kadib markii aan qoraalo dhaadheer ka diyaarinay arimo eey ka mid yihiin TAARIIKHDA KHILAAFKA FALASTIIN, MUSLIMIINTA ROHINGYA iyo maqaalo kale oo aan ku faahfaahinay arimo fahankoodu adkaa sida KHILAAFKA AFRIKADA DHEXE iyo VENEZUELA , ayaa qaar akhristeyaasha ka mid ah naga dalbadeen in aan wax uga sheegno
TAARIIKHDA KHILAAFKA KASHMIIR
hadaba qilaafkani xaguu sal ku leeyahay? si aan u ogaano arintaas waa in aan kasoo bilawno taariikh aad u fog ee khilaafkaas sal ku leeyahay.
aan ka bilawno ee dabayaaqadii xukunkii gumeysigii ingiriiska ee wadanka indiya, meeshaan loo yaqaano jammu iyo kashmiir wuxuu ahaa dhul ka madax banaan gumeysigii ingiriiska ee india. waxaana dhulkan ingiriisku ka gatay oo uu ku wareejiyey boqortooyo loo yaqaano MAHARAJA taas oo inkasta oo ingiriisku kor kala socdey hadana u madax banaaneed arimaheeda.
waxaa lasoo garey 1947 oo ah xiliga ingiriisku uu xornimadii siiyey wadanka indiya isla markaasna eey indiya usii kala qeybsantay labo wadan oo kala ah indiya oo eey u badanyihiin dadka heysta diinta hinduga, iyo pakistan oo eey u badanyihiin dadka heysta diinta islaamka.
jammu iyo kashmir xiligaas waxaa xakumi jirey nin loo yaqaano HARI SINGH kaas oo fursad loo siiyey in uu go’aan gaaro in uu indiya ku biiro ama pakistan ku biiro ama iska madax banaanaado.
boqorkaas wuxuu jeclaaday in uu iska madax banaanaando lakin dhibka jirey ayaa waxa uu ahaa in dadka uu xakumayey ee waqtigaas ku noolaa jammu iyo kasmir eey boqolkiiba 80 ahaayeen muslimiin, muslimiintina raali kuma noqon arintaas.
dagaalo ayaa ka dhex bilaawday muslimiintii iyo dowladii ayada oo la sheegay dowladii in eey awood u adeegsatey dadkii muslimiinta ahaa, dad badana eey ku gumaaday meeshaas.
hadaba dagaaladii wey sii xoogeysteen waxaa kusoo biiray beelo muslimiin ah oo horleh, kuwaas oo india eey ku eedeyneyso in pakistaan eey soo hubeysay, halka pakistana eey leedahay dadkaasu waxa eey ahaayeen dad u dhashay gobolkaas.
wuxuu dagaalkii sii xoogeystaba boqorkii waa laga awood batay oo waxaa laga qabsaday caasimadiisii, boqorkiina wuu cararay oo wuxuu u galay india asaga oo weydiistey garab iyo caawimaad, asaga oo sheegay in pakistan eey soo weerartay wadankiisiina ka qabsatay.
dowlada india in eey boqorkaas caawiso waxa eey shardi uga dhigtay in uu wadankiisa jammu iyo kashmir oo dhan uu kusoo wareejiyo india, kadibna indiya eey difaacandoonto madaama lagu soo wareejiyey.
boqorkii wuxuu u saxiixay indiya in jammu iyo kashmir eey ka mid yihiin indiya.
indiya dagaal ayey soo qaaday dagaalkaas oo ka bilawday airaporka caasimada wadanka ee Srinegar halkaas oo eey dib uga soo riixday qabaa’ilkii meelihii eey qabsadeen.
pakistan waxa eey hindiya ku eedeeysay in ciidamadaas dagaalka soo qaaday eey ahaayeen kuwo horay usii joogey airporka, lakin hindigu waxa eey leeyihiin ciidamadaasi diyaarado ayaa lagu keenay.
pakistan waxa eey sheegtay in ku wareejinta hindiya uu ku wareejiyey kashmir qoqor laga xoog batay eeysan waxba ka jirin ayada oo aan la weydiinin dadka meesha degan eeysan suurtagal eheyn in hindiya lagu biiriyo.
dagaalkii u dexeeyey dowlada indiya iyo qabaa’ilkii wuu sii socdey, ayada oo pakistan markii hore eey hubeyneysey qabiilada lakin markii eey aragtay in laga soo xoog batay eey dagaalka too u gashay ayada oo ku marmarsiinyooneysa in eey difaacaneyso xuduudeheeda.
xabad joojin ayaa dhacday ayada oo hindiya eey qabsatay qeybta ugu badan ee wadankii jammu iyo kashmir, pakistan iyo qabiiladuna eey qabsadeen qeyb ka mid ah.
qaramada midoobey ayaa arintii loo bandhigay waxa eeyna go’ aamisey in pakistan eey dhulkaas isaga wada baxdo indiyana eey codeyn u qaado dadka meesha degan haddii eey rabaan in eey indiya ku biiraan iyo haddii kale.
pakistan waxa eey sheegtay in eeysan suurtagal eheyn dadka ku nool qeybta india heysato in eey u codeeyaan in eey pakistan ku biiraan ayada oo indiya xoog ku heysato . indiyana waxa eey sheegtay in pakistan oo wadankii qeyb ka heysata eeysan suurtagal heheyn in cod la qaado.
waqtigaas kadib waxaa dhacay dagaalo badan oo u dhexeeya india iyo pakistan ayada oo leysku hor fadhiyo meel looyaqaano LOC oo noqotay xuduuda kashmir qeybta indiya iyo tan pakistan ilaa iyo maanta.
