weli Ma Is weydiisey sababta xurriyadda wadanka liibiya loogu dhiibey idiris al-awal looguna diidey oo loo diley cumar Al-mukhtaar? Ma isweydiisey sababta xornimada koofur afrika loogu dhiibey Mandela halka steve biko iyo raggii la midka ahaa la diley? Sababta Baghat singh iyo raga la midka ah loo diley ee gaandi loogu dhiibey xorriyadda india? Sababta seyid maxamed cabdulle xasan loo diley ee xorriyadda soomaaliya loogu dhiibey SYL?
Jawaabtu waa mid qur ah- ushaada nin aad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa. marka laga soo tago diinta iyo duubka weyn ee seyidka iyo suutka iyo tayga u xirnaa SYL, matoorka seyidka saarnaa iyo matoorka SYL isku mid ma eheyn. SYL iyo ururadii kale waxa eey xornimada kula wareegeen shuruudo iyo ayaga oo loo dhigay qidadii eey wax ku wadi lahaayeen halka seyidku uu damacsanaa in uu wax ku wado maskaxdiisa. sidoo kale SYL waxaa la tababarayey 17 sano inta aan loo dhiibin waxa loogu yeerey xoriyadda. halka seyidku uu doonayey asaga oo aan cid wareysan in uu la wareego xornimada. Aan is wey diino ee waa maxay xornimada la gaarey haddii gumeystihii oo wata magacyo kale sida qaramada midoobey, beesha caalamka, bangiga adduunka, hey’adda lacagta adduunka, midowga yurub, wadamada horay u maray, NATO iyo sodomeeyo kale ee urur eey nagu sameynaayaan waxyaalo ka daran waxyaalihii gumeystuhu horay noogu sameeyey. waa haddii……………… 1. Aanaan dooran Karin madaxweyne ilaa mid eey ayagu raali ka yihiin. 2.Eey doonayaan in eey noo meeriyaan wixii qaldan iyo wixii saxan. 3.Eey doonayaan in eey nagu qasbaan qaabka dowlanimo ee aan isku xukumeyno. 4.Eey doonayaan in eey noo meeriyaan qaabka dhaqaale ee dowladeenu qaadaneyso. 5.Eey nagu leeyihiin deyn ciidda ka badan oo aan la aqoon qof qaatay iyo wax lagu qabtay. 6.Eey na cunaqabateynayaan hadii aan hadalkooda diidno. 7.Haddi lacagtooda aan wax ku kala iibsaneyno, eeyna lacagteena ka sareyso. 8.Eey magacyo noo kala bixinayaan xataa aanan anagu isu aqoonin. 9.Haddii hubka ee ayaga sameeyaan wadamadeena kusoo harqinayaan. 10.Manhajyadii waxbarasha eey ayagu noo dejinaayaan. 11.wax barashadaada eeysan waxba ka jirin hadii aadan qaabkooda raacin. 12. Xudduudaha iyo magacyada eey ayaga noo dejinayaan. 13. Aadan go’i karin ama is maamuli Karin ilaa eey ayagu ku aqoonsadaan. 14.Aanan waxba aasaasi ilaa aan ayaga cabbir ka qaadano. 15.Haddii eey nagu fangareynayaan jabhado iyo hogaamiye kooxeedyo. 16.Ninkii wax gala oo eeysan jecleyn eey dilayaan. 17.Diinteena eey u kala saarayaan qeyb qaldan iyo mid saxan. 18. eey anaga noo kala saarayaan xagjir iyo dhexdhexaad. 19. Dhaqdhaaqeena eey jecelyihiin in eey kontoroolaan. 20.Madaxdii xun hadii eey ayagu jecelyihiin eey nagu qasbayaan. 21. baasaboorkeena haddii eeysan aqoonsan aanan safri karin. 22.xataa buug ma qori kartid ilaa eey kaa gadaan wax loo yaqaano ISBN. 23.Ayaga ayaa noo qoonteeyey furaha numberka telefonka 252. 24. eey ciidamo calooshood u shaqeyste yaal ah lacag nagu soo siinayan sida amisom. 25. Dhulkeena eey cidey doonaan siinayan sida ogaden iyo NFD. 26. Eey nagu qasbayaan in aan gaalo dhul siino ama kaniisado u dhisno. 