doodda ku saabsan in sakada iyo canshuurta casriga ah eey isku mid yihiin iyo inkale waa mid caalamka islaamka oo idil ka taagan. iska daa dadka caamada ah ee xataa wadaadadii ayaa isku khilaafsan in middii aad dhiibto eey tii kale tahay iyo in labadooda la isla dhiibo iyo in la isku dhamaystiro.. sidaa darteed waxaan halkaan ku heynaa 30 farqi oo u dhexeeya sakada iyo canshuurta. ogow ma lihin farqiga waa soddonkaan oo kali ah, ee kuwa kalena wey jiri karaan. sidoo kale wax aan farqi ku sheegnay ayaa noqon kara wax kale. qofkasta waxaa looga baahanyahay in uu aqligiisa kaashado. 1. sakada in la bixiyo waa amarka Alle halka canshuurtu eey tahay amar dowladeed.
2. sakada qofka dhiibey waxaa u dareemaa in uu kheyr hormarsaday lakin qofka canshuurta dhiibey waxa uu dareemaa in la dhacay. 3. sakada qofka dhiibey waxa uu dareemaa in uu waajib gutey, lakin qofka canshuurta dhiibey waxa uu dareemaa in uu deyn ku leeyahay dowlada. 4. sakadu waa waajib diini ah lakin canshuurtu waa waajib qaran. 5. sakadu waxa eey waajib ku tahay muslimiinta oo kali ah lakin canshuurta waxba uma kala saarna. 6. sakadu nisbadeedu wuu cayimanyahay oo isma bedelo lakin canshuurtu wey is bedeshaa. 7. sakada waxaa la siin karaa oo kali ah dowrka nooc ee quraanka lagu sheegay lakin canshuurta cidda qaadaneysa ma cayimna. 8. sakada qofku iskiis ayuu isaga dhiibi karaa oo qof uu rabo sii karaa lakin canshuurta waa in dowladu qaado. 9. sakadu waxa eey leedahay nisaab eey ku waajibto lakin canshuurtu malaha meel eey ka bilaabato iyo meel eey ku dhamaato. 10. sakadu waa in sanad kasoo wareegaa lakin canshuurta sanad wey ka badan kartaa weyna ka yaraa kartaa. 11. sakada waxa lagu qabanayo waa wanaag oo kali ah lakin canshuurta xumaan waa loo adeegsan karaa. 12. sakada cid kordhi kartaa ma jirto lakin canshuurta dowlada ayaa kordhi karta. 13. sakada waa in uu qofku awoodo lakin canshuuta awood looma fiirinayo. 14. sakadu waa xaqa dadka u baahan lakin canshuurta cid aan u baahney ayaa qaadan karta. 15.sakada in la musuq maasuqo waa laga baaqsan karaa lakin canshuurta musuqmaasuq kama dhamaato. 16. sakadu waa cibaado lakin canshuurtu waa dano bini aadam. 17. sakadu muhimadeedu waxa eey ku xigtaa salaada lakin canshuurta muhimadeedu wey is bedeshaa. 18. sakada wax xaaraan ah lagama bixiyo lakin canshuurta wax kasta ayaa laga qaadaa. 19. sakadu halqaab ayey u timaadaa lakin canshuurtu si toos ah iyo si aan toos eheyn wey ku timaadaa. 20. sakada waxaad sii kartaa qof kasta oo xaq uleh meelkasta ha joogo lakin canshuurta waxaad sii kartaa dowlada wadanka aad ku nooshahay oo kali ah. 21. sakada waxaa lagu bixi karaa waxyaalo aan lacag eheyn lakin canshuurtu waxaa lagu bixiyaa lacag inta badan. 22. sakada qasab ma ahan in lagu weydiiyo si aad u bixiso lakin canshuurta waa in lagu weydiiyo laguuna cayimo inta aad bixineysid. 23. sakada waxaa loogu tala galay in eey u faa’ideyso umada kuwooda hooseeya lakin canshuurtu mararka qaar waxa eey u faa’iideysaa kuwii bixiyey. 24. sakadu markasta waa daahirin nafta iyo maalka lakin canshuurtu waa dembi haddii si qaldan loo isticmaalo. 25. sakada waxaa laga bixiyaa hanti lakin canshuurta waxaa laga bixiyaa dakhli. 26. sakadu waxa eey ka tirsantahay tiirarka islaamka lakin canshuurtu waxa eey ka tirsantahay tiirarka ra’su maaliyadda. 27. sakada qofkii aan bixin waxa uu la kulmaa ciqaab adduun iyo mid aakhiro lakin canshuurta qofkii aan bixin waxa uu la kulmaa ciqaab adduun haddii la ogaado. 28. sakadu waxa eey abuurtaa isjacayl muslimiinta dhexdooda ah lakin canshuurtu waxa eey abuurtaa is qabqabsi badan. 29. sakada hal shey dhowr mar lagama qaadi karo lakin canshuurta hal sheey ayaa dhowr mar la canshuuraa. 30.sako halmar oo aad dhiibtey kun canshuurood wey kaa gudaa lakin kun canshuurood hal sako kaama guddo, waa sida culimada qaar eey qabto. lakin sidaas oo eey tahay sakada iyo canshuurta waxa eey isaga mid yihiin dhowr arimood sida: 1. labaduba waa qasab in la dhiibo. 2. labaduba qofku mar haddii uu dhiibo uma badna in uu dib usoo ceshado. 3.labaduba waa masuuliyad ijtimaaci ah. 4. labaduba nuucyo badan ayey leeyhiin. 5.labadaba dan guud iyo mid gaarba waa lagu bixiyaa. intaas kadib waxaa xusid mudan in dowladaha maanta jira intooda badan eey awoodoodu la egtahay inta eey shacabkoodu canshuur dhiibaan. sidoo kale waa doqonimo ah in aad dowladaada u diido canshuur yar lakin aad ku dhaliisho in eeysan qaban mashaariic waaweeyn oo dowli ah. ma waxaad dooneysaa in dowladaadu eey dewersato oo markaas dadkii deynta siiyey in eey danohooda fuliso ku qasbanaato?