April 19, 2026

waxaa jira erayo maalin kasta dhegaheena kusoo dhaca ama xataa aan adeegsano lakin aanan aqoon u leheyn macnohooda dhabta ah ama aan ku wareerno marka aan maqalno ayada oo la adeegsanayo.
waxaa laga yaabaa in erayadaan eey yihiin arayo caan ah lakin dadka caadiga ah eeysan sharaxaad ka bixin karin markii la weydiiyo walow eey maalin kasta maqlaan.
hadaba qoraalkaan oo taxane ahaan doona insha allah waxaan idinkugu soo gudbineynaa shan eray oo caan ah lakin fahankoodu dadka qaar ku adkaado:
1.CALMAANIYAD
erayga calmaaniyad ama calmaaninimo ama calmaani waa nidaam siyaasadeed oo sheegaya in la kala saaro dowlada iyo diinta.
calmaaniyada dadba si ayey u adeegsadaan waxaana dhici karta in loo adeeegsado macnooyin kala duwan oo aan isu dhoweyn sida;
-in la kala saaro dowladda iyo diinta.
-in dowladu faraha kala baxdo arimaha diinta wadaadaduna faraha kala baxaan arimaha dowlada.
-in diintu eeysan soo dhaafin goobaha cibaadada.
-in diinta iyo shicaarteeda laga saaro hey’adaha iyo waaxaha dowlada lugta ku leh.
-in dowladu eey u dhexeyso dadyawga diimaha kala duwan heysta.
-in dowladu eeysan soo fara gashan diinta dadka, lakin diintu eey noqoto wax shaqsi quseeya.
-mararka qaar waxa eey noqon kartaa calmaaniyadu in eey dowladu cadaadis saarto ururada iyo dadka diinta aadka u heysta.
-mararka qaarna waxa eey noqo kartaa in doowladu eey dhiiri geliso in diinta aan wax muhimad ah la siin.
-mararka qaarna waxa eey noqotaa in dowladu ku qasabto dadka in eey wixii diin ku saabsan eey isaga fogaadaan.
2.DIMUQRAADIYAD
eraga Dimuqraadiyad macnihiisa waxaa lagu sheegaa in uu yahay in eey dadku soo doortaan cidda xakumeysa, sida eey u xakumeyso iyo sharciga eey ku xakumeyso.
mararka qaar dimuqraadiyada dadku waxa eey ku sheegaan in ciddii cod badisa eey hogaamiso ciddii laga cod badiyey inkasta oo qeexidaas muran weyn ka taaganyahay.
dimuqraadiyada isku si looma yaqaano adduunka. ayada oo wax dadka qaar eey u yaqaanaan dimuqraadiyad eeysan kuwa kale u aqoonin dimuraadiyad.
dimuqraadiyada waxaa lagu sheegaa in eey tahay nidaam dadka cod bataa eey ku takri falaan ama caburiyaan kuwa laga codka batay walow cod badida ruuxeeda uu muran ka taagan yahay maadaama markasta dadka codeeya eey aad uga yar yihiin dadka la hogaamiyo.
dimuqraadiyaddu waxa eey noqo kartaa in aad kala doorato laba dooq oo aadan midkoodna jecleyn ayada oo aan lagu siineyn dooq sedexaad oo aad xur u tahay.
dimuqraadiyadu waxa kale oo eey noqon kartaa in madaxda dadku jecelyihiin aan loo ogolaan in eey is sharaxaan ama eey maamulka sii hayaan ayado oo waqtigooda la xadidey.
3.SAHYUUNIYAD
magaca sahyuun waxaa uu ka yimid asal ahaan sida la sheego buur ku taal magaalada Qudus, lakin waa calaamad ka dhigan dhigan guud ahaan dhulka falastiin.
sahyuuniyaddu haddaba waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed diimeed oo asalkiisii yurub kasoo bilaawday, kaas oo dadka soo aasaasay ee aaminsanyihiin in wixii yahuud sheegta eey xaq u leeyihiin in eey dowlad yahuud ah ka aasaasaan dhulka aan u naqaano falastiin ayaguna eey ugu yeeraan israel.
dadkaas waxa eey ku guuleysteen in eey aasaasaan dowladdii israel lakin weli waxa eey weli wadaan is balaarin ah in eey qabsadaan inta u dhiman wadankii falstiin, waxaana qorshaha ugu jira in eey qaataan wixii ka haray falastiin iyo wadamo badad oo carab ah.
