Wadanka koofur Africa oo caan ku ah qalalaasaha ajnabi nacaybka ayaa ayaa markale eey dib ugu soo cusboonaadeen qalalaasooyinkii xaga ajnabi nacaybk ahaa qaas ahaan gobolka KZN oo caasimadiisu tahay magaalada Darban ayadoo lasoo sheegayo in dad badan qaarkoodna nolosha lagu gubey qaarkoodna faasas iyo baangado lagu jarjaray hanti badanna laboobay dukaamana la gubey.
inkastoo uusan jirin sanad aan wadanka south Africa qalalaase ka dhicin ugu yaraan sanadkiiba dhowr mar hase yeeshee qaalaasahaan waxyaabo badan ayuu uga duwanyahay kiwii hore oo eey ka mid tahay:
waxyaabaha uu uga duwanyahay kuwii hore
1.Qalalasooyinkii hore waxa ay ka bilaaban jireen sida qof la diley ama cabashooyin eey dowladooda u qabaan lakin Qalalaasahaan wuxuu ka bilawday kadib markii boqorka beesha loo yaqaano zulu-ga oo degta gobolka kwazulu natal uu amar ku bixiyey in dadka ajnabiga ah eey boorsooyinkooda xirxirtaan oo eey wadanka isaga baxaan.sidoo kale wiilka madaxweynaha wadanka ayaa ku taageeray boqorka in ajnabigu wadanka iasaga baxaan.
2.Qalalasooyinkii hore -marka laga reebo kii 2008 oo eey 70 qof ku dimatay- waxaa la weerari jirey dadka loo yaqaano makuula-ha oo ah Pakistaniyiinta, Bangladeshka, itobiyaanka iyo soomaalida iyo wixii la mida ah -soomaalida iyo itoobiyaanka waxaa loo heystaa in eey yihiin asian maadaama eey tima jilicsanyihiin…. lakin qaalalaasahaan wax la cafinayo ma jirraan ajnabi oo dhan sida Afrikaanka kale sida Mozambique Zimbabwei yo Malawi.
3.Qalalaasooyinkii hore waxay ka dhici jireen meelaha tuulooyinka ah lakin midkaan waxaa la leeyahay xataa magaalooyinka waa la isla soo galay.
4.Qalalasooyinkii hore ma saameeyn jirin cidaha iyo dadka degaanka ah lakin midkaan wax dhaqan ma jiraan ganacsi iyo deegaan.
5.Hindida wadankan ku dhaqan iyo cadaanka oo waagi hore heysan jirey ayagu waxay isu arkaan in eey dhalad yihiin lakin madowgu waxay u heystaan in hindida iyo cadaanku xataa eey ajnabi yihiin sidaa darteed waxaa la sheegayaa dhacdooyin wax loogu geystey dad cadaan ah iyo hindi.
6.Kuwii hore waxay rabaanba ha ahaadeene hada waxaa muuqata in beel kamid ah beelaha ugu xooga badan oo ah zulu oo ah beesha madaxnaha wadanka kasoo jeedo in eey beeshaas isu xilsaartay in eey wadanka ka xureyso dadka ajnabiga ah oo la sheegayo in eey boqolkiiba toban ka yihiin wadanka koofur Afka.
Waa maxay sabata dadkani u dagaalamayaan markasta?
sababta uu qalalaasahaan uu u kaco markasta waxa ay isugu jirtaa dowr qeybood:
1.Dadka wadaniga ah ugu yaraan dhamaantood waxay aaminsanyihiin in dadka ajnabigaah eey wadankooda weerar kusoo qaadeen oo eey kheyraadkooda wadamo kale u rararyaan, ganacsigiina eey ayagu la wareegeen iyo shaqooyinkii, dadkii wadanka u dhashayna aeey faqri ku noolyihiin
2.Dawlada wadankaan oo aan rabin in ayada oo difaaceysa dad ajnabi ah in eey dadkeeda wax u geysato ayadoo eey jirto askartii wax badbaadin lehed in ay qeyb ka yihiin ayagoo xiraya qofkii ajnabiga ahaa hadii uu isdifaacmaago, dadkana u ogolaanaya in eey wax bobaan.
3.Dadka baahan ee wadankaan iyo tuugada ayaan ka faa’ideysanaaya naceybka eey dadku u qabaan dadka ajnabiga sidaas darted ayey markasta qalalaasa kicinayaan si eey marmarsiiyo ugu helaan in eey wax boobaan.
4.Dadka ajnabiga ah ruuxooda oo mar marka qaar geysta qalalaad waaweyn sida in eey shacab dilaan marmarka qaar xataa in eey wax hal doolar ka yar qof kala cararay eey u dilaan marmarka qaar xataa eey ilmo dilaan taas oo eeysan jirin cid adduunka ku nool oo ogolaan leheed.
5.Waxaa jira dad siyaasiyiin ah oo og naceybka dadku u qabaan dadka ajnabiga ah sidaas darteed olole siyaasadeed ku gala in wadanka ajnabiga laga saaro markastana idaacada ka hadla.
6.Waxaa jira ganacsato wadani ah oo si eey ganacsadtada ajnabi ah uga ceyriyaan meesha abuura qalaasooyin si eey kaligood u ganacsadaan.
gabangabadii
Si kastaba ha ahaatee waxaa xaqiiq ah in dadka sidaan wax u gubaya, gowracaya dadaka, masaar ku jarjaraya hadii eey muslimiin ahaan lahaayeen, sida suudaan oo kale tusaale ahaan, waxaa adduunka dhan dhici lahaa: waa argagixiso, waa xagjir, waa asal raac, qaramada midoobey ciidama hasoo dirto, nato ha kala dhexgasho, hey’ adaha wax gargaara hasoo gurmadaan, xuquuqul insaankii waa lagu ciyaaray, lakin hada waxaa muuqadata in cid wax ka qabaneysa eysan jirin xataa dowlada koofur afrika maadaama dadka sidaas sameynaya eey yihiin masiixiyiin iyo dad dimuqradiyada iyo xuriyada iyo cadaalada qaataya.