April 19, 2026

Nin lagu magacaabo ernie chambers oo ah nin senator ah oo madowna ah lagana soo doorto magaalada Omaha ee wilaayada Nebraska ee dalka mareykanka ayaa muran dhaliyey kadib markii uu ka sheegtay booliska mareykanka iyo cadaadalad darada eey madowga ku haayaan oo eey maalinkasta iska toogtaan si macno daro ah.
Niknkaan oo ka qeyb gelaayey dood ayaa yiri “ma ahan in aad adduunka dhan aad wareegto adiga oo raadina isis sababtoo ah booliska mareykanka ayaa ka daran oo maalin kasta na argagixiya”.
“Booliska fasax ayey u heystaan iney na toogtaan” ayuu yiri.
“Hadii aan qoray qaadan lahaa booliska ayaan u qaadan lahaa in ta toogto ayan kadib su’aal weydiinlahaa sida

eey sameeyaan ayagu oo kale” ayuu yiri.
Wuxuu yiriri “anigu suuriya ma aadeen, ciraaq ma aadeen, afganistaan ma aadeen, yemen ma aadeen, Tunisia ma aadeen, lebenonma aadeen, urdun ma aadeen, ee halkaan yaan ka dagaalami lahaa. aniga isis-teydu waa booliiska. isis-na nooma argagixiso sida boolisku maalin kasta noo argagixiya” ayuu yiri.
mar laga codsaday in uu iscasilo ama raali gelin ka baxsho hadaladaas ayuu wuxuu yiri “mana is casilaayo raali gelina ka biximaayo maxaa yeelay sidii aan ugu talo galay ayaan u iri”.
su’aasha ayaa ah: hadii wadamada ilbaxnimada sheegtay eey dadkoodii sidaas u galayaan maxay anaga noogu qasbayaan dimuqraadiyad iyo xuriyad mey dadkooda siiyaan?

Leave a Reply