dagaal dhex maray indiya iyo shiinaha 1962, shiinuhu wuxuu indiya ka qabsaday qeb ka mid ah dhulkii leysku heystey, ilaa iyo hadana shiinaha ayaa maamula.
sidaas darteed maanta dhulkii jammu iyo kashmir waxaa uu u kala qeybsanyahay hindiya oo heysata boqolkiiba 45, pakistan oo heysata boqolkiiba 35, iyo shiinaha oo heysta boqolkiiba 20 uu hindiya ka xoogey.
maanta qebta shiinuhu heysto akhbaarta laga hayaa aad ayey u yartahay, dadka degana ma badna, waana dhul buuro ley ah.
pakistan qeybtii eey qabsatay waxaa loo yaqaanaa azad kahmir taas oo macneheedu yahay kashmiirta xorta ah. waxa eeyna u sameysay maamul ayadu eey sheegtay in uu xor u yahay taladiisa, lakin indiya eey ku eedeyneyso in uu hoos tago pakistan. waxa eeyna u taqaana indiya qeybtaas POK oo ah kashmirta pakistan heysato. dadka qeybtaas degana waxa eey u badan yihihii muslimiin.
qebta pakistan heysato inkasyta oo eey dhibaatooyin ka jiraan waxa aad u moodaa in eey ka degantahay qeybta hindiya maamusho. dadka meeshaas ka yimidna waxa aad u moodaa in eeysan heysan tacadiyada qaar ee heysta qeybta indiya maamusho, inkasta oo eey jirto horumar la’ aan laga soo sheehayo dhankaas.
qeybtii indiya qabsatay waxa eey u sameysay maamul iyo madax kasoo jeeda gobolka lakin qeybtaas dadka degan waxa eey u qeybsanyihiin sedex degaan oo aan shaqo isku leheyn oo kala ah: jammu, ladakh iyo kashmir.
qeybta jammu boqolkiiba 70 dadka degan waxa eey u badan yihiin dad heysta diinta hinduga. intooda badan waxba kama qabaan in eey ka mid ahaadaan hindiya maxaa yeelay ayada ayaa uga roon pakistan. qeybtaas qalalaaseheedu ma badna waxaana degan dad lagu qiyaasay labo milyan.
qebta ladakh dadka degan ma badna waxa eeyna u badanyihiin dad heysta diinta budistaha waxaana dega rubuc milyan waana qebta ugu dadka yar.
qeybta kashmir waa qeybta dadka ugu badan eey ku noolyihiin qiyaastii afar malyan . qeybtaas dadka degan boqolkiiba 95 waa muslimiin.
qeybtaas kashmir ayaa ah qeybta qalalaasha ugu badan ka dhaco, maxaa yeelay qeybtaas dadka degan ma rabaan in eey hindiya ka mid ahaadaan.
qeybtaas kashmiir dadka degan waxa eey isugu jiraan dad raba in eey gooni isu taagaan iyo kuwa raba in eey pakistan ku biiraan.
qeybtaas waxaa ka dagaalama jabhado badan kuwa islaami ah iyo kuwa kaleba.
qeybtaas kashmiir waxaa laga soo tebiyaa tacadiyo eey geystaan ciidamada indiya kuwaas oo isugu jira kufsi baahsan oo loogu talo galay in dadka lagu cabsiiyo iyo dadka oo leyska dilo dad shacab ah ama kuwo aan waxba geysan si dadka loogu cabsiiyo. ayado oo ayaan dhoweed la helay qabuuro eey ku duuganyhihiin ku dhowaad seddex kun oo qof oo eey dileen ciidamad hindiya.
indiya waxa eey ku eedeyneysaa qalalaasaha in eey ka dambeeyaan dad ka yimid pakistan oo iska soo dhigay sidii dad degaan ah.
waxaa kale oo lasoo sheegayaa ciidamad indiya oo iska garaaca ilmaha iyo dumarka iyo ayaga oo dadka eey xiraan aan dib dambe loo arag. sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamadaas indiya ee militeriga eey dadka amar la’aan guryahay ugu soo dhacaan kadibna waxa eey rabaan ka sameystaan ayada oo welibana dastuurka wadanku uu u ogolaanayo in eey sidaas samey karaan.
wey adagtahay in laga helo kashmir warbixin dhexdhexaad ah ayada oo dagaalkaasi uu ka mid yahay dagaalo badan oo adduunka maanta ka socda ee lug ku leh muslimiinta sidaas darteedna eey adagtahay in uu jiro qof arintaas dhexdhexaad ka ah.
waxaa xusid mudan in dagaalkaas iyo kuwo kale ee adduunka ka dhacay uu ka dambeeyey ingiriiska oo siyaasadaas isku dirka wadamada eey ka mid noqotay siyaasadihiisa dagaalkii adduunka ee labaad kadib.
tusaale ahaan ingiriisku indiya iyo pakistan waxa uu dhex dhigay kashmir.
carabta iyo israel waxa uu dhex dhigay qudus.
halka uu somaliya iyo itobiya dhex dhigay ogaden, soomaaliya iyo keenyana dhex dhigay nfd.
waxaa sidoo kale xusid mudan in dhulka kashmir uu yahay dhul aad u quruxbadan oo buuro iyo webiyo farabadan leh, ayada oo dhulkaas in lagu dagaalamo eey aad u adagtahay sababta oo ah buuraha dheedheer iyo qabowga aadka u badan. waa kuwaan qaar ka mid ah sawirada dhulkaas laga soo qaaday.