27.Idaacado eey ayagu leeyihiin weli eey noo yihiin isha kali ah ee macluumaadka sida bbc iyo voa. 28.Badeheena eey waxa eey doonaan ka sameynaayaan toodana aanan cag saari Karin. 29.Eey nagu qasbaayaan in aan xibin ka noqono ururo iyo hey’ado. 30. hubka eey soo neceen eey anaga naga iibinayaan, kan ugu fiicana eey ayagu heystaan. 31. Eey nagu maamulaan internetka, isgaarsiinta, daawada, gaadiidka, iyo kuwo aanan xasuusan. 32. ka feker bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka imf. 33. sidoo kale ka feker cariiriga lagu hayo beeraleydeena iyo kheyraadkeena oo leyska guranayo anaga oo aan xataa wax war ah ka heyn. 34. ma ogtahay in calanka soomaaliya si toos ah looga koobiyeeyey calanka qaramada midoobey taas oo muujineysa in hal abuurkeenu aad u yaryahay. 35. Sidoo kale waxa eey nagu qaadatay todobo iyo toban (17) sano in loo tababaro dad la wareega kadib markii naloo ogolaaday waxa xornimada lagu sheegay taas oo cadeyneysa in aan la dooneyn in xornimadaas loo dhiibo dad aan cabsaneyn fikradaha iyo qorshooyinka uu gumeeystuhu damacsanaa. 36. haddii dhulka aan leenahay, asal ahaana aan xuriya xaq u leheyn , sideen inta newyork u tagnay uga soo barinay ingiriis iyo talyaani in eey nasiiyaan wax anagu asal ahaanba aan xaq u leheyn?
40. haddii eey noo dejinayaan shuruuc lagu sheegay caalami oo eeysan ayagu raacin lakin anaga nagu qasbayaan in aan raacno iyo maxkamado lagu sheegay caalami oo ayaga aan dembi ku qaadi karin ee inta kasoo hartay maxkamadeeya.
41. iyo….. iyo… iyo… waa liis aan damaad leheyn
isku soo wada duub oo: Waxa loogu yeerey xornimada kuma iman xoog ee waa naloo dhiibey. dhiibistaasna waxa eey ka dhalatay ingiriiska iyo kooxdiisii ku guuleysatey waxa loogu yeerey dagaalkii labaad ee adduunka, kadibna markaas go’aansaday in uu bedelo qorshooyinkiisii hore ee gumeysiga kadibna sameystay wax loogu yeerey qaramada midoobey taas oo qabaneysa wixii uu gumeytuhu qaban jirey ayada oo wejiyo badan leh una qabaneysa si ka qabow sidii hore. ingiriisku markii uu ogaadey in dad badan eey uga dhinteen gumeysiga adduunka ayuu ku fekerey bal sidii uu adduunka ku gumeysan lahaa asaga oo aan dad ka dhiman, dagaalo waaweyna dhicin, wuuna xaqiiqsaday in arintaas dhici karto haddii u tababarto dad u dhashay dadka la rabo in la gumeysto taas oo tijaabooyinkoodii ugu horeeyey uu adeegsadey ragga eey ka mid yihiin shariif xuseen iyo boqor sucuud waana fekradda ilaa iyo hada uu adeegsado dabadana ka wado sida amisom oo kale. aan soo koobo ee doodeydu waa mid aad u fudud taas oo ah: xornimo lama helin jidkeediina lama hayo. sababta oo ah reer galbeedku waayadii hore kali kali ayey dadka u gumeysan jireen lakin maanta wax eey sameysteen wax loo yaqaano qaramada midoobey oo ah urur u dhisan gumeystihii oo isu tegey wadamada kalena eey ka yihiin oo kali ah daawadeyaal. rag badan ayaa xornimda u qaatay wax run ah sida iidi amin, sadam iyo qadafi waana la ogyahay meeshii eey ku dambeeyeen. rag kalena ilaa iyo hadda ayaa lagu daba jiraa sida : Robert mogabe, iyo kim jon un. waxaa nala gudboon in aan xusno maalintii gumeysiga ilaa inta aan ka heleyno xuriyad dhab ah.