April 19, 2026

waa wiilka uu dhalay boqorka sacuudi carabiya boqor salmaan ee muxamad bin salman ahna dhaxal sugaha boqortooyada sacuudi carabiya.
waxa uu soo qabtay jagooyin kala duwan inta aan aabihiis la wareegin boqortooyada sanadkii 2015, markaas kadib oo uu u noqday aabihiis lataliye, sidoo kalena loo magacaabay wasiirka difaaca.
wixii intaas ka danbeeyey waxaa lagu xaman jirey in uu yahay ninka kali ah ee asagu go’aamada gaara uuna indho u yahay aabhihiis oo ah nin da’ ah waa boqor salman e.
waxaa xigey in bartamihii sanadkii 2017 loo magacaabay dhaxal sugaha boqortooyada ayada oo ninkii xilkaas u mgacawnaa laga xayuubiyey jagadaas sabab la’ aan.
hadaba muxamad bin salman oo magaciisa loosoo gaabiyo MBS muxuu ku eedeysanyahay?
xasuusnaw in uu ninku yahay lataliyaha boqorka, wasiirka difaaca, boqorka mustaqbalka, uuna ka tirsanyahay gudiyo kale oo loo xilsaaray in eey shaqooyin kale qabtaan.
13-ka arimood ee lagu dhaliilay
1.horboodidda xulufo dagaal ooge yaal ah

