sheekh khaalid yaasiin waa wadaad u dhashay dalka mareykanka. ahna nin wadamo badan u aada in uu ka khudbeeyo oo faafiyo diinta islaamka. waxa aan ka diyaarinay dhowr xigasho oo aan ugu talo galnay in aan idin la wadaagno waxaana ka mid ah: “nin hal il leh waxa uu boqor ka yahay dhulka indhoole yaasha” “salaada subax waxaa iska leh askarta” “dadka qaar cunto ma heystaan, laakin kuwa cuntada heysta waxa eey doonayaan carfis”. “sidee qofku ku aqoonsanayaa askariga hadii uusan tuute wadan? sidee dadku idinku aqoonsanayaan in aad muslimiin tihiin haddii aadnaan xiran leebiska sunada”
“sidee bini aadam ugu noolaan karaa si sharaf leh haddii eey qoorta u saarantahay culeyska deynta?” “faqriga waxaa qorsheeyey tuugo lebisan” “waxaa mudaaharaada dadka iimaankoodu daciif yahay” “haddii adan wanaag sameysan sidee u filan kartaa in wanaag laguu sameeyo” “waa sharaf miyaa in aad wadankaada difaacdo in aad muslimtahay mooyee?” “nin iyo naag wey siman yihiin ilaahey hortiisa lakin isku mid ma ahan” “ma ahan in aad is weydiiso sababta eey u qorsheeynayeen in eey dilaan ninkaan ( malcolm x) maxaa yeelay cadawga ilaaheey ee maalintaas waa isla cadawga ilaahey ee maanta” “markasta oo aad majuujiso cinabka waxaa ka imaanaya cabitaan, markasta oo aad islaamka necbaatana wuu sii koraa, marka iska wada naceybka” “islaamku wuu qurux badan yahay. islaamkuna wuu dhuuqsanyahay, waana sababta eey u weydiinayaan (gaaladu) hal su’aal 20 kii sano ee lasoo dhaafay, mana doonayaan jawaabta ee waxa eey rabaan sabab eey ku diidaan islaamka” “ha noqon caalami oo aad markaas gurigaada iridiisa qashinka ka qaadi weyso” “muslimiintu waa in eey is bedelaan inta eeysan bedelin bulshooyinka” “boorsada dhaqanka is ka dhig qolka gadaale” “argagixisanimadu waa eray ku cusub reer galbeedka oo yimid labaatankii sano ee lasoo dhaafay. lakin argagixisanimada caalamka kale waxa eey eheed mid iska cad oo sheydaanimo ah labadii boqol ee sano ee lasoo dhaafay” “duunyo ayaa la idinku casuumey lakin diinta dadka kuma casuumi kartaan” “qashinka ayey idinkugu wacayaan lakin uguma wici kartaan qasnada islaamka” “waa in aan is xushmeynaa oo aan isu dul qaadanaa xataa haddii aan si culus isu qilaafsanahay” “haddii aadan garaaci karin bustahaada salaada subax ma garaaci doontid wax cadaw ah” “dembi waa dembi haddii uu sameeyo qof wax bartay oo casri ah iyo haddii uu sameeyey qof jaahil ah oo aan casri eheyn” “qabyaaladaan kugu jirta dil inta eeysan ku dilin” “adduunku mar kasta waxa uu sugayaa xal, xalkaasna islaamka ayaa keenay” “muslimiinta dhamaan carab ma ahan carabta dhamaana muslimiin ma ahan. yuhuudda dhamaan sahyuuniyad ma ahan, sahyuuniyadda dhamaanna yuhuud ma wada ahan” “ninka Brooklyn waad kasoo bixin kartaa laakin Brooklyn ninka kama bixin kartid” (brooklyn waxa eey ku taal newyork mareykanka). “islaamku waxa uu xabsi ugu jiraa qabyaaladda muslimiinta” “islaamku waa nadaam ilaahey aasaasay, quraankuna sugay, nolosha nabigana kasoo muuqatay, islaamkuna waa habka ugu wanaagsan.”