April 19, 2026

1.waa maxay valentine’s day ama maalinta jacaylka adduunka?
waa maalin la xuso 14 bisha febraayo sanadkasta adduunka intiisa badan. maalintaan waxaa loo yaqaanaa maalinta valentine (falantaaynis dheey) ama maalinta ninka loo yaqaano valentine. soomaaliduna waxa eey ugu yeertaa maalinta jacaylka adduunka.
2.waa maxay asal ahaan taariikhda maalinta valentine’s day?
waxaa jira sheekoyin badan oo ku saabsan taariikhda maalintaan. sheekooyinka qaar ayaa sheegaya in maalintaan eey kasoo jeedo roomaaniyiintii hore oo u dabaal degi jirey waqtigaan oo kale ilaaha dhalmada, waxaa kale oo la sheegaa in eey kasoo jeedo maalintaan giriigii hore oo xusi jirey ilaaha jacaylka.
sidoo kale waxaa la sheegaa in valentine uu ahaa qof noolaa qarnigii sedexaad ee miilaadiga ee uusan eheyn wax khayaali ah.
waxaa kale oo lasheegay in sheekada ku saabsan ninkan valentine uu alifey nin gabyaa ahaa oo eeysan ahayn wax xaqiiq ku saleysan.
isku soo wada duub oo munaasabadaha eey dadka masiixigu dhigtaan badankood waxa eey sal ku leeyihiin dowladdii hore ee roomaaniyiinta ayada oo markii eey roomaaniyiintu masiixiyada qaateen eeysan ka tanaasulin waxyaalihii hore oo markii eey mushrikiinta ahaayeen ku dhaqmi jireen.
3.Waa kuma ninka maalintaan loogu magac daray ee valentine?
Sheekada ku saabsan cidda uu yahay valentine waa sheeko is qilaafsan ayada oo la sheego ilaa iyo sedex nin oo kala duwan oo sida eey sheegaan shahiidey 14 febraayo waqtiyo kala duwan oo kala fog, lamana oga midka eey ku saabsantahay maalintaan Lakin waxaa loo badiyey in uu yahay nin dhintay 269 ilaa 273 miilaadiga.
4.Muxuu sameeyn jirey ninkaan valentine?
Sidoo kale ma cadda sababta uu ku muteystay in la xuso ninkan valentine ayada oo eey jiraan sheekooyin is qilaafsan oo ka hadlaya waxa uu sameeyn jirey ninkaani. sheekooyinka qaar ayaa sheegaya in ninkani uu masiixiyiinta difaaci jirey xili la gumeysan jirey. halka qaarkood sheekooyina eey sheegaayaan in uu isu guuri jirey askarta oo eey xiligaas mamnuuc aheyd in eey is guursadaan. sheekooyin qaarna waxa eey sheegayaan in uu jeclaaday gabar uu dhalay boqor ka mid ahaa boqoradii roomaaniyiinta  sidaas darteedna loo diley.
5.Goorma ayaa la bilaabay in la xuso maalintaan?
Sida la sheegay marar badan  ayaa la sharciyeeyey in la xuso maalintaan marar badana waa la mamnuucay lakin waxa eey caan baxday maalintaan kun iyo boqol sano (1100) kadib markii la shegay in uu dhintay ninkaas.
6.Waa la gartay reer galbeed iyo kirishtaan ee dadka kale maxay rabaan?
Kadib markii eey reer galbeedku dadkii gumeysteen dhinac walba, waxaa eey  ka dhaadhiciyeen dadka in wax kasta oo eey sameeyaan reer galbeedku eey yihiin ilbaxnimo. ayada oo ilaa iyo hadda reer galbeedku eey hogaanka u hayaan dhinacyo badan oo nolosha ah sida dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo weliba warbaahinta caalamiga ah sida tv-yada idaacadaha, filimada iyo weliba internetka.
7. ma jiraan wadamo aan laga xusin maalintaan?
waxa eey mamnuuc ka tahay waadamo badan oo caalamka ah in la xuso maalintaan sida sacuudiga, pakistan, malaysia, gobolo kamid ah indonesia, gobolo ka mid ah ruushka iyo hindiya oo aad loogu ololeeyo in laga manuuco xuska maalintaan..
8.waa maxay ujeedada laga leeyahay
dad badan ayaa aaminsan in eey maalintani tahay munaasabad diineed. halka kuwa kalena eey aaminsanyihiin in eey tahay dhaqamo shisheeye. lakin waxaa xaqiiqda u dhow in maalintani eey tahay maalin ganacsi, ayada oo dadka maalintaan aadka u buunbuuniya eey ugu horeeyaan shirkado caalami ah oo ujeedadoodu tahay in eey alaab ka iibiyaan dadka, ayaga oo adeegsanaya warbaahinta oo ayadana inteeda badan dhaqaalo raadis ah.
la wadaag asxaabtaada

Leave a Reply