April 19, 2026

Robert mugabe oo madaxweyne ka soo ahaa waddanka zimbabwe muddo 37 sano ah ayaa lagu qasbay in uu xukunka isaga dego kadib markii eey ciidamada milateriga wadankaas  afgembiyeen kadibna eey ku qasbeen in uu xilka isaga dego.
madaxweyne mugabe waxa uu ahaa nin aad aftahan u ah, aadna u hadala kulul gaar ahaan hadalada ku aadanaa gumeystihii hore ee ingiriiska.
mugabe waxa uu ahaa nin reer galbeedka neceb  ayaguna eey necebyihiin taasna waxa eey keentay in markasta eey hadalo kulul hawada isu marsiiyaan.
hadaba hadalada uu hawada u marsiiyey gumeystaha reer galbeedka waxaa ka mid ah.
1. “xisbigeenu waa in uu sii wadaa in uu cabsi ku garaaco qalbiyada dadka caddaanka ah. waa cadawgeena dhabta ah”.
2. “qaar naga mid ah ayaa yaabay haddii eeysanba argagixin, ….. jaaluut ayaa dhexdeena kusoo laabtay kaas oo ku hanjabaya in uu cirib tiri doono wadamo kale”. (waa xiligii uu trump ku hanjabay in uu kuuriyada waqooyi dhulka ku dari doono)
3. “afrika waa in eey dib ugu noqotaa sidii eey horay u eheed inta aan gumeystuhu kala qeybin. kuwani waa qeybin gacan ku rimis ah oo aan raadin doono in aan wareejino”
4.”waxaan si isku mid ah u diidannahay isku dayga ah in nalagu qasbo xuquuq cusub kuwaas oo lid ku ah dhaqamadeena iyo caqiidadeena. anagu ma ihin qaniisiin”
5.”dhulkeena waan usoo dagaalanay. madaxbanaanideena waan usoo dagaalanay. inkasta oo aan yareyn xornimeedna waan ku guuleysaney”
6. “waxaan dooneynaa in isirkeenu sii socdo, taasna haween ayey ka imaaneysaa ee kama imaaneyso qaniisnimo… waxa eey ka liitaan eeyaha iyo doofaarada, waxaan hayaa in doofaarka labka u ka yaqaano kan labka midka dhadig”.
7. “mudane Bush taariikhda si sax ah ha u akhriyo, hana ogaado… in uu matalo xadaarad, taas oo qabsatay oo gumeysatey oo xirxirtey oo dishey. waa in uu wax badan gudo ee ma ahan in uu noogu qudbeeyo ku dhawaaqidda xuquuqul insaanka caalamiga ah. gacmihiisa waxaa ka dhibcaya dhiigga biri mageydo qoomiyado badan ah”.
8. “maadaama uu madaxweyne obama xayeysiinayo in dadka isku jinsiga ah eey is guursadaan, uuna qaniisnimo u ololeynayo, uuna ku faraxsanyahay, haddii eey lagama maarmaan noqoto washinton ayaan u safrayaa, waan jilba jabsanayaa, guur ayaana weydiisanayaa asaga”.
9. “aniga weli waxaan ahay hitler-ka casrigaan. hitler-kaan waxa uu leeyahay hal ujeedo, cadaalada dadkiisa, qaranimada dadkiisa, aqoonisa madaxbannaanida dadkiisa iyo xaqa eey u leeyihiin hantidooda taas haddii eey hitler-nimo tahay hadaba aan ahaado hitler toban jibaaran”.
10. “hadaba Blair, ingiriiskaada heyso anigana ii daa aan zimbabwe deyda heysto e”
11. “Obama afrika ayuu yimid asaga oo dhahaya afrika waa in eey ogolaato in qaniisiintu isguursadaan, ilaah dhulka ayuu burburiyey dembiyaddaan dartood. aroos waxa uu ka dhex dhici karaan nin iyo naag”.
12. “ma doonayo in aan arko nin cadaan ah” (waa xilli uu damcay weriye cadaan ah in uu su’aal weydiyo)
13.”dahabkii ayaad ka qaadateen markaas baad godad uga tagteen wadankeyga”
14.”waxaa nalagu qasbayaa in aan aqbalno …. in uu jiro hal ilaah siyaasadeed kaas oo ah  George w. bush, tony blair-na uu yahay rasuulkiisii” ( waa madaxweynihii hore ee mareykanka iyo raiisul wasaarihii hore ee ingiriiska)
15.”markii eey timaado donald trump oo ka hadlaya casabiyad wadaninimo oo ah amerika amerikan ayaa iska leh, taas waan isku raacsanahay, zimbabwe zimbabwean ayaa iska leh”.

Leave a Reply