April 19, 2026

waxaa jira wadamo badan oo magacyadoodu aad isugu egyihiin, kuwaas oo xataa qofki bartay ee horay u ogaa eey fududahay in uu qalad ku galo.
madaxweyne donald trump ayaa ka sheekeeyey wadan afrika ku yaal oo la yiraahdo Nambia. Nambia ma ahan wadan jira lakin waxa laga yaabaa in uu kala jeedey gambia, zambia ama namibia midkood.
waxaa laga yaabaa xataa mararka qaar qof wadan kale u socdey in uu galo dadan kale qalad xaga qoraalka ah darteed hadaba wadamadaas waxaa ka mid ah:
1.Australia waa qaarad gooni ah. Austria waa wadan ku yaal yurub.

2. niger iyo nigeria labaduba waa afrika waxaa loogu magac daray webiga niger.
3. ghana waa afrika guyana waxa eey ku taal koofurta america.
4. romania waxa eey deris la tahay hungary, halka armenia eey deris la tahay turkiga.
5. zambia iyo gambia labaduba waa afrika
6. czech waa bartamaha yurub. chechnya waxa eey ka tirsantahay ruushka.
7. american virgin iyo british virgin labaduba waa labo jasiiradood.
8. R congo iyo DRC congo waa labo afrikan ah derisna ah.
9. guinea iyo equatorial guinea iyo guinea bissau kuligood waa afrikan dhaca galbeedka iyo bartamaha afrika. halka papua new guinea eey ku taal qaarada australia.
10. dominica iyo dominican republic waa labo wadan oo jasiirado ah.
11.samoa iyo american samoa waa jasiirado.
12. slovakia iyo slovenia labaduba waxa eey xuduud la leehiyiin hungary.
13.uruguay iyo paraguay waa labo wadan oo dhaca koofurta america.
14. mauritania waa waqooyiga afrika halka mauritius eey tahay jasiirad ku taal badweynta india.
15.switzerland waa yurub. swaziland waa afrika.
16. tajikistan, uzbekistan, kazakhstan, turkmenistan, kyrgyztan kuligood waa wadamo ka tirsanaajirey midowgii soviet halka afghanistan iyo pakistan eey yihiin wadomo gooni ah.

Leave a Reply