorka ama amiirka imaarada Abu dhabi Khalifa bin saayid inkasta oo siyaasad ahaan eey ugu cadcadyihiin muxamed bin saayid iyo amiirka Dubai sheikh muxamad bin raashid.
mudooyinkii ugu dambeeyey imaaraadka waxa eey xulufo yihiin waddanka sacuudiga oo eey deris yihiin.
isu geyn dadka u dhashay imaaraadka waxa eey aad uga yaryihiin dadka degan magaalada muqdisho halka dadka ajaanibta ku nool imaaraadka eey ku dhowyihiin tiro ahaan soomaali oo idil.
hadaba dad badan oo soomaali ah ayaa imaaraadka ku eedeeyey arimo badan oo eey ka midyihiin:
-in uu imaaraadku qas ka wado soomaaliya
-in uu lacag siiyo uuna taageero kooxo eey ka midyihiin Alshabaab
-in uu kala taageero hogaamiye goboleedyo uu midba si gooni ah ula xariiro
-in uu lacago ku fataho soomaaliya si uu u qaso
-in uu hub keeno soomaaliya
-in uu heshiis qaas ah la galay maamul goboleedyo
-in uu dhuxusha soomaaliya sharci darro ku dhoofsado
-in uu doonayo in uu la wareego xeebaha iyo dekedaha soomaaliya
-in reer galbeedku eey soo adeegsadaan maadaama aan dadku ka shakisaneyn
-in eey turkiga ku maseyrsantahay
-in eey ka xanaaqsantahay maadaama aan soomaliya go’doomin qadar
-iyo in eey kheyraadka soomaaliya boobaan sida kalluunka iyo macdan la sheegay in eey ka qotaan gobolada Bari.
si kasta oo eey ahaataba wadamada imaaraadka lagu eedeeyo in uu qas ka wado ma ahan soomaaliya oo kali ah ee waxaa jira wadamo kale oo eey ka mid yhihiin:
yemen
weerarkii eey ku qaadeen imaaraadka iyo xulufadiisu wadanka yemen waxa uu ka dhigay wadanka yemen mid gibi ahaanba dhulka ku darmay. dadkeedana eey baahi iyo xabad u dhamaadeen. inta harsana eey xaaladoodu adagtahay. imaaraadka iyo xulufadiisu waxa eey ku andocoonayeen in eey ka hortagayaan qatarta xuutiyiinta oo halis ku ah wadamada carabta iyo shacuubta suniyiinta. lakin waxaa soo baxday in eey jiraan dano kale oo dahsoon oo la doonayo in yemen la kala jarjaro loona dhiibo qeybo ka mid kooxo maqaar saar ah, lana qabsado meelaha istaraatijiga ah ayaga oo adeegsanaya kooxo eey ayagu taakuleeyaan.
sidoo kale waxaa la sheegay in eey dadka u laayaan si macno daro ah, in eey adeegsadaan xabsiyo sir ah oo dadka lagu xirxiro sida kuwo ku yaal Eriteriya, adeegsiga hubka wax gumaada ee mamnuuca ah iyo in eey soo kireysteen boqolaal calooshood u shaqeyteyaal ah oo laga soo kireytey adduunka dacaladiisa si eey u dagaalamaan.
suuriya
ku lug lahaanshaha imaaraadka ee dalka suuriya waa arin laga wada dheregsanyahay ayada oo imaaraadku eey taageeraan ururo kala duwan oo dagaalka wada wadankaas. sidoo kale ciidamada cirka ee imaaraadku waxa eey ka mid ahaayeen xulufadii loo sameeyey in eey meesha ka saaraan dowlada islaamiga.
Baxrayn
markii eey shiicadu ku kacday madaxda baxreeyn oo suniyiin sheegta sanado hore waxaa kasoo gaarey oo badbaadiyey ciidamo ka socda sacuudiga iyo imaaraadka.
Qadar
go’doominta qadar eey go’doomiyeen isbaheysiga imaaraadku waa arin aad looga sheekeey arintaasna waxaan ku faahfaahinay maqaalkii:
Iiran
inkasta oo eeysan af cad ku qiran in eey dagaal kula jiraan iiraan hadana waxa eey ku gowracanyihiin xulufada sacuudiga kuwaas oo eey meela badan isku heystaan iiraan sida yemen, suuriya iyo baxreyn. sidoo kale waxaa jira jasiirado eey isku heystaan imaaraadka iyo iiraan inkasta oo eeysan arintaas gacan ka hadal isu bedelin.
Masar
aad ayaa looga dheregsanyahay gacantii eey ka geysteen imaaradku afgembintii dowladdii Ikhwaanul muslimiinka masar ee uu madaxda ka ahaa Muxamed mursi.
sidoo kale waxa eey imaaradka xulufo yihiin madaxweynaha hadda xilka haya ee Sisi ayaga oo maalaayiin doolar siiya milateriga masar sanad kasta.
Liibiya
waxaa la aaminsanyahay in imaaraadku uu aad u taageero dowlada eey reer galbeedku aqoonsanyihiin ee liibiya. sidoo kale waxa eey aad u taakuleeyaan hogaamiyaha calooshiis u shaqeystaha ah ee loo yaqaano Khalifa Haftar.
falastiin
inkasta oo eeysan eheyn wax imaaraadka gooni u ah, waxaa soo if baxay waayihii ugu dambeeyey qorshe qarsoodi ah oo la doonayo in falastiin oo dhan yahuuda loogu gacan geliyo si yahuuda xulufo looga dhigto si eey carabta uga difaacdo iiraan oo eey carabta badankood aaminsanyihiin in eey tahay malakul mowdkii u dhameynlahaa carabta oo dhan ayaga oo aaminsan in yahuuddu eey uga dhowdahay shiicada.
sidoo kale waxaa la isla dhex marayaa war sheegaya dhul eey imaaraadka iyo sacuudigu eey ka soo iibinayaan wadanka masar si loo dejiyo falastiiniyiinta, dhulka falastiin oo dhanna loogu wareejiyo yahuudda si loosoo afjaro khilaafka daba dheeraaday ee ka dhexeeya carabta qaar iyo yahuuda.
sidoo kale imaaraadku waxa uu faraha kula jiraa wadamo badan oo eey ka mid yihiin:
Lubnaan
Nigeria
Pakistan
Afganistan
Tunisia iyo ciraaq
isku soo wada duub oo u jeedada imaaraadka dadka qaar waxa eey ku tilmaamaan mid la xariirta shidaal, dadka qaarna waxa eey ku tilmaamaan in eey la xariirto suni iyo shiico. lakin anigu waxan oran lahaa arinta imaaraadka iyo xulufadiisu waxa eey la xariirtaa boqoradii carabta oo dareemaya in waqtigoodi soo dhamaaday sidaas darteedna eey sameynayaa wax alla wixii eey la noqoto in eey kuraastooda kusii heyn karaan.
la wadaag asxaabtaada