April 19, 2026

buuggaan loogu magac daray “dab iyo caro: gudaha aqalka cad ee trump” ayaa ah buug eey saxaafaddu aad u hadal heyso maalmihii lasoo dhaafay.
hadaba buugani muxuu yahay?
⦁ buuggani waxa uu ku saabsan yahay dhaqamada ka jira gudaha aqalka cad ee looga taliyo mareykanka haddii eey ahaan leheed madaxweyne trump ruuxiisa iyo qooyskiisa ama dadka la shaqeeya ee madax iyo shaqaaleba isugu jira.
⦁ buugani magaciisa “dab iyo caro” waxa uu ka yimid hadal uu madaxweyne trump u jeediyey waqooyiga kuuriya oo uu ugu hanjabey “dab iyo xanaaq”.

⦁ waxaa qoray nin lagu magacaabo Michael Wolff oo saxafi ah oo sheegay in madaxweynuhu u ogolaaday in uu galo aqalka cad kadibna uu arimahiisa wax ka qoro inkasta oo madaxweynuhu beeniyey arintaas.
⦁ ninkan buugga qoray waxa uu sheegay in uu hayo wareysiyo duuban oo ka badan 200 oo cadeynaya in arimaha uu buugga ku qoray eey sax yihiin.
⦁ buuggaan waxa uu noqday buug aad eey dadku u iibsadaan ayada oo la sheegay in maktabadihii eey dabooli waayeen dalabaadkii dadweynihii u oomanaa in eey akhristaan buuggaas.
⦁ qareenada madaxweyne trump waxa eey isku dayeen in eey joojiyaan in buuggaas lasoo saaro lakin kuma eeysan guuleysan ayada oo laga yaabo in eey dacwad ka gudbiyaan ninka qoray buugga.
buugga maxaa ku qoran?
⦁ in madaxweyne trump, qoyskiisa iyo daka u ololeynaayey in uu madaxweyne noqdo eeysan fileyn, eeysana dooneyn in ninkaasi uu madaxweyne noqdo sidaas darteedna eey asaga, xaaskiisa iyo caruurtiisuba eey aad uga nexeen wax eey ciyaar u maleynayeen oo dhab ku noqday.
⦁ sidoo kale buuggu waxa uu ka sheekeynayaa kulan dhexmaray kooxda ololaha trump iyo koox ruush ah arintaas oo iftiimineysa arin horay looga shakisanaa oo aheed in ruushku uu lug ku lahaa guusha madaxweyne trump.
⦁ buuggu waxa uu ka sheekeynayaa in dadka ka shaqeeya aqalka cad dhamaantood eey u heystaan in madaxweyne trump uu yahay nin aan ku habooneeyn ama aan u qalmin jagada uu hayo. waxa eeyna dadkaas aaminsanyihiin in uu u dhaqmo sida carruurta ama canug sagaal jir ah.
⦁ waxaa kale oo uu buuggu ku eedeynayaa in madaxweynaha eey ku adagtahay in uu wax akhriyo ama wax fahmo xataa haddii eey ahaan leheed dastuurka wadanka, kaas oo lagu daaley in laga dhaadhiciyo madaxweynaha.
⦁ buuggu waxa uu su’aal gelinayaa garashada iyo aqliga madaxweynaha iyo sida uusan u awoodin in uu diiradda saaro arimo badan oo muhiim ah.
⦁ waxa uu sheegayaa in madaxweynuhu uu aad uga baqo in la sumeeyo sidaas darteedna uu maqaayadaha aan laga filaneyn uu cuntada ka cuno.
⦁ buuggu waxa uu ka sheekeynayaa in madaxeynuhu sheegay in uu asagu ka dambeeyey xirxiritaanka madax badan oo sacuudiyan ah iyo in uu ka dambeeyey in la magacaabo dhaxalsugaha cusub ee maxamed bin salman.
⦁ sidoo kale waxa uu ka sheekeynayaa in gabadha madaxweynaha Ivanka eey leedahay hammi siyaasadeed oo ah in eey isu soo sharraxdo madaxeynaha mustaqbalka iyo in labada wiil ee madaxeynaha, aqalka cad looga yaqaano cudey iyo quseey oo loogu magac daray labdii wiil ee saddam xuseen.
⦁ sidoo kale buuggu waxa uu soo xiganayaa dad badan oo ka mid ah dadka ku hareereysan madaxweynaha oo aflagaado usoo jeedinaya madaxeynaha sida kuwo tintiisa wax ka sheegaya, kuwo doqon ku tilmaamaya iyo kuwo si toos ah u aflagaadeynaya.
⦁ sidoo kale buuggu waxa uu ka hadlayaa dhaqamo kale oo uu leeyahay madaxweynuhu sida in uu sariirka karkeeda hamburger ku cuno, in eey seddex shaashadood qolka u yaalaan iyo in asaga iyo xaaskiisu eey laba qol kala seexdeen.
⦁ sidoo kale waxa uu buuggu soo xiganayaa hadalo uu madaweynuhu ku hadaaqay oo aan habooneyn in aan kalkaan kusoo gudbino.
ogow intaan oo kali ah ma ahan buugga waxa ku qoran ee waa eey ka balaaranyihiin lakin intani waa inta eey saxaafaddu aad u hadal heyso.

Like this:

Leave a Reply