TAARIIKH Patrick Lumumba: Amanda waxay xur u tahay in ey mareykan tahay lacagna leedahay admin March 30, 2015 1-dii bishii November 2007 waxaa lagu diley magaalada Perugia ee wadanka talyaaniga gabar lagu magacaabi jirey Meredith oo aheed gabar ardayad ah oo u dhalatay wadanka ingriiska kuna joogtay ardaynimo wadanka talyaaniga. Gabadhaas waxaa ku yaalay sida wararka qaar sheegeen ilaa iyo afartan dhaawac, waana la faraxumeeyey, daaqada qolkeeda wuu jabnaa, alaab eey leheedna qaar ayaa maqnaa.Qofkii ugu horeeyey ee warkeeda soo sheega wuxuu ahaa Amanda oo ah gabar eeyisku qol deganaayeen oo ardayad mareykan ah hase yeeshee habeenkaas soo dhaxday, Amanda waxaa la joogey markii eey warka soo sheegtay wiil eey isla dhaqmaayeen oo eey habeenkaas kusoo dhaxday gurigiisa, oo lagu magacaabo Raffaele.qolkii gabadha ku dhimatay waa la jebiyey, waxa dhacayna waxey u ekaayeen in qof tuug ah uu usoo dhacay qolka gabadha alaabna ka qaatay uuna diley, hase ahaa tee booliisku wuxuu ka shakiyey gabadhii eey isku qolka deganayeen ee Amanda iyo baarqabkeeda raffaele oo ahaa wiil talyaani ah oo eey magaaladaas isku barteed maalmo kahor lakin xariir dhexmaray . Kadib wareysi dheer iyo baaritaan ayey boolisku ugu dhaqaaqeen labadaas qof.Kadib maxaa dhacay?Sheekadaan waxaa dib kasoo galagay dhor qof:1.Amanda waa naagta ugu caansan ee sheekadaan quseyso maadaama eey gabadha dhimatay isku qol deganaayeen .Amanda wareysiga eey booliiska siisay waxaa kasoo baxay warar is qilaafsan, waxeyna sheegtay arima ay ka mid yihiin in eeysan habeenkaas guriya joogin iyo in eey maqleysey qeylada markii ladilaayey gabadha iyo in gabadha uu diley ninka iska lahaa baar eey Amanda ka shaqey jirtey hal gelin. ninkaas oo lagu magaabayey Patrick una dhashay wadanka kongo. Boolisku wuu ka shakiyey qaababka eey u hadleysey iyo dhaqamadeeda , waxaana looga shakiyey in eey ayada gabadha dishey.2.Raffaele waa nin saaxib la dhaqma u ah gabadhaan Amanda eeyna sheegtay in eey habeenkaas lasoo dhaxday laakiin asaguna hadala is qilaafsan ayuu ku hadlay oo eey ka mid tahay in eeysnan Amanda la joogin habeenkaas oo dhan ee ey kasoo tagtay iyo in uusan xasuusan sida habeenkaas wax u dheceen maadaama uu saaid u isticmaalay habeenkaas daroogada looy qaan marjuwaanaha . asagana waxaa looga shakiyey in uu gabadhaas wax ka diley.3.Patrick waa nin u dhashay wadanka kongo oo kulahaa baar magaalada lagu diley gabadha, waxaana gelin u shaqey jirtey gabadhaan Amanda lakin habeenkaas ayuu fariin qoraal usoo diray una sheegay in eeysan soo shaqo gelin maadama eeysan shaqo saas ah jirin, lakin Amanda waxay sheegtay in uu gabadha asagu dilay habeenkaas. Ninkaan sheekada wuxuu soo galay markii talefanka Amanda laga helay fariin qoraal eey u dirtay ninkaan habeenkaas. Fariin qoraalka oo lagu arkay talefanka Amanda oo eey u dambeeysey “hadhow ayaan is arki doonaa” ayaan shaki ku dhalisay booliska waxayn a u qaateen in uu gabadha asagu dilay.4.Rudy waa nin u dhashay wadanka ivory coast lakin talyaaniga kusoo koray, saaxiib caadi ahna la ahaa dadka gurigaas degan, habeenada qaarna sheeko ugu imaan jirey. farahiisa ayaana laga helay meesha gabadha lagu dilay. Rudy, maalmo kadib dilka gabadha ayuu aadey wadanka jarmalka, laakin waa lasoo qabtay waxaana lagu soo celiyey talyaanika wuxuuna sheegay in uu qolka ku jirey waqtiga la dilay gaadha lakin uusan asagu dilin lakin eey dileen Amanda iyo saaxiibkeed , maxkamadeyn kadibna waxaa lagu xakumay 30 sano oo xarig ah lakin racfaan kadib waxaa lagu xakumay 16 sano. Patrick , ninkii baar laha ahaa waa lasoo daayey. wax dembi ahna waa lagu waayey, wadankana wuu isaga tegey oo wuxuu shaqo ka raadsadey wadanka Poland maadaama sumcadiisii eey meesha ku dhuntay.Amanda waxaa lagu xakumay 26 sano saaxiibkedna 25, lakin 4 sano kadib maxkamadu waxey amartay in kiiskoodii dib loogu noqdo waana lasoo daayey. Amanda waxey ku noqotay mareykanka, weey guursatey waxayna ka shaqeysaa wargeys wadanka mareykanka, uurna wey leedahay. Amanda kiiskeedi waxaa la amray in hadana dib loog noqdo, maxkamaduna waxey sheegtay 27 dii bisha maarso 2015 in eysan wax dembi ah leheyn.Aniga Waxey ila tahy in hadii xataa maxkamada talyaanigu dembi ku heli leheed Amanda in eey adkaanleheed in mareykanku dib usoo celiyo oo usoo dhiibo maba kusii jirto ayda oo uur leh ayadoo mareykanku caan ku yahay isla weynin iyo inuu dadkiisa difaaco xataa hadii eey dembiileyaal yihiin.Hadaba Patrick oo ah ninkii eey Amanda masabidatay eeyna ku eedeysay in uu gabadha asagu diley ayaa afka furtay kadib markii uu maqlay in amaanda maxkamadu beriyeeshay wuxuuna sheegay in sbababta manta gabadhaas loo daayey eey tahay maadaama eey mareykan tahay lacagna leedahay lakin ugu yaraan hadii Amanda eeysan gabadhaas dilin weey ogtahay qofka diley ayuu yiri. Continue Reading Previous Previous post: WARBAAHINTA REER GALBEEDKA:ISIS WAXAY GABDHAHA KUSOO JIIDATAA SHUKULAATONext Next post: ERNIE CHAMBERS: BOOLISKA WAAN TOOGAN LAHAA KADIB AYAAN SU’AAL WEYDIIN LAHAA Leave a Reply Cancel replyYou must be logged in to post a comment. Related News KOWDA LUULYO AAN XUSNO EE XOR MA NAHAY? July 15, 2017