marka laga reebo dhimashooyinka eey sababeen dagaalada ka socda wadamada siiriya, ciraaq iyo yaman iyo kii ka dhacay filibiin, kuwaas oo aan lagu tilmaami karin hal dhacdo maadaama eey meela kala duwan ka dheceen waqtiyo kala fogfogna dheceen, waxaa jira dhacdooyin badan oo sanadkan dhacay muddo gaaban guduhood kuwaas oo eey dad badan ku naf waayeen. madaama maanta eey tahay maalintii ugu dambeeysey sanadka 2017, waxa aan go’aansanay in aan idiin soo gudbino dhacdooyinkii ugu dhimashada badnaa sanadka 2017. 1. xasuuqii rohingya (3000 laba maalin gudahood) xasuuqii lagula kacay muslimiinta qoomiyadda rogingya-ha waxaa la sheegay in lagu diley 3000 oo ruux muddo laba maalin gudahood ah, halka bishii agoosto oo kali ah eey ku dhinteen dad ka badan 5000 ayada oo la sheegay dadka rohingyaha ah oo la diley sanadkan eey gaarayaan 14000. 2.daadad koofur bari aasiya (ugu yaraan 2200) daadad ka dhacay qeeybo ka mid ah india, bangladesh iyo nepal waxaa la sheegay in eey ku dhinteen dad ka badan 2200 ayada oo aan tirada rasmiga ah la heynin maadaama meelaha qaar eey daadadku ka dheceen aan la gaari karin iyo wadooyinka qaar oo xirmey waxaana qasab ah in tirada dhimasha eey intaas ka badan tahay. 3. BRD hospital india (1400) isbitaal ku yaal wadanka india ayaa la sheegay in eey ku dhinteed caruur ka badan 1400 sanadkan gudihiisa ayada oo la shegay in bishii agoosto oo kali ah eey ku dhinteen caruur ka badan 300. madaxda isbitaalka ayaa sheegay in shirkadii oksijiinka siinjirtey eey ka goosatay halka shirkaduna eey inkirtay arintaas. 4. daadakii sierra leone (1050) daadad iyo dhul soo dumey wadanka sierra leone ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 1050 ayada oo dad boqolaal ahna weli la weysanyahay nolol iyo geerina aan weli lagu heyn. 5. dhul gariir ka dhacay iran (650) dhul gariir ka dhacay xuduudka eey iiraan la leedahay wadanka ciraaq ayaa la sheegay in dadka ku dhintay eey ka badanyihiin 650. 6. qaraxii soobe muqdisho (500) qaraxii loogu magac daray qaraxii soobe ama qaraxii 14 october waxaa la sheegay in eey ku dhinteen dad ka badan 500 ayada oo eey adagtahay in la ogaado tirada dhabta ah ee dadka dhintay. 7. dhulgariir maksiko (370) dadka ku dhintay dhulgariir ku dhuftay wadanka maksiko ayaa la sheegay in eey ka badanyihiin 370 8. daadad kolombiya (330) roobab iyo duufaano ka dhacay wadanka kolombiya ayaa la sheegay in dadka ku dhintay eey ka badanyhiin 330. 9. qaraxii siinaay (320) qarax iyo risaas ka dhacday masaajid ku yaala masra ayaa la sheegay in eey ku dhinteen dad ka badan 320. 10. xasuuqii muusil (in ka badan 300) duqeyn eey ka geysteen ciidamada xulafada mareykanku magaalada muusil ee ciraaq bishii maarso ee sanadkan ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 300 oo shacab ah ayada oo la sheegay guud ahaan muusil in eey ku dhinteen dad ka abadan 11000 oo qof intii howlgalkaasu socday. waxaa xusid mudan in dhacdooyinkaas oo leysu geeyey eey ka badantahay tirada ku dhimatay wadanka siiriya sanadkan taas oo lagu qiyaasay in eey ka badan tahay 41000 (afartan iyo kow kun oo ruux).