April 19, 2026

wadanka faransa ayaa la sheegayaa in maktabadihii eey ka marteen kitaabka quraanka kadib weerakii lagu qaaday wargeyskii aflagaadeeyey nabiga calayhi salaatu wasalaam. sababta ayaa la sheegayaa iney tahay in eey dadku rabaan in eey wax ka ogaadaan waxa ku qoran kitaabkaan maadaama ninka la yimid eey dadku diyaar u yihiin iney naftooda u huraan.
arintaan oo kale ayaa lagu xassustaa in eey dhacday kadib markii la qarxiyey daarihii mataanaha ee new york ayadoo dad aad u badan eey diinta soo galeen kadib markii eey akhrieen kitaabka quraanka.
faransa ayaa lagu xasuustaa in eey tahay dowlad cilmaani ah oo xataa laga mamnuucay xijaabka waana wadanka eey ku noolyhiin musliminta ugu badan qaarada yurub.
ilaahay wixii uu doono ayuu sameeyaa marmarka qaarna waxaa jira wax aad shar u moodo oo kheyr noqda.
arintaan ayaa imaanaysa ayadoo laga yaabanaa in wadanka ingiriiska macaga ugu badan ee ilmaha dhasha loo baxsho uu yahay magaca “maxamed”. arintaan oo dad badan eey aad uga xanaaqsanyihiin ayadoona warbahinta reer galbeedku eey weerar ba’an kuhayaan islaamka iyo muslimiinta lakin allah wuu balan qaaday in uu dhamystirayo iftiinkiisa islaamka gaaladuba ha neceeene.

Leave a Reply