April 19, 2026

taageerayaasha ururka xagjirka ah ee KARNI SENA ayaa banaan baxyo rabshado wata ka dhigay in ka badan lix gobol oo wadanka india ah.
ururkaan oo ah urur u ololeeya kala sareynta dabaqadaha bini’aadamka ayaa gubey guryo iyo gawaari (oo eey ku jiraan basas arday sidey), waxa eey burburiyeen hanti dowladeed iyo mid dadweynaba, waxa eeyna xireen goobo badan oo ganacsi iyo wadooyin , ayaga oo ka cabanaya soo saarista filim cusub oo loo yaqaan PADMAAVAT.
filimkaan ayaa la sheegay in uu ku saabsanyahay qiso la isku qilaafsan yahay in eey run tahay iyo in eey been tahay oo ku saabsan suldaan muslim ah oo weerar ku qaaday boqor hindu ah si uu u guursado xaaskiisa oo qurux badneyd.

sida qisadu sheegeyso suldaan muslim ah oo la oran jirey Calaa’udin khalji ayaa la sheegay in uu weerar ku qaaday boqor hindu ahaa oo la oran jirey Ratan sen si uu ugala wareego xaaskiisa labaad oo aad u qurux badney oo lagu magacaabi jirey Patmavat(oo filinka loogu magac daray), lakin sida qisadu sheegeyso raggii boqorku uu u talinayey waxa eey go’aan ku qaateen in eey dagaalamaan inta midka ugu dambeeya naftu ku jirto, halkaas ayeyna gebigood ku dhamaadeen, kadibna dumarkii ragoodu dhamaadeen sidoo kale waxa eey go’aan ku gaareen in eey ayagana dab isku tuuraan dhamaantood si aan boqorkaas soo duuley uusan u qabsan, dumarkaas oo eey ku jirtey xaaskii boqor ratan sen Padmavat, oo uu doonayey suldaan calaa’udin in uu guursado. sidaaas ayaana waxaa ku dhacday suldaan calaa’udin in uu qabsado meel cidlo ah oo dadkii ku noolaa dhamaadeen.
inkasta oo taariikhdu qoreyso in suldaan calaa’udin uu weerar ku qaaday boqor ratan sen sanadkii 1303, lakin sida la sheegay, in uu gabar darteed u sameeyey arintaas waxaa sheekada kusoo daray nin gabyaa ahaa oo la oran jirey maalik muxamad oo noolaa 200 oo sano kadib markii dagaalkaasu dhacay asaga oo gabay uu tiriyey ku daray xoogaa sharaxaad ah taas oo ah in sababta suldaanku uu u weeraray boqorka eey eheed in uu suldaanku jacayl u qaaday xaaska boqor Ratan.
filimkaan oo uu sameeyey ninka loo yaqaano sanjay leela eeyna wadaan jilaayaasha kala ah deepika, shahid iyo ranveer ayaa muddo buuq ka taagna ilaa iyo maalintii duubistiisu bilaabatay laba sano kahor halkaas oo dowr mar eey qalalaaso filinkaas la xariira oo eey dad ku dhinteen ka dheceen meela kala duwan, lakin ugu dambeyntii guddiga faafreebka filimada waxa eey go’aan ku gaareen in lasoo daayo filimkaas kadib markii laga jaray qeybo badan oo laga baqanayey in eey dhibaato abuuraan.
inkasta oo kooxaha hinduuuga eey ka mudaaharaadayan qaabka filimka loogu matalay gabar boqorad hindu ah, lakin waxaa la sheegay in ninka filimka sameeyey oo hindu ah uu gefweyn ku sameeyey qaabka uu u matalay suldaan calaa’udin oo ahaa nin aad u awood badan lana sheegay in uu yahay ninka ka badbaadiyey in magooliyiintu qabsadaan indiya xiligii uu noolaa.
filimka ayaa la sheegayaa in uu meel kadhac ku yahay muslimiinta maadaama uu ku saabsanyahay atoore hindu ah iyo laadar muslim ah oo aad u dhaqan xun, lakin muslimiinta wadankaas india ayaan weli wax jawaab ah kasoo saarin ayada oo waayadan muslimiinta indiya aad caburis loogu haayey wixii ka dambeeyey markii uu talada wadanka la wareegey xisbiga loo yaqaan BJP(xisbiga dadweynaha india).

asxaabtaada la wadaag

Leave a Reply