maalmihii lasoo dhaafay waxa eey saxaafaddu aad u hadal heysey fadeexad soo wajahdey shirkadda facebook taas oo la sheegay in xogta malaayiin dad ah oo isticmaala facebook si qalad ah eey u isticmaaleen shirkado kale. hadaba sidee wax u dheceen?
fadeexaddu inteeda badan ma quseyso shirkadda facebook ee waxa eey quseysaa shirkad kale oo loo yaqaano combridge analytica. haddaba si aan u ogaano meesha eey facebook fadeexaddan kasoo gashay waa in aan wax badan ka ogaano shirkadda combridge analytica oo la sheegay in eey isticmaashay xogta dad badan oo isticmaala facebook-ga. waa maxay shirkaddan combridge analytica? shirkaddaan waxa eey xarumo ku leedahay wadamo dowr ah. waana shirkad eey kireystaan shaqsiyaad siyaasiyiin u badan iyo dowlado si eey ugu qabato arimo badan oo eey ka mid yihiin: -xog aruurin, tirakoob iyo xog qiimeyn. -borobagande iyo xayeysiimo. -warar been ah in eey ka faafiso qofka loo kireystey. -in eey codbixiyeyaasha fikradohooda bedesho. -in musharixiinta qaar eey been ka faafiso si kuwa kireystey eey fursad u helaan. -in eey u kala dalaasho siyaasiyiinta sidii eey isu laaluushi lahaayeen. – shirqoolid iyo sharaf dilid iyo arimo badan oo aan lasoo koobi karin qaarkoodna aan afka ku habooneyn. shirkaddaan ayaa la sheegay in eey garab weyn ka geysatey doorashooyin badan sida in uu Donald trump ku guuleysto doorashadii mareykanka, in ingiriisku uu ka baxo midowga yurub iyo doorashooyin ka dhacay sida kenya iyo indonesia. shirkadu waxa eey sheegataa in eey boqolaal doorasho gacan ka geysatey ayada oo xataa mararka qaar laba qof oo iska soo horjeeda eey labaduba kireystaan ayaga oo aan war iska heyn. shirkadaan ayaa la sheegay in eey kireysteen raggii u ololeynayey doorashadii madaxweyne trump oo looga shakisanyahay in eey ruushku garab ku siiyeen in uu ka guuleysto hilary. shirkadaan yaa waxaa lagu eedeeyey in eey xariir la leedahay ruushka arintaas ayaana keentay in baaritaano lagu sameeyo, baaritaankaas ayaa waxaa soo if baxay arinta facebook. sidey u dhacday arinta facebook? waxaa soo ifbaxay in muddo laga joogo dowr sano, nin lagu magacaabo Aleksandr kogan uu sameeyey application (barnaamij yar) kaas oo ahaa barnaamij hal xiraale ah.waxa uuna sheegay in uu ugu talo galay cilmi baaris, facebook waxa uu fasax u siiyey in application-kaas loo ogolaado in facebook uu qeyb ka noqdo. lakin barnaamijkaas waxa uu keydinayey macluumaadka dadkii soo degsaday (soo download gareystay) iyo saaxiibadood (friends). macluumaadkii uu aruuriyey prograam-kaas ninkaasi waxa uu ka iibiyey shirkadda aan kor kusoo sheegnay ee combridge analytica. lama oga waxa eey u deegsatey shirkadaas macluumaadkaas lakin doodu waxa eey ku saabsantahay in dadkaas ayaga oo aan war ka heyn macluumaadkooda la isticmaalay. hadda maxaa xiga? facebook oo horay loogu eedeeyey in uu gacan weyn ka geeysto faafinta wararka beenta ah ayaa mar kale aad loogu dhaliilay in uu ilaalin waayey xogta dadka adeegsada facebook. waxaa aad hoos ugu dhacay qiimihii facebook afartan bilyan muddo dhowr maalmood gudohood ah. waxaana soo batay dad badan oo ku baaqaya in la qaadaco facebook iyo in la tiro, ayada oo laamaha dowladaha qaarna eey bilaabeen baaritaano la xariira arinta facebook. ninka iska leh facebook ee lagu magacaabo mark zuckerberg ayaa raali gelin ka bixiyey arintaas waxa uuna sheegay in eey eheed arin qalad ah ee ka dhacday ayaga, waxa uuna sheegay in eey sameyn doonaan qaabab cusub oo looga hortago in arintaas oo kale eey soo noqnoqoto ayaga oo qoran doona kumanaan shaqaale ah oo cusub. sidoo kale waxa eey shirkadda facebook sheegtay in macluumaadka la keydiyey eeysan ku jirin xog xasaasi ah sida passwords. dhanka kale arintii shirkadii combridge analytica baarintaano ayaa ku socda dhanka dowladda ingiriiska iyo dhanka dowladda mareykankaba waana la arki doonaa wixii kasoo baxa.