dadkaasi waxa eey sheeganayaan in waqti kumanaan sano laga joogo eey halkaas ku lahaan jireen boqortooyo loo yaqaano israel haddana eey damacsanyihiin in eey soo celiyaan dowladaas waxkasta oo eey ku qaadato.
sahyuuniyaddu waa fikrad kasoo jeedda yurub waxaana la sheegaa inta eeysan go’aansan in eey falastiin soo degaan eey damacsanaayeen in eey degaan wadamo kale oo eey ka mid yihiin kuwa ku yaal waqooyiga afrika.
dadkaasi waxa eey u badanyihiin dad ka yimid yurub waxaa eeyna heystaan diimo kala duwan qaarkoodna wax diin ah ma heystaan. lakin waxa eey ka mideysanyhiin in yuhuudda loo helo dhul eey ayagu leehihiin.
waxaa jira masiixiyiin sahyuuniyad ah oo aaminsan haddii eeysan yahuuddu kusoo laaban dhulkaas eeysan suurtagal eheyn in nabi ciise soo laabto maadama uu israili ahaa lana sugayey in uu soo laabto sidaas darteedna eey qasab tahay in garab la siiyo yahuuda si eey dhulkaas usoo degaan.
qorshahaan waxaa soo caan bixiyey dabadana ka riixaya ilaa iyo maanta wadamadii gumeystihii hore gaar ahaan ingiriiska iyo faransiiska waxaana la sheegaa in eey ugu talo galeen maadaama eeysan ayagu meesha sii joogi karin in eey ku joogaan ayaga oo wejiyo kale adeegsanaya eeyna saldhig ka dhigtaan wadnaha waxa loogu yeero bariga dhexe.
waxaa jirta yahuud aad u fara badan oo si cad u diidan sahyuuniyadda iyo in xoog lagu dego dhulka falastiin ayada oo leyska indha tirayo dadkii meeshaas horay u deganaa ee falastiiniyiinta.
4. RA’SUMAALIYAD
Ra’sumaaliyaddu waa nidaam dhaqaale siyaasadeed oo hantida iyo qaabka wax soo saarka eey gacanta ku hayaan eeyna maamulaan shaqsiyaad ama shirkado qaas ah oo faa’iido doon ah oo eeysan dowladu maamulin.
maadaama nidaamkaas uu yahay nidaam qiimeeya oo kali ah faa’iidada iyo lacagta waxaa dhici karta in dowladu wixii eey u baahato eey kasoo iibsato shaqsiyaad ama shirkado, sidoo kale waxaa dhici karta in waxyaalihii eey eheed in dowladu eey u qabato shacabka eey ka dhigto lacag iyo wax faa’iido laga raadiyo..
nidaamkaas dadka waxa uu u kala qeybinayaa laba dabaqadood oo ah dabaqadda yar ee heysata wax soo saarka iyo lacagta iyo dabaqadda ayaga u shaqeysa eeh ah kuwa lagu shaqeysto, ayada oo dabaqada sare eey isku dayeyso in dabaqadda hoose eey noqdaan shaqaale raqiis ah si alaabta iyo waxyaalaha lasoo saaro looga helo faa’iido aad u badan.
waxaa dhici karta in dabaqadda sare ee heysata dhaqaalaha iyo wax soo saarka eey galaangal weyn ku yeeshaan eeyna dhaqaale farabadan ku bixiyaan dowlada go’aamadeeda iyo sharci dejinteeda iyo weliba u ololeyna in la doorto madaxda ayaga danta u ah.
5.REER GALBEED
waa eray eey aad u adagtahay in la qeexo maadaama eraygaan macnihiisu uu isu bedelo hadba sida siyaasaddu tahay asaga oo macnihiisu is bedeley in ka badan toban jeer qarniyadii la soo dhaafay. laakiin haddii aan soo koobno erayga reer galbeed waxaa loo adeegsadaa wadamo badan oo isku siyaasad, dhaqan iyo fekrado ah kuwaas oo intooda badan ku yaal yurub.
reer galbeed waxaa la dhihi karaa wadamo dhaca yurub gaar ahaan yurubta galbeed iyo kuwa ku siyaasad, dhaqanka iyo fekraddaha ah sida mareykanka, kanada iyo australia.
 LA WADAAG ASXAABTAADA 

Leave a Reply