xulufada uu hor boodayo muxamad bin salman ayaa lagu eedeeyey in eey dagaal oogeyaal yihiin ayaga oo wadamo badan horay dagaal uga galay sida suuriya, yamen, ciraaq ilaa iyo liibiya lagana yaabo in eey mustaqbalka dhow dagaal la galaan wadamo badan oo eey ka mid yihiin iiraan, itobiya iyo weliba suudaan.
2.natiijadii dagaalkii yaman
dagaalkii muxammad bin salman iyo xulufadiisu eey ku qaadeen wadanka yaman ilaa iyo hadda wuu socdaa, waxaa ku dhimatay kumanaan, waxaa go’doonsan kumanaan, yemen oo dhanna dhulka ayaa lagu daray, wax natiija ahna lagama gaarin ayada oo awooddii xuutiyiinta eeysan weli is dhimin welina eey sii socdaan dagaaladii sokeeye.
3.qalalaasihii siyaasadeed ee lubnaan
MBS ayaa isku deyey in uu qalalaase siyaasadeed ka abuuro wadanka lubnaan kadib markii uu cadaadis ku saaray in uu is casilo ra’iisul wasaaraha wadankaas ee sacad xariiri, inkasta oo uu muddo kadib ka laabtay is casilaaddii kadib markii eey wadamo badan oo faransiisku ka midyahay cadaadis ku saareen in uu ka laabto is casiladiisii.
arintaas ayaa laga baqanayey in eey dib usoo nooleyso qilaafkii muddo dheer wadankaas ka socdey ee u dhexeeyey suniyiinta, shiicada iyo masiixiyiinta.
4.caadiyeyta xariirka israel
muddooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxaa laga ifbaxayey xariiro qarsoodi ah oo dhexmarayey madaxda sacuudiga iyo maamulka israel. sidoo kale waxaa soo muuqday wareysiyo eey saxaafada sacuudigu la yeelatay masuuliyiin ka soo jeeda israel arintaas oo ah arin ugub ku ah caalamka carabta ayada oo waayadii hore xataa qofkii booqda israel aan loo ogolaan jirin in uu wadamada carabta booqdo.
sidoo kale waxaa jira cadaadis la sheegay in la saaray madaxda falastiiniyiinta iyo xataa warar sheegaya in la doonayo in falastiin oo dhan israel loo saxiixo, falastiiniyiintana la dejiyo dhul cusub oo looga iibin doono waddanka masar.
sidoo kale xariirka sacuudiga iyo israel ayaa soo wanaagsanaanayey muddooyinkii ugu dambeeyey ayada oo sacuudigu ku marmarsiinyoonayey in qatarta shiicada iiraan eey ka darantahay qatarta yahuuda.
5.taageeraha jabhado meela badan oo adduunka ah
waxaa la sheegay in in sacuudigu taageero jabhado badan oo ka jira adduunka dacaladiisa haba ugu badnaadaan wadamada carabta iyo qeybo ka mid ah afrika.
inkasta oo aan arintaas MBS oo kali ah lagu eedeyn karin sacuudiguna weligiis ku eedeysnaa taageeridda jabhadaha lakin mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxayey kooxo sacuudigu si gambasho la’aan ah u taageerayey sida wadamada liibiya, yaman iyo siiriya.
6.xirxirida madax iyo ganacsato badan
waxaa la sheegay in kadib markii uu xilka qabtay uu xirxirey in ka badan 200 oo ka mid ah madaxda boqortooyada iyo maal qabeeno kuwaas oo qaarkood lagu qasbay in hantidooda eey soo wareejiyaan halka qaarna xilalka laga qaaday qaarna xabsiyo loo diray.
dadkaas ayaa lagu eedeey musuqmaasuq lakin su’aashu waxa eey tahay asagu musuq maasuq ma banaanka ayuu ka yahay?
7.fataalnimo iyo ku tagrifal hantiyeed
wiilka boqorka yaa lagu dhaliilay in uu doon raaxo kusoo iibsadey malaayiin doolar sidoo kale waxaa lagu eedeeyey in uu sawir gacmeed laga meteley nabi ciise uu ku iibsadey malaayiin doolar oo kale taas oo ah lacagtii ugu badneed ee sawir gacmeed noocaas ah lagu iibsadey ebed.
arintaas yaa imaaneysa asaga oo sheegay in uu dhaqaalaha wadanka wax ka bedeli doono iyo asaga oo boqolaal qof u xirxirey in eey ku takrifaleen hantida dowlada. hadaba su’aashu waxa eey tahay asagu cadaalada ma banaanka ayuu ka yahay?
8.asaasida ururka argagiso la dirirka
waxa uu aasaasay urur eey ku mideysanyihiin 41 dowladood oo muslimiin ah kaas oo la sheegay in uu la dagaalami doono argagixisada lakin dhibka jira ayaa waxa uu yahay, la iskuma raacin yaa argagixiso ah arintaasna waxa ee sababtay in dowlad kasta cidii mucaarad ku ah eey ugu yeeraan argagixiso lakin waxaa la ogsoonyahay in xaq u dirir kasta uu dad u yahay argagixiso.
9.u shaqeeynta reer galbeedka
inkasta oo madaxdii ka horeysey xataa eey ku eedeysnaayeen in eey ka shaqeeyaan danaha reer galbeedka lakin MBS waxaa la sheegay in eey si wanaagsan u soo tababarteen reer galbeedku ayada oo xataa madaxweyne trump uu afkiisa ka qirtay in eey ayagu ninkaas kursiga ku fariisiyeen.
10.go’doomintii qadar
MBS waxaa la sheegay in uu yahay ninka hindisey in la go’doomiyo wadanka qadar ilaa eey ka fulineyso codsiyada xulufada dagaal oogeyaasha lakin qadar arintaas wey ka dhega adeygtay ilaa iyo hadana wuu socdaa go’doomiskaas AKHRI: go’doomintii qadar
11.masruuca hiigsiga 2030
mashruuca hiigsiga 2030 oo ah mashruuc la doonayo in hanaanka dhaqaalaha sacuudiga wax looga bedelo loona yareyo ku tiirsanaanta sacuudiga dhaqaalihiisu ku tiirsanyahay shidaalka. lakin waxaa la sheegay in qeybo ka mid ah xeebaha badda cas ee sacuudiga laga sameey doono jasiirado iyo xeebo lagu tunto loogana dhaqmi doono shuruucda yurub iyo reer galbeedka oo eeysan soo faragashan doonin shareecada islaamku.
xeebahaas ayaa loogu talo galay in eey ku damaashaadaan dadka gaalada ah ee la doonayo in eey maal gashiga ku sameeyaan sacuudiga madaama la doonayo in sanadka 2030 ka sacuudigu uu noqdo wadan dhaqaalihiisu uusan ku tiirsaneyn shidaalka ee la doonayo in wadanka dhaqaalishisu uu ku tiirsanaado maalgashiyiga shirkado caalami ah, iib geynta waxyaabaha sacuudigu soo saaro iyo dalxiiska.
12. soo nooleynta dhaqamo xunxun oo la suuliyey
waxaa la heegay in MBS uu sacuudiga ku soo celinayo wax yaabo badan oo muddo dheer kahor la mamnuucay.
sida meelaha filimada lagu fiirsado, masraxyada laga heeso, ciyaaraha noocyadooda kala duwan iyo weliba in uu u fasaxay dumar iyo ragba in la daawado waxyaabaha noocaas ah, ayada oo la dhisayo garoomo hor leh oo loogu talo galay in waxyaabaha nuucaas ah lagu soo bandhigo.
13. xakameynta ku dhaqanka diinta iyo dalacsiinta ra’sumaaliyadda iyo calmaaniyad
sacuudi carabiya oo ah wadan dhinacyo badan diinta islaamka tix geliya, oo culimadu eey maamulaan dhinacyo badan oo arimaha bulshada ah, ayaa la sheegay in uu boqorku damacsanyahay in uu arintaas meesha ka saaro asaga oo wadanka u sii wada calmaaniyad iyo ra’su maaliyad asaga oo sheegay in uu sacuudiga ka dhigi doono wadan u furfuran dadyawga oo dhan iyo diimaha oo dhan.
arintaas ayaa laga yaabaa in eey lid ku tahay heshiiskii ka dhexeeyey aala sacuud iyo aala sheekh lagan yaabo in eey ku keento kacdoon diimeed lakin lama oga dhanka eey u badan doonto.
3-da arimood ee lagu amaanay
1.ogolaanshaha gaari wedista dumarka
waxaa aad loogu amaanay muxammad bin salman in uu dumarka sacuudiga u ogolaada in eey gawaari kaxeeyaan. arintaas oo muddo dheer muran ka taagnaa ayaa loo fasaxay dumarku in eey gawaarida kexeeyaan.
2.la xisaabtanka madaxda
MBS waxa uu xirxirey, xilka ka qaaday, xabsi u diray dad badan oo ka mid ah boqortooyada oo jagooyin kala duwan hayey iyo ganacsato. arintaas ayey dadka badankood u arkeen in uu madaxda sacuudiga u muujiyey in la isla xisaabtami karo. madaxdaas oo muddo dheex aan arkin cid la xisaabtanta iyo cid eey ka xishoodaan.
3.mashruuca hiigsiga 2030
waxaa la doonayaa in sacuudiga dhaqaalihiisu uusan ku tiirsanaan shidaalka oo kali ah taas oo keeni karta marki shidaalku qiima dhoco in wadanka dhaqaale la’aan soo waajahdo.
sidoo kale barnaamijka waxaa ku jira mashruucyo badan oo horumarineed sida magaalooyin cusub oo la dhisi doono, wasaarado iyo hey’ado cusub, shaqo abuuris, in loo ogolaado in ajaanibtu eey wadanka maalgashi ku sameeyaan dalkugalna la siiyo iyo in waxyaabo badan oo dowlada qaas u ahaa caam laga dhigo.
fadlan la wadaag asxaabtaada

Leave a Reply